Injiil

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Kitaabka Injiil)

Injiil

Aragtida Masiixiyiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Injiil Kitaabka Injiil (ingiriis: bible; carabi: ﮐﺘﺎﺏ ﻋﻴﺴﻰ; "kitaabu ciisah") waa kitaab Ilaahay ku soo dejiyay Nebi Ciise (c.s). Erayga Injiil macnihiisu waa war wanaagsan ama bishaaro. Inkasta oo mararka qaarkood Axdiga Cusub lagu magcaabo Injiil, haddana waxaa si gaar ah eraygan loogu yeeraa mid walba oo ka mid ah afarta qoraal ee ugu horreeya Axdiga Cusub oo kala ah Mateeyos, Maarkos, Luuqa, iyo Yooxannaa.[1][2][3][4][5].

Aragtida Islaamka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed waxaa jira tiro badan[6] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[7] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed.[8] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[9]

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Lagu soo Dejiyay Kitaab
(ﮐﺘﺏ الأنبیاء والرسل)
Magaca Magaca
Af-Carabi
Kitaabka Suxufi Sharaxaad Kooban
Nebi Muxamed ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ Kitaabka Quraanka
"Al-Furqaan"
(ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ)
-
Nebi Ciise ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ Kitaabka Injiil
"Masiixiyad"
-
Nebi Muuse ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ Kitaabka Towraad
(ﺗﻮﺭﺍﺓ)
Suxufi Muusa
Nebi Daa'uud ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ Kitaabka Sabuur
(ﺯﺑﻮﺭ)
-
Nebi Ibraahim ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ - Suxufi Ibraahim

Kutubta Ku Xusan Quraanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay kitaabka Zabuur ee Nabi Daa'uud.[10]

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[11] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

MIYAANAY KITAABKA QUDUUSKA AH LAGU CARABIN?

Ilaaha Qaadirka ah sinaba uma oggolaan karin waxaas oo kale.

Qur'aanku wuxuu ku dhawaaqay: "Qofna ma beddeli karo qaynuunnada Eebbe." - Suuradda 6, Al -Ancaam (Lo'da), aayadda 34.

Kitaabka Quduuska ah wuxuu ku dhawaaqayaa mid la mid ah sida soo socota: “Cawska qoyan waa engegay, ubaxuna waa engegay; laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa. ”- Ishacyaah 40: 8. Qaar baa isku dayay inay Erayga Ilaahay been ka sheegaan, laakiin kuma ay guulaysan. Tusaale ahaan, warqaddii kowaad ee Yooxanaa, 1Jo cutubka 5, aayadda 7, ereyada soo socda ayaa mar keliya lagu daray: "Jannada dhexdeeda, Aabbaha, Ereyga, iyo Ruuxa Quduuska ah: saddexdaasna waa mid." Erayadani kama muuqdaan mid ka mid ah qoraaladii hore ee Baybalka laakiin mar dambe ayaa lagu daray si loo taageero caqiidada Saddexmidnimada ee beenta ah. Culimadu, waxay og yihiin in ereyada noocaas ahi ay yihiin kuwo been abuur ah, oo tarjumaadaha Kitaabka Casriga ah ay meesha ka saarayaan. Qoraalo badan oo Kitaabka Quduuska ah oo afar ama shan qarni ka weyn Qurʼān ayaa maanta lagu arki karaa matxafyada. Marka Kitaabka Quduuska ah ee maanta la barbardhigo qoraalladii hore, waxaa caddaanaysa in qoraalka aan maanta haysanno uu la mid yahay kii Ilaah u waxyooday addoommadiisii ​​hore inay qoraan. Isbarbar dhig suuradda 10, Yunis (Yoonis), aayadda 94: "Haddaad ka shakiso waxaan kuu waxyoonay waydii kuwa akhriyey Kitaabka hortaada."

Waxaa cad inuu Ilaahay Qorninkiisa Quduuska ah daafacay sidaynu maanta Eraygiisa daahirka ah u akhrisanno. Ilaaha Qaadirka ah buuggiisa quduuska ah wuu ilaalin karaa. Eraygiisa waxaa ku qoran: “Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa.”—Ishacyaah 40:8.[16].

Qoraalo La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Masiixii Baa Imaadday
  2. Introduction to Matthew
  3. Introduction to Mark
  4. Introduction to Luke
  5. Introduction to John
  6. kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed
  7. nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub
  8. "Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim"
  9. "Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis"
  10. "Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka"
  11. "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
  12. "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
  13. Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
  14. Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
  15. Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud
  16. Ilaahay Eraygiisa wuu ilaaliyaa
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: