Maryan Mursal

Ka Wikipedia

Maryan Mursal ciisse bootaan waa fannaad soomaaliyeed oo caan ah. Maryan waxay dhalatay sanadka marka uu ahaa 1950kii, waa naag aad looga yaqaano guud ahaan Soomaalida oo dhan.

Taariikh Nololeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Maryan mursal waxay ku soo kortay dalka Soomaaliya ayada iyo 4 caruur ah. marka ee maryan mursal dhalinyaro ahaan jitay, waxee khatar ku ahaan jirtay heesaha, waxayna heeso ku samayn jirtay tiyaatarada waaweyn ee Muqdisho.Heesaha maryan mursal waa heeso mix ah, oo isku qasan musik somali jazz ah iyo heesaha waabariga, iyo westernka. Maryan mursal waxay ahaan jirtay gabadh wadi jirtay taxi iyo baabuur inataree ah. Maanta waxay ku nooshahay magaalada Aarhus ee dalka [[Denmark. waxay leedahay laba wiil oo ay u dhashay fanaanka caanka ah ee Axmed Cali Cigaal. Waxay ka mid tahay fanaaniinta ugu caansan looguna jecel yahay dhamaan dhulka somalidu dagto, maryan waxay qaadaaa heeso badan oo qaraami iyo casriba ah. Waa fanaanada kaliya ee somaliyeed ee ka heestay fagaare caalami ah oo ay joogaan kumanaan qof oo jinsiyado kala duwan ahi. Waa fanaanad aan codkeedu isbedelin, fanaanin badan ayaa markii da'doodu kortay codkooda isbedel ku yimid, lakin maryan maalinba maalinta ka dambaysa codkeedu wuu sii fiicnaanayaa. Maryan waxaanu u rajaynaynaa guul.

Sidoo kale fanaanada heesaheeda waxaa laga heli karaa webka [[Maalmo] iyo dhamaan websityada somaliga ah.