Maydh

Ka Wikipedia
Maydh
Magaalo
Qabriga Sheekh Isxaaq
Maydh is located in Somaliland
Maydh
Maydh
Meesha ay kaga taalo Somaliland
Coordinates: 11°0′N 47°7′E / 11.000°N 47.117°E / 11.000; 47.117Coordinates: 11°0′N 47°7′E / 11.000°N 47.117°E / 11.000; 47.117
DalkaFile:Flag of somalia.svg Somaliland
GobolkaSanaag
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Maydh' waa magaalo xeebeed ku taala xeebaha jamhuuriyada Somaliland. Magaalada Maydh waxa ay maamul ahaaan ka tirsantahy gobolka Sanaag.

Tariikhda iyo deegaanka maydh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magac ahaan Xeebaha Maakhir Coast oo dhaca waajahada Gacanka Berbera ayaa ka kooban dhul ku teedsan bad-eega Buuraha Silsilada Golis oo dherer ahaan ah buuro isaga gudba Somaliland ilaa Itoobiya, marka la eego kala saraynta dhulka oo lagu sheego Somaliland inay ka kooban tahay Xeeb, Oogo , Iyo Hawd aya xeebaha loo kala qaadaa Saddex heer iyadoo loo eegayo heerkooda dherer ay ka sareyaan Jooga biyaha bada,(Sea level)- Saddexdaasi heer ayaa afsomaliga lagu yidhaahdaa Guban, Galan, Iyo Gadoob, haddii aan intaa ku soo koobno Juquraafiyada Dhulkaas ayaa waxaa laga tilmaami karaa Magaalooyin qadiima oo jiray dhowr boqol oo sanadood, kasoo bilow Dhanka Bari, Ceelaayo , Laasqoray, Laasasurad, Maydh, Xiis,Shalcow Iyo Karin afwayn guud ahaan dhulkan ayaa waxaa ka jiray Xadaarado ganacsi oo xidhiidh xoog badan la lahaa wadamada Jasiirada carbeed , gaar ahaan Magaalada Cadan, Masaafo ahaan ma dheera gacankaas biyaha ee u dhexeeya Yemen iyo Gobolka Sanaag.

Magaalada Maydh oo u ku duugan yahay Aaabaha dhalay Qowmiyada Isaaqa ayaa ka mida Magaalooyionka ugu qadiimisan Xeebaha loo yaqaano Maakhir koos, Magaaladan oo lahayd Deked la dhisay waqtigii Guumaystaha Ingiriisku joogay ayaa mar ahayd Deked ay wax uga soo degaan Gobolada Woqooyi gabi ahaantoodba waqtigii Dawlada Soomaaliya, Wadada ka tagta Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceergaabo ilaa iyo degmada Maydh ayaa sii marta buuraha aadka u dhaadheer, ee uu caanka ku yahay Gobolka Sanaag waa Daallo Iyo Surade, Wadadaas oo magaceeda layidhaahdo Tabca, waxaana lagu dhisay Askartii talyaaniga ee lagu qabtay dagaalkii dhex maray Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxaa ku yaala Tunelka ugu dheer Somaliland, Tabca aaya ah wado leh hal Haad oo keliya isla markaan aanay suurta gal ahayn in ay isku dhaafaan laba baabuur meeleha qaar kooban mooye waxaa ku yaala tobaneeyo tuulo oo beeralay u badan waxa ka baxa Liinta iyo Jaadka oo hatan aan aad loo beerin,


Waxaa cadaan ah haddii Magaalada Maydh ay soo noqoto haybadii ay lahayd sanadihii Sideetanaadkii In Gobolkaas go'doonka ahi uu noqon karo Gobol Horumar la taaban karo yeesha , dawlada Somaliland ayaa lagu eedeeyaa inaanay samayn wax qorshe ah oo ay u dejisay, horumarinta xeebahaas.

Isku soo wada duuboo haddii dadka reer saanag u tafaxaytaan soo noolaynta iyo rajo soo celinta Dekeda maydh waxa hubaala in wax badan wax laga qaban lahaa , gobolkuna uu ka bixi lahaa ciilka u haya horumarka iyo horusocodka.


Shabakada Wararka ee SanaagNews kala soco Arrimaha Gobolka sawirada waxaa isku ururisay Shabakada. fadlan dhowr xuquudooda. {{MGS | gobol = Sanaag | list = Badhan · Buraan · Ceelbuh · Ceerigaabo · Ceelafweyn · Damala Xagare · Beerwayso · Elaayo · Gar Adag · Galbarwaaqo · Laasqoray · Maydh · Mindigale · Xingalool · Yubbe Beerwayso{{.}} Xamilka{{.}} Boodhley {{.}}Bacoolo{{.}} Karinbiyood -->