Masaajid

Ka Wikipedia
masjidka maxamed cali ee qaahiro

Masaajid waa meel Cibaado oo ay Musliimiinta ku gutaan shanta Salaadood ee waajibka ah,waxaa kaloo lagu magacaabaa Jaamic. magaca masjidna waxa uu kula baxay waa goob loogu sujuudo ilaahay way masjid waa meel dhisme ah oo ilaahay lagu caabudo marka goobtaa dhismaha ahi ay aad u wayntahayna waxa lagu magcaabaa jaamic, masjid al jaamic. badanaa masajidku waxa uu yeeshaa qiblo taas oo noqota jihada hadba ay masaajidaka ka xigto kacbada

masaajida ugu waawayn[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida ay aaminsanyihiin dhamaan muslimiintu waxa jira sadex masjid oo ilaahay khusuusiyaad gaar ah siiyay. waxaanay kalyihiin sidan masjid xaraamka oo kuyaala magaalda maka kaas oo ay kutaalo kacbadu masjidka nabiga oo kuyaala magaalda madiina iyo masjid al qasaa oo kuyaala falastiin gaar ahaan magaalda qudus

masjidkii ugu horeeyay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxa ay muslimiintu aaminsanyihiin in masaajidkii ugu horeeyay ee ladhisaa uu ahaa, masjid xaraamka

dawrka uu masjidku qabto[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Masjidku waa goob lagutukado waxa kale oo marmarka qaarkood loo adeegsadaa in lagu barto quraanka iyo culuumta islaamka.

Tobanka masjid ee ugu waaweyn caalamka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • masjid xaraam wuxuu ku yaalaa dalka sucuudiga wuxuuna qaadaa 4,000,000 oo qof
  • masjidka nabiga wuxuu ku yaalaa sucuudiga wuxuuna qaadaa 1,000,000
  • xaramka imaam ridaa wuxuu ku yaalaa dalka iiraan 700,000 oo qof ayuu qaadaa
  • masjid feysal wuxuu ku yaalaa dalka bakistaan 300,000 oo qof ayuu qaadaa.
  • Taajul masaajid dalka hindiya ayuu ku yaalaa wuxuuna qaadaa 175,000 oo qof
  • masjidka madax banaanida ee induniisiya wuxuu qaadaa 120,000 oo qof
  • masjidka aljeeriya wuxuu qaadaa 120,000 oo qof
  • masjidka boqor xasan labaad dalka marooko ayuu ku yaalaa 105,000 oo qof ayuu qaadaa,
  • masjid baadi shaahi dalka bakistaan ayuu ku yaalaa 100,000 ayuuna qaadaa
  • masjid jaamic ee hindiya wuxuu qaadaa 85,000 oo qof [1].

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Islām—The Way to God by Submission (en)


  1. https://anamusafer.com/%D8%A7%D9%83%D8%A8%D8%B1-10-%D9%85%D8%B3%D8%A7%D8%AC%D8%AF-%D9%81%D9%8A-%D8%A7%D9%84%D8%B9%D8%A7%D9%84%D9%85/