Lacagta Meherka

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Lacagta Meherka waa lacag la bixiyo marka ee labada qof is arooseeso. dadka qaarkood waxee bixiyaan, Lo ama geel ama maacuun. Lacagta Meherka waxaa laga yaqaanaa, aduunka oo dhan. waa muhiim


GACALTOOYO. Gaaddada warkaa Soo gaadhaybaa Raynrayn gashee Geesi Khaalid iyo Nimco gaariyeey Gurigaad dhisteen Guurkiinna wacan Dadku guud ahaan Gacal iyo xigtaba Ku guddoome farax Geedkii cishqeed Gu’yaal beerayseen Xareed galalacliyo Gudgudaa mire Gaydhuhuu baxshiyo Gurta aayatiin Mar haddaad gankaa Midduu dookhu gaar Gayaan uga suntaday Guri yeelateen Guushiinna wayn Gaawaha u cula Geesi Khaalid iyo Nimco gaariyeey Aniguna gobyahay Gacaltooyo iyo Guudkiinna ubax Milge aad geydaan Hadyad gaara baan Ku gadaamayaa Goonyihiinna duco Aan gaboobin baan Guulle tuugayaaa Gocashiyo kuwaan Cadho gaamurtaa Kala geynin iyo Goornaba bahdaan Guulguul luriyo Giriif iyo dhib arag Gacalyohow noqdoo Labadii galgacal Ixtiraam gobeed Is-gardaadiyee Gogga iyo qalbigu Gaaxsado jacayl Aan guurinoo Marna gaagaxayn Gacalyohow noqdoo Guulluhu kuwuu Gaban iyo carruur Wiilal iyo gabdho leh Guruxana u roon Ku gallado noqdoo Gurigiinnu noqoy Sida geedka damal Goob lagu hirtoo Gobanimo hantiya Gurigiinnu noqoy Gabbood diinta wacan U gargaara oo Gundhiggiisu yahay Samo loo gurmado Gadda ul iyo diir Isu garab noqdoo Dulqaad guul dhashiyo Samir iyo gobnimo Gurigii helee Cafis loo goglee Gefka iyo qallooc Ka garaaba iyo Gacalyohow kuwii Gacan-saara libin Guulle idinka yeel Gelbiskiinna nabad Galac iyo iftiin Guryo-samo degoo Gallad khayr dhargoo Guulluhu wax daran Diradire wax guba Gaajiyo xanuun Gudhni iyo nusqaan Gees idinka mari Gunta iyo dhammaad Garaadkii dalkoow Aqoonyahan goboow Qoraa guuna iyo Geesi Khaalidoow Guddoonoo xilkaas Guudkaaga sudhan Ha ka gaabis noqon Gurgurshaa ahaw Nimco gaariyeey Dhabeel garasholiyo Qaryadduu gayaan Gooni uga xushaay Ka ogoow guhaad Gudo waajibkaa Goldalooladana Gaadh uga ahaw


SULEYMAN IBRAHIM