Jermaaniyaam

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Jermaaniyaam

Curiyaha Jermaaniyaam

Jermaaniyaam (ingiriis: Germanium) astaanta (Ge) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay sodon-iyo-labo (32). Curiyaha Jermaaniyaam waa bir la mood ka tirsan curiyayaasha guruubka 14aad ee Diwaanka Curiye.

Jermaaniyaam waa adke, midab cagaar cad leh taas oo lagu tiriyo Guruubka Kaarboonka, isla markaana leh falgal kimiko oo la mid ah curiyeyaasha Tin iyo Silikoon ooy jaar yihiin shaxda Diwaanka Curiye.

Atomyada Jermaaniyaamta saafiga ah waa gudbiyo kulka iyo korontada, waxayna si fudud ula falgashaa Ogsajiinta.

Markii u horeeysay curiyahan waxaa helay saynisyahan Jarmal ah Clemens Winkler sanadkii 1886 kaas oo ugu magac daray wadankiisa.