Jilyaale

Ka Wikipedia

Jilyaale (mise: Jameeco-Jilyaale) waa degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna dhanka galbeed ka jirtaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda u ah Gobolkaasi. Magaalada waa magaalo taariikh leh, waxaa aasaasay Sheekh Xasan Barsane oo ahaa halgamaa Soomaaliyeed oo la dagaallamay gumeystayaashii Talyaaniga iyo Xabashida ee ku soo duulay Soomaaliya, waxay ahayd sidoo kale xaruntii Sheekha uu ka maamuli jiray Ciidamadiisa.