Jasiira

Ka Wikipedia

Waa degaan ka tirsan gobolka sh.hoose oo ah meel dalxiis ku fiican,degaanka waxa dega beesha sheekhaal Jaziira oo kamid ah beelaha ahlu diinka ah ee Shiikaal. Beesha sheekhaal jasiira ayaa waxaay u kala baxda 3 lafood oo kala ah Xaaji, Qaasim iyo Maat. Waxaa si gaar ah deegaanka ugu badan Lafta Reer Maat, Waxaana Deegaankaasi iska leh su buuxana looga yaqaana Beesha Sheekhaal Jaziira sida Magaca Deegaankaba ku tusinayo, oo ka soo jeeda sheekha meesha ku aasan jasiirada ama jabalka badda dhexdiisa ah oo magaciisa la dhaho Sheekh Abaa Xasan ama Baa Xasan, magacaas oo ka soo jeeda wiilka curadkiisa ah oo la dhaho Xaaji Xasan. Cidda kale oo hada degan waxayso degeen wixii kadanbeeyay 1991kii xiligaasi oo Dalka dhan fooda uu galay. degaanka wuxu leeyahay kheeraadyo badan sida bada,beeraha & xoolaha. waxay caay kuyihiin siyaarada sheekha oo bilkasta oo shacbaan ah 14 keeda laga dhigo isla degaanka, waxay kaloo leedahy beero waaweyn oo lagu farsameeyo cusbada.

Deegaanka waxaa uu ka mid ahaa deegaanada ugu waxsoosarka badan xiligii Dawladda dhexe ee kacaanka wadanka ka jiray ayadoo ay ka dhismaayeen warshado farabadan sida tii aargoostada looga dhoofin jiray dibada, sidoo kale warshada doomaha, korontada laga dhaliyo dabeysha oo ayadana deegaanka hoos iman jirtay.