Jubbada Hoose

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Jubbada_Hoose
Gobolka Jubbada_Hoose ee Soomaaliya
Caasimada Kismaayo
Weyninka 42 876 km²
Shacabka 968 286 (2007 [1])
isku dhawaan 15,59 inh./km²
Bogga internetka '
Somalia regions map Jubbada Hoose.svg

Jubbada-Hoose Magaca Hoosingo Degmada Hoosingo Gobolka Jubbada Hoose Wadanka Soomaaliya Tirada Dad Ku Nool 500-1000 (Qiyaas) Maamul Goboleedka Jubbaland Gudoomiyaha Degmada Maxamed Sh. Muxumed


Mapka Hoosingo Hoosingo (carabi: هوسنجو ingiriis: Hosingo Soomaali Hoosingo sidoo kale loo yaqaano "Hoowsingow") waa dagmo ku taala koonfur-galbeed gobolka Jubbada Hoose ee wadankaSoomaaliya. Degmadan oo lagu qiyaaso boqol jir ayaa waxa dhinaca galbeed xad kala leedahay wadanka Kenya halka magaalada Kismaayo kaga taalo dhinaca bari ama qorax ka soo baxa.[1]

Hoosingo waxay mid ka tahay todobo degmo ee gobolka Jubbada Hoose ka kooban yahay. Sida taariikhda ku xusan tan iyo waqtigii Dawladda Soomaaliya qaadatey xoriyada sanadkii 1960-kii, magaalada Hoosingo waxay mid ka ahayd degmada Badhadhe, hase yeeshee sanadku markuu ahaa 2010-kii ayaa Dowladii Ku Meel Gaarka ahayd ee Sheekh Shariif u magacaawdey Hoosingo degmo ka tirsan degmooyinka gobolka Jubbada Hoose.


Masaajidka Hoosingo Taariikhda Hoosingo waxay qani ku tahay xoolaha nool iyo beeraha. dadka degan degmada hoosingow waxay dhaqdaan saddaxda meesin, sida ariga lo.da iyo geela hoosingow(hoosingow) waxay leedahay dulbeeleed baxadway. dhulbeeredkaas oo kala ah hargeesa. dhabakoor.laanta_gaaruu.gololoonle.baqdaad iyo adablaha_buurada. tuulooyinka hoos yimaada degmada hoosingow waxay kala yihiin baqdaad,waldeena,mandheer,koroma,kollaa,qeesanuur,goodaya,iyo hirbbaayo,waldeena waxaa mara xuduuda koonfur Soomaaliya, dagaal beeladyadii kadhacay degmada hoosingow 1999 iyo 2002dii ayay dadkii daganaa badan kodii uguureen tuulada waldeena waxaa ka dhisan halmasjid dagmada hoosingow waxay waxay leedahay labo ceel_biyood,midkii miyaha macanaa wuxuu raacay dowladii dhexe ee mohamed siyaad barre kankalana waxaa xannaneeya gudi kakooban 16 waxay hoos yimadaan hayada , soliddarities international, waxayna uqaabil san yihiin dhinaca dayac tirka dedka kunool degmada hoosingow waa dad is jecel waxaana degmada iska leh beelwaznta shiiqaal fiqi cumar