Kismaayo

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Kismaayo
كيسمايو
—  Magaalo  —
Kismaayo is located in Somalia
Kismaayo
Dhacdaa: 00°21′29″S, 042°32′43″E
Dalka  Soomaaliya
Gobol Jubbada Hoose
Tirada dadka
 • Guud ahaan 183,300
Saacad EAT (UTC+3)
Kismaayo

Magaaladaan waa caasimada gobolka jubbada hoose, waxaayna caasimada muqdisho u jirtaa 528km. Kismaayo waxaa hormaro Wabiga Jubba oo biyahiisa ku shubo Badweynta Hindiya. Waxa uu maraa meel 15km u jirta magaalada. oo u dhaw Goobweyn, Shacabka degan magaalada Kismaayo waxaa ay gaarayaan ilaa 73,300 oo qof, (dad tiriskii lagu soo qiyaasay sanadka 2011). .Dadka dago magaalada kismaayo waa dad is jecel kahor dagaaladi sokeeyana qabiil lagama aqaanin magaalada waxaana la isgu yeeri jirey reer kismaayo ama reer jubada hoose . Dowladii Ajuuraan, waxaana ku xigay Saldanadda Geledi.Sanadka marka oo u dhaxeeyay 1836di ilaa 1861di waxaa deegaanada jubooyinka oo markii hore loogu yeeri jiray (BASSA JUBBA) sheegan jiray saldaanadii Muscat (hadda cumaan) oo markii danbe la shaqeeyay Ingiriiska Bariga Afrika.Sanadka marka oo ahaa 1925 goblada jubooyinka waxaa ka mid noqdeen Talyaaniga ee Soomaaliya.Taariikhda marka ee ahayd 1 Luuliyo 1960 kii waxaa labadii gobol ee Koonfur ta iyo Woqooyiga kismaayo waxay qayb ka noqotay goboladii xoroobey ee Jamhuuriyada Soomaaliya, kismaayo waxaa ka mid eheed meelaha ee dagaalada ka dhacaan.waxaa magaaalada gacanta ku dhigay maleeshiyada xagjirka aha ee islaamiyiinta.waxeena maanta magaalada ka midtahay meelaha ee isku horfadhiyaan ciidamada DKMG iyo al-shabaab.Kismaayo waxee caasimad u noqotay maamul nabadoon ah oo dagaal sifeen ah kula jiro kooxaha xagjirka ah ee islaamiyiinta.

Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  • Kismaayo oo caasimadda ah ahana magaalada sedexad ee ugu wayn soomaaliya

Afmadoow,Jamaame,Badhaadhe,hoosingow

Xaafadaha Kismaayo[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Kismaayo waxay ka kooban tahay 4 Xaafadood oo waawayn. waxayna kala yihiin: Farjanno, Faanoole, Calanleey, iyo Shaqaalaha.

Kismaayo, Caasimada sedexaad ee Soomaaliya[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Muqdisho Hargaysa Kismayo iyo Baydhabo ayaa balaartay iyaga oo saldhig u ahaa labadii gumayste ee wadanka soo kala maamulay, Talyaaniga iyo Ingiriiska, sida ay isugu xigaan.

Kismaayo waa caasimada afaraad ee Soomaaliya xiligii xukumadii siyaad bare waxayna ku taalaa koonfurta fog ee Soomaaliya. Waxaa magaalada xariir dhaqaale la leh magaalooyinka waawayn ee dhaca somalia iyo weliba gobolka somalida ee kenya oo la dhihi karo waa magaalooyin ay mataano yihiin . Ganacsiga Kismaayo wuxuu gaaraa dhamaan gobolada Soomaalida Kenya ilaa wadanka Itoobiya. waana magaalo caan ku ah dhoofinta dhuxusha iyo ganacsiyo kale oo waweyn Waa gobolada ugu qanisan Somalia Jubooyinka haddii ay tahay xoolo beero bad iwm,

Waxbarashada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Magaalada Kismaayo waa isha dhaqaalaha Dowlad goboledka jubaland : waxaa ku yaal 4 dugsi sare iyo wax ka badan 7 dugsi hoose dhexe. Afarta dugsiyada sare waxaa kamid ah Iskuulka Max'ed Jaamac, Faanoole, Jubba, Guulwade iyo weliba dugsiga Axmed Bin Xambal.

Bahda waxbarashada ee degmada Kismaayo iyo guud ahaanba gobolka J/hoose waxay ku mideeysanyihiin dallad lagu magacaabo (JEN) JUbba Education Network, taasoo saldhigeedu yahay Kismaayo.

Sidoo kale magaalada Kismaayo ayaa waxaa siweyn looga bartaa culuumta kala duwan ee diinta Islaamka, iyadoo ay magaalada ku yaallaan madaaris kala duwan oo lagu barta diinta suuban ee islaamka.

Maamulka iyo Sharciga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Magaaladda Kismaayo waxaa hada maamula mamul kmg ah oo ay aqoon santahay Dawladda somalia waxaan madax wayne ka ah sheik axmed madoobe shekh maxamad islaam . Gudoomiyaha Magaalada ahna duqa degmada kismaayo waa Timojilic

Cimilada Kismaayo[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Faahfaahin Cimilada Kismaayo
Bilaha Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec Sanad
Kuleel aan darnayn °C (°F) 30
(86)
31
(87)
32
(89)
32
(89)
30
(86)
29
(84)
28
(83)
28
(83)
29
(84)
30
(86)
31
(88)
31
(87)
30.0
(86.0)
Hoos udhaca kuleelka °C (°F) 24
(76)
24
(76)
24
(76)
25
(77)
25
(77)
24
(75)
23
(74)
23
(73)
23
(73)
24
(76)
25
(77)
24
(76)
24.2
(75.5)
Precipitation cm (Faro) 0
(0)
0
(0)
0
(0)
2
(0.8)
7
(2.9)
7
(2.6)
4
(1.6)
1
(0.3)
0
(0.1)
1
(0.3)
1
(0.3)
0
(0.1)
23
(9)
Source: Weatherbase [1]

Tixraacyada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
  1. "Weatherbase: Historical Weather for Kismaayo, Somalia". Weatherbase. 2011. http://www.weatherbase.com/weather/weather.php3?s=7236&refer=wikipedia.Retrieved on 24 Nofeembar, 2011.