Maktabadda Dadweynaha ee Minneapolis

Ka Wikipedia
Magaca cusub ee Maktabada fadlan fiiri Maktabadda Degmada Hennepin
Dhismaha cusub ee Maktabada Degmada Hennepin taasi oo la dhamaystiray sanadkii 2006

Maktabada Dadweynaha ee Minneapolis waxay ahayd shabakad maktabado isku xidhan oo u adeega dadka degan magaalada Minneapolis, Minnesota iyo agagaarkeeda ee wadanka Maraykanka. Maktabadaasi waxaa ugu horeeyna la sameeyay sanadkii 1885 ayada oo ka mid ahayd shabakada Waaxda Maktabadaha Minneapolis ee si toos ah u hoostagi jirey Xarunta Caasimada Minneapolis. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 2008 duruufo dhaqaale awgeed ayaa maktabadaha dadweynaha ee Minneapolis lagu bedelay Maktabada Degmada Hennepin taasi ooy si toos ah u maamulaan dowlada degmada Hennepin. Sidoo kale nidaamka cusub ee maktabadaha waxaa ku bahoobay Maktabada Dhexe ee Minneapolis (Minneapolis Central Library) ee ku taala farasmagaalaha (badhtamaha) Minneapolis iyo afar-iyo-toban xarumood oo kale.[1] Buugaagta iyo alaabta laga helo maktabadahani waxaa lagu qiyaasay ilaa 3.1 milyan kuwaasi oo ilaa 2.2 milyan laga helo maktabada dhexe.[2]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Nuqul Archive". 2007-02-20. Waxaa laga kaydiyay the original 2007-04-29. Soo qaatay 2014-09-18.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. Warar lagu kalsoonyahay oo laga helay Maktabadda Degmada Hennepin