Jamaame

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Jamaame waa degmo ku taala Gobolka Jubbada Hoose, waxay Kismaayo u jirtaa qiyaas dhan 60 km. Jamaame waxaa dega qabiilka Surre ,Biimaal,iyo in yar oo beesha jareer iyo digil iyo marifle ah waxaa soo raaca dadyow asalkooda ka soo jeeda waddanka Yemen, gaar ahaan Xadarmoot. Magaalada waa magaalo aad u hurumarsan. Waxaa ku yaalay isbitaal weyn iyo dugsi oo raacsanaa qolo maraykan ah. Sidoo kale waxaa ku yaalay dugsi raacsanaa masaarida. Jamaame waxay leedahay laba suuq oo laka yiraahdo suuq mugdi oo ku yaala xaga dambe ee magaalada iyo suuq iftiin ama suuq weyn ee ku yaala magaalada xaga hore ee laga soo galo. Sidoo kale magaalada waxay leedahay seddax xaafadood oo lakala mmmmmmyiraahdo Howlwadaag, Kacaanka iyo Nasiibwanaag (Nasiibtumaal). Magaalada waxaa mara webi yar oo la yiraahdo Webi-Urow lagana soo jeexay webiga weyn ee Jubba.

Wax soo saarka magaalada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

magaalada jamaame waa magaalo dhacda koonfur Soomaaliya Jamaame wuxuu Alle ku muteystat Qeyraad sida Mooska, Cambaha iyo Khudrada Jamaame waxaa hoos imaado Tuulooyin aad u badan sida Bangeeeni, Turdho, NAftaa Quur, ETC

Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose Calanka Soomaaliya
Afmadow · Badhaadhe · Jamaame · Kabsuuma · Kismaayo · Mareerey · Ras kambooni · Xagar