Maxay Diinta ka qabtaa banaanbaxa ama mudaharaadka?

Ka Wikipedia

Maxay Diintu ka qabtaa banaanbaxa ama mudaharaadka?

Kama qarsoonna arday kastoo e runta dooya a inaysan bannaayeen mudaharaadyada, maxaa yeelay culimada waaweyn ee Islaamka waxay yiraahdeen ma bannaana, sidaas darteed waxaan u arkay inay waajib tahay inaan soo uruuriyo, aniga oo aad u soo koobayo fataawaha culimada waxay ka yiraahdeen banaanbaxa, si ay u ogaadaan Muslimiinta arinkaas aan la socon.

Sheekh Al-callaama Muxammad Naasirud-diin Al-Albaani —Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:-

"Mudaharaadku waa wax nooga yimid dibadda oo waddamada reer Galbeedka ee Gaalada ah iyaga ayaa lagu yaqaanay inay banaanbaxaan, sidaas darteed mudaharaadka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Diinteenu noo diidday inaan uga dayano Gaalada".

Sheekh Al-callaama CabdilCaziiz ibnu Baaz –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:-

"Nabi Muxammad naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee iyo Asxaabtiisa Eebbe ha ka raali ahaadee weligood ma aysan banaanbixin ama ma aysan mudaharaadin".

Sheekh Al-callaama Muqbil Al-Waadici —Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:-

"Waxaan Muslimiinta uga digayaa inay mudaharaadaan ama ay ka qaybqaataan banaanbaxyada".

Sheekh Al-callaama Muxammad ibnu Saalix Al-Cuthaymiin –Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:-

"Mudaharaadyadu waa wax bidco ah, lamana aqoon xiligii Nebiga ﷺ , xiligii Khulafada Raashidiinta iyo xiligii Asxaabta Eebbe ha ka raali ahaadee".

Wuxuu sidoo kale yiri: "Haddii cidda lagu mudaharaadayo Muslimiin yihiin, Muslimiintaas waxaa ku filan in lagu waaniyo Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiis ﷺ sidaas ayaa wanaag ugu jirtaa Muslimiinta, haddiise cidda lagu mudaharaadayo gaalo yihiin, Gaaladaas ma kala jecla haddii lagu mudaharaado iyo haddii kaleba, Mudaharaadkana wax uu soo kordhinayo ma jiro oo xaaladda wax uu ka beddelaayo ma jiraan, sidaas darteed waxaanu u aragnaa inuu mudaharaadku yahay waxaan bannaaneyn".

Sheekh Saalax Al-Fawzaan -Eebbe ha dhowree- wuxuu yiri:-

"Mudaharaadku ka mid ma aha waxyaabaha Muslimiinta ay sameeyaan mana aysan aqoon jirin Muslimiinta waagii hore".

Sheekh Al-callaama Axmed ibnu Yaxyaa An-Najmi –Eebbe ha dhowree- wuxuu yiri:-

"Mudaharaadka ama banaanbaxu ma aha wax Islaamka uu garanayo mana qirayo ee waa wax bidco ah oo ka mid ah waxyaabaha Gaalada ay sameeyaan, iyaga ayuuna nooga yimid oo Gaalada wixii ay sameeyaanba ma ku dabadayannaa?".

Wuxuu sidoo kale yiri: "Islaamka kuma guuleysto in la mudaharaado ama la banaanbaxo ee Islaamku wuxuu ku guuleystaa Jihaadka ku dhisan Caqiidada saxda ah iyo siduu jideeyay Muxammad ibnu Cabdullaahi nabadgelyada Alle iyo naxariistiisa korkiisa ha ahaatee. Rususha iyo dadkii raacay waxaa lagu imtixaamay dhibaatooyin badan lamana farin inay dulqaataan mooyee yacni sabar, siduu Eebbe Qur’aankiisa ku leeyahay:

{استعينوا بالله واصبروا إنّ الأرض لله يورثها} من يشاء من عباده والعاقبة للمتقين} [ سورة الأعراف : 128] .

Sheekh CabldiCaziiA ar-Raajixi –Eebbe ha dhowree- wuxuu yir-i:

"Mudaharaadku ka mid ma aha waxyaabaha ay Muslimiinta sameeyaan ee waa wax dibadda nooga yimid, waxaana mudaharaadka laga yaqaanay waddamada reer Galbeedka ee Gaalada ah".

Waxaa soo diyaariyay CabdiRisaaq Maxamed ”ina Warfaa http://www.freewebs.com/ina-warfaa/


Islām—The Way to God by Submission (en)[wax ka badal | wax ka badal xogta]