Jalalaqsi

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Jalalaqsi' waa degmo ku taalla Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Waxaa mara Wabiga Shabeelle. Degmadaan waxay caan ku tahay beeraha galleyda,masagada,ama haruurka, Canbaha, Saytuun ama Zaytuun deegaan Shanfarood ama Maracood Bataatigaduud Loos Digir Sisinta iyo kuwo kale aan halkan lagusoo koobi karin. waxaa jalalaqsi hoos taga tuulooyinka Jaciir, Jamaaca Raaxaale, buulo jaro, buulo cariyaan,afgooye baadicadde,xamiir gaab,siibaay,afcad, ceelciid, qoryaale , ,fiidoow,tuulada iji,show, dheen, Baqdaad,Quracjafle, Maakko,Jinbileey,Dirgoys iyo kuwo kale.

Waxaa Jalalaqsi lagu tilmaamaa iney kamid tahay meelaha aysan si aad ah u saameyn dagaalada sokeeye inkastoo ay iska hor imaadyo badani kadheceen.

Ganacsiga: suuq khamiisle ah ayeey caan kutahay Jalalaqsi oo looga kala yimaado degmooyinka iyo tuulooyinga u dhow,kaaso lagu kala iibsado geela,lo'da,ariga qudaarta, iyo badeecooyin kaleay kamin yihiin galeyda,digirta,misigada,iwm.jalalaqsi waxey ledahay jid jaay ah oo bartamaha kamaro, jidkaas oo loo yaaqaano Ta,da oo micnaheedu yahay jid sadex gees ah.jalaqsi waxey lahaan jirtay iskuulo hoose dhexe iyo dugsi sare waloow hadda la bililleqestay?

iskoolka hoose waxuu ku yaalaa bari,iskuulka dhexe iyo iskuulka sare waxey ku yaallaan qoraxsin jalalaqsi waa laba xaafadood oo kala ah horseed oo ah qoraxsin iyo hantiwadaag oo ah bari waxaana kala bara wabiga shabeele iyo buundo gawaarida iyo dadkaba maraan

Jlalaqsi[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dagmada jalaqsi,waa magaalo kutaalo bartamaha somaaliya,gaar ahaan waxa aay katirsantahay gobalka hiiraan,jalalaqsi waa magaalo qadiim ah, inkastoo aaysan jirin hormar lataabankaro,hadane dadka kunool waxa aay ubadanyihiin, dad qunyar socod ah,jacelne, wada noolashaha, kuna mashquulsan xirfadohooda, oo ah dhaqanshada xoolaha iyo beerashada beeraha,labadaas xirfad baana lagu yaqaanaa, dadka reerjalalaqsi.magaalada waxaa ay ku cantahay suuq laysugu yimaado maalinta qmiista ay dadka ka iib sadaan wax yaabaha kala duwan

inta badan degmadan waxaa daga lehna dhulka beeraha ah beelwaynta baadacadde oo dagta dhamman gobolka hiiraan waana beel nabada jecel sida laga dareemayo xirfadda beerashada oo ah ilbaxnimada dunida

waxaa hoostago,jalalaqsi tuulooyin badan oo ay kamid yihiin kuwaan:-

  • Raaxaale
  • afcad

.xamiirgaab

  • siibay
  • jaciir
  • buurweeyn
  • hiladufle
  • quracjafle
  • jinbileey
  • dajis
  • cariishleey
  • dufaaley
  • jameeco shiin
  • ceelciid
  • shaw
  • qoryaale
  • raaxaale.
  • buulobanaan.
  • xuduroow.
  • bilaal.
  • hilaqurac
  • buulacali
  • bukuraale
  • iji

¤buurdheere cariishleey kullunxagaay

NB! akhristayaal haku qorin fadlan magacaaga, laakiin geli waxii taariikh ah ee aad ka hayso jalalaqsi.


Degmooyinka Gobolka Hiiraan Calanka Soomaaliya
Abooreey · Beledweyne · Buq aqable · Buuloburde · Ceel Cali · Halgan · Jalallaqsi · Matabaan · Maxaas · Moqokori · Nuur Fanax

waxaa qoray qoraa :ustaad khaalid cilmi MEDICAL RESEARCHER AND JOURNALIST