Jaarso

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Jaarso waa qabiil soomaaliyeed kana mid ah bahwaynta Daarood , qabiilka jaarso Daarood wuxuu ka mid yahay beelaha soomaaliyeed ee ku nool Ethiopia kuwa ugu badan dad ahaan iyo dhul ahaanba.



Qabiilka Jaarso wuxuu dagaa wadanka Ethiopia gaar ahaan kililada Soomaalida iyo kan Oromo-da, magaaloyinka ay asal ahaan u dagaan waxaa ka mid ah Jigjiga, Tuli Guled, Jinacsani, Ejersa Goro, Baabili,Gursum, Bombas,Dhagaxle, Xaadaw,Ordo, Hawaday,Fayaanbiro, Fayaan Hujubo, Kombulsho, Harar, Haramaya, Diridawa, Dadar, Baali, Dhangago, qaybo ka mid ah Awash, sidoo kale gobolka Gobolka Liibaan.


Umada Jaarso waa umad taariikh wayn ku leh Geeska Afrika waana qabiilkii soomaaliyeed ee ugu hor yeeshay boqortooyo maamuli jirtay in badan oo ka mid ah wadanka Ethiopia Waxaana la odhan jiray Sultanate boqortooyadani waxay kulmin jirtay oo hoos imaan jiray dhawr boqortooyo oo caanka ah Geeska Afrika ilaa hadana taariikhdooda lagu barto kuliyadaha, jaamacadaha iyo iskoolada wadanka Ethiopia waxaana ka mid ahayd boqortooyadii waynayd ee la odhan jiray Sultanate of Dawaro ee uu Amiirka ka ahaa Sheekh Ḥaydar (Haydara), (Dawaro waa beel ka mid ah qabiil waynaha [[]] ), Boqortooyadaasi waxay lahayd xeer caan ahaa oo ay ku maamuli jirtay in badan oo ka mid ah dalka ethiopia xeerkaas oo loo yaqaan xeerka ilaa iyo hadana ay isku maamulaan dadka ku aftirsada qabiil waynaha .


Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Taariikhaha Dhulka 

Qabiil waynaha wuxuu Rabbi ku manaystay dhul barwaaqa ah oo aad u wanaagsan kuwasoo raadad taariikheed leh. raadadka taariikheed ee dhulka caanka ku tahay waxaa ka mid ah


Dakar caasimadii labaad ee Ifat Sultanate
  • Tuuladii uu ku dhashay Imaam Axmed Guray Raximulaah iyo Masaajidkii ugu horeeyay ee uu yagleelay Imaamku kuna yaala ilaa iyo hada tuulada qadiimiga ah ee loo yaqaan Derbiga.
  • Magaalada Ejersa Goro oo uu ku dhashay boqor Haile Selassie sanadkii 23 July 1892.
  • Caasimadii Labaad ee Boqortooyadii Ifat Sultanate laguna magacaabi jiray Dakkar magaaladaas oo hada loo yaqaan Jinacsani.
  • Tuli Foqosho oo ah tuuladii lagu aas aasay xeerki , goobtaas oo ay laba sano fadhiyeen waxgaradka [[]] si ay u sameeyaan xeerkaa.


Taariikhaha caanka ah ee Qabiilka ,waxaa ka mid ah :


waxaa kale oo ay lee tahay misena ay ku faani kartaa xeerka soo jireenka ah ee lagu magacaabo Xeerka Jaarso kaasoo u kala baxa Laba Qaybood , xeerarkaas oo ay qabiilada kale usoo doonan jireen si loogu kalo saaro marka ay is qabtaan dhexdooda iyagoo odhan jiray waa in aynu ku kala baxnaa xeerka Jaarso , xeerkaas oo lagu aas aasay tuulada qadiimiga ah ee lagu magacaabo Tuli Foqosho. Qabiil waynaha Jaarso waxay ku fadhiyaan dhul aad u balaadhan oo ka mid ah dalka Ethiopia.

Umada Jaarso waa umad ku hadasho laba luuqadood, 65% waxay ku hadlan Af-Oromo , 45% waxay ku hadlaan Af-Soomaali.


Qabiilka Jaarso waa beel nabad jecel isla markaana aad u ixtiraamta beelaha ay wada degaan waxaana daliil kugu filan qabiilada kale ee ay soo dajiyeen dhulkooga iyagoo siiyay beero ay quutan iyo deegaan u gaar ah taasina waa dabeecadaha ay caanka ku yihiin.

Qabiilka wuxuu u kala baxaa:[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Jaarso wuxuu dhalay (6) wiil sida la sheegana Sadex waa isku bah sadexda kalana waa isku bah waxaana loo kala qaybiya Labada Bahood iyo waxayna kala yihiin


  1. Beesha Waro Dhaqo ( Reer Dhaqo )
  2. Beesha Waro Sayo ( Reer Sayo )
  3. Beesha Walaabi
  4. Beesha Waro Oogo ( Reer Oogo )
  5. Beesha Dawaro
  6. Beesha Oroma


Erayga `Waro` waa eray oromo ah wuxuuna la mid yahay `Reer´


1. Beesha Dhaqo waa (7) Jilib

              * Wara Yan’a
              * Wara Yaanyo Igo
              * Wara Maxamed
              * Wara Yaanyo Guyo
              * Wara Akaako
              * Wara Areelo
              * Wara Karayu


2. Beesha Sayo waa 3 jilib

              * Wara Buuko
              * Abiye
              * Oroma


3. Beesha Walaabi waa 3 jilib

              * Wara Cusmaan 
              * Wara Cumar 
              * Baalcad 
 

4. Beesha Dawaro waa 8 Jilib

              * Wara Botor
              * Wara Murjaan
              * Wara Abraan
              * Wara jido
              * Wara Ya'a
              * Wara Baro
              * Wara Salow
              * Wara Qaalu


5. Beesha Oogo

6. Beesha Orama waa 6 Jilib

             * Wara Xamido
             * Wara Cali
             * Wara Diyo
             * Wara Ayaago
             * Wara Wardu
             * Wara mala halaku