Layli goobalay

Ka Wikipedia
Layli Goobalay

LAYLI GOOBALAY (Leelo Goobalay, Laylo Goobalay) waa ciyaar dhaqameed kasoo jeedda bahda ciyaaraha ah ee la isku yidhaahdo Manqala. Manqala waa eray carabi ah oo macnihiisu yahay tirin. Reer galbeedku waxa kale oo ay u yaqaaniin bahdan ciyaaraha ah “Count & Capture Games” amase “Ciyaaraha tiri oo tudhsii”. Marmarka qaarkoodna waxaa lagu naanaysaa “African National Game” amase “Ciyaar Qarameedka Afrika.” Magacan danbe ee hanka wayn waxa ay ciyaaraha noocan ahi ku mutaysateen ku baahsanaanta ay ku baahsanyihiin bulshada Africa oo dhan iyo dadka asalkoodu kasoo jeedo Afrika.

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

[1][dead link] Makiinad iswadda oo caiyaarta Layli Goobalay, Jama Musse Jama, Dhaxalreeb I, 2005