Marqaan

Ka Wikipedia

Marqaan ama Marqaan wayne waa magaalo Tariikhi ah oo ku taala Deeganka Soomalida (Somaali galbeed) Magaladaan waxay caan ku tahay xoolaha. Waxay ku taalaa dhul daaqsimeed aad u wanaagsan, waxana dega qabiilka tariikhda Soomaalida ugu caansan caligeri axmed iyo beelaha madhibaan sida reer horogle Magaalada marqaan waxay caan ku tahay xoolaha sida geela iyo adhiga darwiish jaamac biixi ''magaca magaaladu waxuu ku qotomaa ceel biyood la oran jiray (Marqaad-wayne) micnaheedu yahay ceel mug-wayn halkaas oo dadku ugu dhawaaqay marqaan wayne'' Aasaaska magalada waxaa qayb weyn ka ciyaaray Boqortoyada Ingiriiska oo laha qorshe ku adan in beelaha reer darawiish in laga saaro dhulka Soomaaliya. magaaladu waxay leedahay kaabayaal dhaqaale oo fiican. waxaa ka mid ah astaamaha marqaan in ganacsigu ku koro jamac biixi ayaa sheegay in marqaan lagu sheego inuu degan yahay jin qani ah. magaalada waxaa ku dhaqan in ka badan 15.000 oo qof waana magalada sedexaad ee ugu dadka badan dhulka reer darawiish marka laga tago Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa magaalada hoostaga oo laga xukumaa magaalooyin badan.

Tuulooyinka hoostaga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Goobwaynee
  • Xagarburburis
  • Dameercad
  • Wanaagsan
  • Fooda-Yar
  • Angalo

Murtida iyo Abwaanada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

waxaa magaalada ka soo jeeda abwaanada Soomaalida ugu caansan oo ay ka midyihiin

  • Ismaciil mire
  • Cali dhuux

Marqaan wayne. Dhulka uu ku yaal Waxaa Lagu Magacasbaa Toomo. Toomahaas. oo ka kooban. laba nooc oo dhirta qiima badan ka mid ah

Waxayna kala yihiin Toomaha. Hareeriga ah. Iyo Toomaha Goosay ga ah. Waxaana. Nooca Dhirtani meesha ay ku badan yihiin. loo aqoon san yahay. Dalsan. ama Carasan.

Waxbarashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

waxaa magaalada Marqaan wayne Ku yaala goobo waxbarasho oo 20kii sane u dambaysay magaalada marqaan ka dhigay Hoyga waxbarashada ee deegaanka ku hareeraysan oo dhan iyadoo deegaankaasi ka aga dhow oo dhan ay usoo waxbarasha doontaan gaar ahaan dhanka Cilmiga Diiniga waxaa ka mida Iskuulada İyo Machadada Ku yaala magaalada marqaanwayne:

  • Dugsiga hoose dhexe sare ee Calidhuux Adan (Ali Dhuh Primary and Secondary School)
  • Machadka Imaam Nawaawi
  • Machadka Imaam Shaafi

waxaa İntaasi dheer qurba joogta iyo ardayda kasoo jeeda deegaanka waxay aad Ugu hanwaynyihiin Inay mar uun ka hirgelin Waxbarashada heerka jaamacadeeda.