Jaamacadda Camuud

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Jaamacada Camuud)

Coordinates: 9°56′42″N 43°13′23″E / 9.945°N 43.223°E / 9.945; 43.223


Jaamacadda Camuud

Jaamacada Camuud (Af Ingiriis : Amoud University; Af Carabi : ar‎) waa jaamacad weyn oo ku taala 5 km waqooyi bari magaalada Borama ee gobolka Awdal, Somaliland. Jaamacada Camuud waxay ku taala deegaanka beeroleyda ah ee Camuud taasi oo 5 km ka baxsan magaalada Borama.[1][2][3]

Dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya burburiyey ka dib, sanadkii 1996 ayaa guuto aqoonyahano, waxgarad, ganacsato iyo bulsho weynta reer Awdal garteen ineey aasaasaan Jaamacada Camuud,[4] taasi oo hooy looga dhigay meeshii uu ku yaalay dugsigii sare ee Camuud oo wakhtigaas xidhnaa.[5] Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 1998dii ayaa jaamacada la furey ayadoo lagu bilaabay 66 ardey, labo waaxood (Kuliyada Waxbarashada iyo Waaxda Maamulka & Ganacsiga), iyo sadex professor.[6]

Guud ahaan, 18 sano ka dib wakhtigii la aasaasay, maanta Jaamacada Camuud waxay leedahay 9 kuliyadood (faculty) ay ka mid tahay Kuliyada Caafimaadka oo ardeydii ugu horeeysay ee dhakhaatiir ah ka qalinjebisay sanadkii 2007da; in ka badan 4,000 ardey, iyo 238 prof., macalin iyo shaqaale kale.

Taariikhda Jaamacada

File:Welcome to AU.jpeg
Tiirka "Soo Dhawaynta" Jaamacada Camuud.

Markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya, waxa buruburay dhamaan machadadii waxbarasho ee xiligaa jiray sidaa daraadeed waxa loo baahday machado waxbarsho oo aad u sareeya, markaa sanadkii 1996 waxa la asaasay Jaamacada Camuud[7] si ay u noqoto il waxbarasho, xiligaa waxa loo magacaabay Jaamcada Camuud gudoomiyaheega Prof. Saleebaan Axmed Guuleed ilaa imikana haya xilka gudoomiyanimada jaamacada.[8][9]}}

Sanadkii 1996dii ayaa guuto aqoonyahano, waxgarad, cuqaal, ganacsato iyo qurbo-joog reer Awdal ahi isla garteen ineey aasaasaan jaamacad waxbarsho, taasi oo laga hirgeliyay deegaanka Camuud, ee waqooyi bari magaalada Borama. Dadkii abaabulka jaamacada waday waxay isla garteen in dhismaha Dugsiga Sare ee Camuud oo wakhtigaasi shaqo gabay, laga dhigo hooyga Jaamacada Camuud. Dhinaca kale, sanadkii 1998dii ayaa la bilaabay casharada jaamacada, ka dib markii dib u habeyn lagu sameeyay dhismaha jaamacada oo 5 km waqooyi bari ka xiga magaalada Borama. Intaas waxaa dheer, agabka tiro yar iyo gaadiid kooban ayaa lagu wareejiyay maamulka jaamacada.

Si kastaba ha ahaatee, bishii Julaay horaanteedii ee sanadkii 1998dii ayaa 66 ardey iyo sadex professor lagu bilaabay Jaamacada Camuud. Wakhtigani shaqaalaha, ardeyda iyo shidaalka gaadiidka jaamacadu waxay ku tiirsanayd deeqo ey jaamacadu ka heli jirtey ganacsatada iyo qurbo-joogta u dhalatay gobolka Awdal.

Dadaal badan iyo dhiiranaan dheer ka dib, sanadkii 2003da wixii ka dambeeysay jaamacadu waxay noqotay mid ayadu ku istaagtey lugaheeda, sababtoo ah ardey badan ayaa ku soo biirtey jaamacada, isla markaana agab fiican ayay heshay jaamacadu. Sanadkii 2012ka Jaamacada Camuud waxay baahisay ineey bixiso 9 kuliyadood (faculty) oo waxbarsho ah; ay ka qalinjabiyeen kumanaan ardey ah; ay wakhtigaas diiwaan gashanaayeen tiro kor u dhaafaysay 4,000 ardey; tirada shaqaalaha, macalimiinta, iyo professoradu yihiin 238 qof; isla markaana ay leedahay in ka badan 30 gaadiid ah oo iskugu jira basas waawayn, caasiyo iyo gawaadhi kale.[10]

Jaamacada Camuud waxa lagu tiriyay 3000 machad ee ugu waxbarashada fiican caalamka.

Deegaanka Camuud

Deegaanka Camuud waa dhul beeroleey ah oo dhaca 5 km waqooyi bari magaalada Borama. Deegaankan oo leh dooxyo dhowr ah, sida Dooxa Qoor-gaab, ayaa waxuu caan ku yahay beeraha khudaarta iyo midhaha. Jaamacada Camuud waxay ku taalaa koonfurta deegaanka Camuud, taasi oo ah meesha loogu magac daray jaamacada.[11]

Qisaastii wakhtiyadii gumeysiga Ingiriisku maamuli jiray Waqooyiga Soomaaliya ayaa wuxuu dhisay dugsi sare oo loogu magac daray deegaanka Camuud, waa Dugsiga Sare ee Camuud. Wakhtigii dowladii hore ee Soomaaliya dugsiga Camuud wuxuu ahaa iskool ardeydu dhex dagan yihiin, sababtoo ah magaalada wuu ka go'naa dugsiga sare ee Camuud.[12][13]}}

Dugsiga Sare ee Camuud

Dugsiga Sare ee Camuud (Amoud High-school) waa dugsi sare oo ku ooli jirey deegaanka Camuud ee 5ta km waqooyi bari ka xiga magaalada Borama, gobolka Awdal, Somaliland. Jaamacada Camuud waxay ku taalaa koonfurta deegaanka Camuud, taasi oo ah meesha loogu magac daray jaamacada.[14]

Tan iyo wakhtigii dowladii Siyaad Bare dugsiga Camuud wuxuu ahaa iskool ardeydu wax ka bartaan isla mar ahaantaana dhex dagan yihiin, sababtoo ah magaalada wuu ka go'naa dugsiga sare ee Camuud.[15]

Ka dib, burburkii dowladii Soomaaliya ayaa keenay in Dugsiga Sare ee Camuud isna burburo, kaasi oo dib loo soo nooleeyay sanadkii 1996kii markii la isla gartey in laga dhigo Jaamacada Camuud.[13]

Qaabdhismeedka Jaamacada

File:Amoud logo.jpeg
Taalada astaanta u ah Jaamacada Camuud.

Dhismaha ugu wayn ee ugu muhiisan ee Jaamacada Camuud waxay ku yaalaan koonfurta deegaanka Camuud ee 5 km waqooyi bari magaalada Borama. Deegaankaasi Camuud waxay jaamacadu ku leedahay dhul iskucelcelis dhan 5.5 km2 (3.42 mi2). Sidoo kale, dhulkaasi balaadhan ee jaamacada waxaa ku dhex yaala dhismayaal la badan 50 qol oo ardeydu wax ku barato, xafiisyo u ah maamulka iyo macalimiinta, bakhaaro iyo meelo wax lagu keeydiyo ah.

Gaadiidka Jaamacada

File:Camuud bus.jpeg
Basaska Jaamacada Camuud.

Maadaama Jaamacada Camuud ka baxsan tahay magaalada Borama masaafo dhan 5 km, isla markaana aanay ahayn meel ardaydu degan tahay ama "boarding school", jaamacadu waxay leedahay tiro badan oo basas, caasiyo iyo gaadiid kale ah, kuwaasi oo aroortii ka soo qaada qeeybo kala duwan oo magaalada ah, galinka dambena dib ugu soo celiya magaalada.[16]

Sanadkii 1998dii oo ah wakhtigii la furay jaamacada waxaa la isticmaali jirey 2 bus oo min 20 qof qaadi kara. Wakhtiyadii dambe, markey Jaamacada Camuud balaadhatey isla markaana yeelatay ardey badan ayaa la soo kordhiyay tirada gaadiidka ee jaamacada.[17][13]}}

Dhismaha Jaamacada

Dhulka balaadhan ee jaamacada waxaa ku dhex yaala dhismayaal ka badan 50 qol, kuwaas oo intooda badan la dhisey wakhtigii deegaankaasi ahaan jirey Dugsiga Sare ee Camuud oo ku beegan maamulkii dowladii hore ee Siyaad Bare. Badhtamaha dhismayaasha jaamacada waxaa ku yaala sadexda dhisme ee ugu wayn jaamacada, kuwaas oo kala ah:

  • Hoolka shirarka ama lagu qabto qalin-jebinta.
  • Hoolka libraryga buugaagta jaamaca oo laga dhex helo in ka badan 700,000 oo buug kala duwan ah.
  • Hoolka koombuyuutarad, iyo
  • Hoolka mashiinada korontada jaamacada.

Marka intaas laga yimaado, Jaamacada Camuud waxay dhismoyaal dhowr ah ku leedahay badhtamaha magaalada Borama.

Shaqaalaha iyo Macalimiinta

Guud ahaan tirada shaqaalaha ee Jaamacada Camuud waxaa lagu sheegay 238 qof oo u kala baxa macalimiin, professoro, gargaare, dirawalo iyo shaqaale kale. Shaqaalaha Jaamacada Camuud waxaa ugu sareeya oo maamula Prof. Saleebaan Axmed Guuleed.

Kuliyadaha Jaamacada

Sanadkii 2012ka Jaamacada Camuud waxa ay leedahay 9 Kuliyadood (faculty) oo dhamaantood ku baxa luuqada ingiriiska, marka laga reebo koorsooyinka qaar ooy qaataan ardeyda sanadka koowaad (freshman) iyo ardeyda loo tababaro 2da sano ee macalinimada kuwaas oo qaata koorsooyin ku baxa luuqada afcarabiga. Marka lagu daro labada waaxood (faculty) ee lagu bilaabay Jaamacada Camuud (waa Waaxda Waxbarashada iyo Waaxda Ganacsiga iyo Maamulka)maanta qeybaha waxbarasho ee jaamacadu bixiso waxay kala yihiin:

Kuliyada Waxbarashada

Kuliyada Waxbarashada (Faculty of Education) ee Jaamacadda Camuud waa waaxda waxabarashada, tababirada macalimiinta iyo macluumaadka la xidhiidha wasaaradaha waxbarasho ee jaamacada taasi oo ku dhex taala dhismaha weyn ee jaamacadu ku leedahay koonfurta deegaanka Camuud 5 km waqooyi bari ee magaalada Borama.[18]

Kuliyadani waxay ka mid tahay labada waaxood ee lagu bilaabay Jaamacada Camuud, tan kale waa Kuliyada Maamulka & Ganacsiga, markii la bilaabay sanadkii 1998dii.[19][20][21]

Diplomaka Labada Sano

Kuliyada Tababarka Macalimiinta (Teacher Training Program) waa tabobar iyo waxbarasho labo sano ah ooy Jaamacadda Camuud siiso macalimiin iyo arday laga soo xulo deegaano badan oo kala duwan oo ka mid ah Somaliland iyo Puntland. Dhinaca kale, sanadkii 2003da Jaamacada Camuud oo kaashanaysa hay'adaha EC, DANIDA, iyo CfBT ayaa waxaa la bilaabay tababar macalimiinta oo ah labo sano diploma, kuwaas oo laga soo xulayo deegaanada Somaliland iyo Puntland. Dibloomkan labada sano ah ooy maalgeliyaan hay'adaha EC, DANIDA, iyo CfBT ayaa waxa jaamacadu ku tababartaa ardey 300 kor u dhaafaysa kuwaas oo jaamacadu dejiso aqalo ay u kireeysay isla markaana maamusho noloshooda iyo waxbarashadooda.[22][21]

Kuliyada Maamulka & Ganacsiga

Kuliyada Maamulka & Ganacsiga (Faculty of Business and Administration) ee Jaamacadda Camuud waa waaxda barashada ganacsiga, xisaabinta iyo maamulka ee jaamacada taasi oo ku dhex taala dhismaha weyn ee jaamacadu ku leedahay koonfurta deegaanka Camuud 5 km waqooyi bari ee magaalada Borama.[23]

Kuliyadani waxay ka mid tahay labada waaxood ee lagu bilaabay Jaamacada Camuud, tan kale waa Kuliyada Waxbarashada, markii la bilaabay sanadkii 1998dii.[24][21][25][26]

Kuliyada Sharciga & Qaanuunka

Kuliyada Sharciga & Qaanuunka (Faculty of Sharia and Law) ee Jaamacada Camuud waa waaxda barashada sharciga diinta Islaamka, shuruucda caalamiga ah iyo qaanuun ama xeerka maxkamadaha ee jaamacada taasi oo ku dhex taala dhismaha weyn ee jaamacadu ku leedahay koonfurta deegaanka Camuud 5 km waqooyi bari ee magaalada Borama.[27]

Kuliyadani waxay ka mid tahay qeybaha lagu daray Jaamaca Camuud sanadkii 2008da.[28][29]

Kuliyada Beeraha & Deegaanka

Kuliyada Beeraha & Deegaanka (Faculty of Agriculture and Environment) ee Jaamacada Camuud waa waaxda barashada beeraha, macluumaadka deegaanka iyo ka faa'iidaysiga kheyraadka dabiiciga ee jaamacada taasi oo ku dhex taala dhismaha weyn ee jaamacadu ku leedahay koonfurta deegaanka Camuud ee u jirta 5 km waqooyi bari ee magaalada Borama iyo dhismo ku yaala magaalada badhtankeeda.[30]

Kuliyadani waxay ka mid tahay qeybaha lagu daray Jaamaca Camuud sanadkii 2004ta.[31][32]

Kuliyada Caafimaadka

File:Jaamacada Camuud.jpeg
Dhismaha Kuliyada Caafimaadka.

Kuliyada Caafimaadka (Faculty of Medicine) ee Jaamacada Camuud waa waaxda caafimaadka ee jaamacada taasi oo ku dhex taala dhismaha weyn ee Hosbitaalka Hayaat ee magaalada Borama.

Bishii 9aad ee Sanadkii 2007da ayaa dufcadii u horeeysay ee dhakhaatiir ahi ka qalijebiyeen Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Camuud.

File:Camuud lab.gif
Ardeyda Kuliyada Caafimaadka.

Kuliyada Kalkaalisada

Kuliyada ITga & Koombuyuterka

Kuliyada ITga & Koombuyuterka (Faculty of IT and Computer) ee Jaamacada Camuud waa waaxda barashada teknolojiyada, macluumaadka koombuyuterka iyo shaqada koombuyuterka ee jaamacada taasi oo ku dhex taala dhismaha weyn ee jaamacadu ku leedahay koonfurta deegaanka Camuud ee 5 km waqooyi bari ee magaalada Borama iyo dhismo ku yaala magaalada badhtankeeda.[33]

Kuliyadani waxay ka mid tahay qeybaha lagu daray Jaamaca Camuud sanadkii 2008da.[34][35]

Kuliyada Injineerinka

Kuliyada Dhakhtarka Ilkaha

waa kuliyada ugu qiimo badan xaga caafimaadka marka laga eego

Qalinjebinta

File:Group of 08.jpeg
Guuto ardey ah oo ka qalijebisay Jaamaca Camuud sanadkii 2008da.

Ardaa Shishe

Jaamacada waxaa aasaasay niman aqoonyaahana oo jooga wadanka suoudi arebia iyo aqoon yahano reer Boorama ah

Faalo Kooban

  • telefanka: +252-2-63-4454004
  • email: Info@amouduniversity.net

Xigasho

  1. "ingiriis: Amoud University;"
  2. "carabi: جامعة عمود"
  3. "deegaanka beeroleyda ah ee "Camuud" taasi oo 5 km ka baxsan magaalada Borama"
  4. "sanadkii 1996 aqoonyahano, waxgarad, ganacsato iyo bulsho weynta reer Awdal"
  5. "dalka Soomaaliya"
  6. "dugsigii sare ee Camuud"
  7. 1996 waxa la asaasay Jaamacada Camuud
  8. "Prof. Saleebaan Axmed Guuleed"
  9. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2016-03-04. Soo qaatay 2014-01-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  10. "Sanadkii 2012ka [Camuud|Jaamacada Camuud]]"
  11. "Deegaanka Camuud waa beeroleey 5 km waqooyi bari magaalada Borama"
  12. "wakhtiyadii gumeysiga Ingiriisku maamuli jiray waqooyiga Soomaaliya"
  13. 13.0 13.1 13.2 "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2016-03-04. Soo qaatay 2014-01-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin) Cite error: Invalid <ref> tag; name "Taariikhda Jaamacada" defined multiple times with different content
  14. "Dugsiga Sare ee Camuud (Amoud High-school) waa dugsi sare oo ku ooli jirey deegaanka Camuud"
  15. "wakhtiyadii gumeysiga Ingiriisku maamuli jiray waqooyiga Soomaaliya"
  16. "basas, caasiyo iyo gaadiid"
  17. "Sanadkii 1998dii"
  18. "waxabarashada, tababirada macalimiinta iyo macluumaadka"
  19. "Kuliyada Maamulka & Ganacsiga"
  20. "sanadkii 1998dii"
  21. 21.0 21.1 21.2 "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2016-03-04. Soo qaatay 2014-01-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin) Cite error: Invalid <ref> tag; name "Kuliyada Waxbarasho ee Jaamacada" defined multiple times with different content
  22. http://www.amouduniversity.org/index.php/departments-and-units-administrations.  Maqan ama ebar |title= (caawin)[dead link]
  23. "ganacsiga, xisaabinta iyo maamulka ee jaamacada"
  24. "Kuliyada Maamulka & Ganacsiga"
  25. http://www.amouduniversity.org/index.php/departments.  Maqan ama ebar |title= (caawin)[dead link]
  26. http://www.amouduniversity.org/index.php/about/history.  Maqan ama ebar |title= (caawin)[dead link]
  27. "sharciga diinta Islaamka, shuruucda caalamiga ah iyo qaanuun ama xeerka maxkamadaha"
  28. "Kuliyada Sharciga & Qaanuunka"
  29. http://www.amouduniversity.org/index.php/departments-and-units-administrations.  Maqan ama ebar |title= (caawin)[dead link]
  30. "beeraha, macluumaadka deegaanka iyo ka faa'iidaysiga kheyraadka dabiiciga"
  31. "Kuliyada Beeraha & Deegaanka"
  32. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2016-03-04. Soo qaatay 2014-01-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  33. "teknolojiyada, macluumaadka koombuyuterka iyo shaqada koombuyuterka"
  34. "Kuliyada ITga & Koombuyuterka"
  35. http://www.amouduniversity.org/index.php/departments-and-units.  Maqan ama ebar |title= (caawin)[dead link]