Jibraacin

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan beelaha Jibraacin, Habar Cafaan, Gadabuursi.
Jibraacin
Gobolka Awdal waa deegaanka beesha
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
DalkaFile:Flag of somalia.svg Somaliland,  Ethiopia,  Djibouti
Ka tirsanBeesha Habar Cafaan, Gadabuursi
Dowlada
 • NuucaBoqortooyo, Saldanad, maamul beeled
 • HoostagtaMaamulka Beelaha Gadabuursi
Area
1,374 km2 (531 sq mi)
Tirada dadka
(2010)
 • Dhammaan120 311
 • Cufnaanta dadka8.75/km2 (22.7/sq mi)
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Jibraacin (ingiriis; Jibra'en; carabi: جبراعن) sidoo kale loo yaqaano reer Sheekh Jibriil waa beelo waaweyn ka mid ah labo iyo tobanka beelood ee Beesha Habar Cafaan, Gadabuursi ee deegaanka ku ah Waqooyi Soomaaliya, maanta loo yaqaano Somaliland.[1][2] Si la mid ah shacabka ku dhaqan deegaanadaasi, beelaha Jibraacin waa dad beerooleey iyo xoolo-dhaqato mutacalimiin iyo ganacsato waaweyn oo caan ka ah degaanadaa, kuwaasi oo beero waaweyn ku leh deegaanada hoos yimaada Somaliland iyo deegaamada Soomaalida Itoobiya. Waxaa intaas dheer, cuqaal iyo hogaamiyayaal badan ayaa ka dhashay beesha, kuwaasi oo qeyb libaaxleh ku lahaa boqortooyinkii ka jiray gobolka Awdal. Aqoonyahano xilal sare ka soo qabtey dowladii hore ee Soomaaliya[3] iyo mida Somaliland ayaa ka dhashay beesha Jibraacin.

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Laamaha Beesha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Guud ahaan beesha Jibraacin waxay u kala baxdaa afar qeybood, waxaana curad u ah Reer Qaalib Cismaan Jibriil. Hadii aan wax ka yara taataabto beesha jibraacin waxay u kala baxdaa sidan soo socota (7)

  • Reer Qaalib Cismaan
  • Reer Odawaa
  • Reer Yusuf
  • Reer Aadan

- Reer Ali Guud

- Reer Boor

' Reer ba muuse case

Deegaanada Beesha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Jibraacin waa beelo deegaan ku ah gobolka Awdal, nawaaxigeeda ilaa gobolka Soomaali Galbeed ee wadanka Itoobiya iyo waliba wadanka Djibouti halkaa oo ay deganyahiin rag badan oo ka mid maalqabeenada ugu caansan wadanka Djibouti.

Beelaha Jibraacin waa dad nabad iyo wanaaga jecel, tolnimo iyo jeernimo ba aad u tixgaliya. Sidoo kale waa umad waxbarashada iyo ganacsiga iyo horumarka aad u jecel taasina waxay suura galisay inay yeeshaan tiro badan oo mutacaliimiin ah oo heer jaamacadeed ah; tani waa mida sobobtay maamulkasta oo laga dhiso Somaliland inay noqdaan dadka dhex muuqda oo xilal muhiimana ka qabta.

Dadka Caanka ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Beelaha Jibraacin waxaa ka dhashay tiro badan oo aqoonyahno, culimodiin, waxgarad, siyaasiyiin, salaadiin, ganacsato iyo tiro badan oo qurbojoog ah. Dadka caanka ah ee ka soo jeeda beesha waxaa ka mid ah:

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]