Mehri

Ka Wikipedia

Maheri Bin Xaydaan

Beesha Meherigu waa beel abtirsi iyo tariikh dheer. Wuxuu dagaa dhowr wadan iyagoo gaar ahaana ubadan wadamada Yemen, Oman, Soomaliya, kuwayt, Saudi iyo Cimaraadka. Meheriga daga Soomaaliya waxay ku magac dheer yihiin Carab Salaax oo guud ahaan daga Puntland. Waxaa jira jufooyin badan oo qabiilka Meheriga kasoo jeeda oo degan Somaliya sida:

- Bin Jidxi (بن جدحي) oo kasoo jeeda magaalada taarikhiga ah ee Qishn(قشن)

- Bin Naymar (بن نيمر) oo ka kooban Maxamuud saalax, Xassan saalax iyo cumar muuse.

- Bin Cafraar (بن عفرار) oo boqorka Meherigu kasoo jeedo


Al-Mahra oo ah gobolka beesha Meherigu asalkooda kasoo jeedaan, waxa ay ka tirsanayd dalka koonfur Yemen (South Yemen), 22 May 1990 waxaa isku biiray Koonfurta iyo waqooyiga Yemen (dalka hada loo yaqaan Jamhuuriyada Yemen). Balse Al-Mahra taariikh ahaan waxay ahayd dal gaar ah oo boqortooyo la odhan jiray Boqortooyada Al-Mahra iyo Socotra. Qabiilka Meherigu waxay ay ka soo jeedaan beelweeynta Ximyar (حِمير بن سبأ بن يشجب بن يعرب بن قحطان) oo Aabihiis yahay Saba, kuwaas oo asal ahaan ka soo jeeda Carabtii asalka ahayd (العرب العاربة). Ximyar magaciisa wuxuu kayimid naanays loo bixiyay, maadaama uu Ximyar ahaa nin labiskiisu u badna dhar midabka gaduudka ah.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa taariikhda beeshan ka jaahil ah, iyagoo u haysta inay kasoo jeedaan ama la dhasheen beesha Daarood, taasna waxaa sabab u ah Carab Saalax oo inta badan ay isla dagaan beelaha Puntland. Fikrad kale oo khaldan ayaa ah in Daarood Ismaaciil iyo Maheri ay yihiin laba walaalo, taasina sax maaha waayo qabiilka Meheriga abtirsogooda kuma jiro Ismaaciil. Sidaas darteed wax abtirsi ah oo ay wadagaan darood iyo Meheri ma jirto. Abtirsiga dhan sida calaamka oo dhan looga yaqaan waa Mahra bin Xaydan bin Amr bin Al-Haf bin Quda'a (مهرة بن حيدان بن عمرو بن الحاف بن قضاعة)

SALADIINEdit[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dad ka hoos kuxusan waa dad magac kuleh taariikhda iyo bulshada Soomaliyeed oo beesha udhashay:

SALADIIN[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Suldaan C/qaadir Suldaan Faarax Shabeel
  • Suldaan Cabdulaahi Suldaan xaaji Nuur (SuldaanCarabDuur)
  • Ugaas C/rixmaan Axmed Siyaad
  • Nabadoon Cabdirisaaq Khaliif Maxamed(Galaal)
  • Nabadoon Cabdiweli diiriye dacfar
  • Nabadoon Sadiiq cali cadceed
  • Nabadoon Muuse Saciid (Muuse Tiribo)
  • Nabadoon Raage Timay
  • Nabadoon Ciise Macalin Daahir
  • Nabadoon Jaamac Cabdi Barre
  • Nabadoon Faarax Cabdalle Mareykaanle
  • Nabadoon Maxamuud Casayr ( Sanwayne)
  • Iyo Nabadoone kale

Siyasiyiin iyo Madax xilal soo qabtay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Xaliimo Maxamed Yusuf (Xaliimo Godane) Member of The Somali Youth League (SYL), xubin ka mida ururkii xornima doonka SYL, 1967 waxay u wareegtay xisbiga Workers' Socialist Party, 1974 ayaa Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre gudoonsiiyay abaalmarinta shaqsiyaad wax ku ool Soomaliyeed ee SYL kana mid ahayd gabdhahii ugu firfircoona ee tariikhda Soomaliya ku xusan.
  • Gen. Abdulaahi Ali Omar (Ina libaax san ka taabte) –former Chief of General Staff of the Somalia Defence Forces Hogaamiyihii hore ee ciidamada Xooga Dalka Soomaliya xiligii uu Madaxwaynaha dalka ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf.
  • Yusuf Cigaal Gudomiye kuxigenki barlamanka somaliya 1962.Mawliid Xasan Faarax -former Chief of General Staff of the Somalia's Marine Forces, Talihii guud ee Cidamada Mariiniska Bada ee dawlada Soomaliya bur burkii ka hor.
  • Maryam Cabdi Xuseen, Xildhibanadii ugu horaysay ee soomali ah xijaaban oo ka midnoqotay barlamaanka wadanka Norway waxaa la doortay 2019, waxayna ka midtahay xisbiga SV .
  • Saaqo Adan Gaas xildhibaanad dawladda fedraalka Soomaliya 2013-2016
  • Garsoore Cabdulqaadir Gaas Muuse, Garsoore Maxkamada Dowlada Somaliyeed 1980, Gudomiyihii SSDF ee Qardho, Xisabiyihii guud ee dekada Bosaso
  • Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Koodhaa member of parliament of puntland 2009-2011
  • Xildhibaan Mohamed Abdikaafi Mohamed member of parliament of somalia 2017 - ilaa hadda
  • C/rixmaan Shiinle Axmed xubin ka mid ahayd ururkii xoraynta Soomaliya ee loo yaqaanay SYL (kamid maaha 13ka ururku kubilaabmay)
  • Xuseen Ciid Duqii degmada Galkacayo dawladii Soomaliya bur burkii ka hor.
  • Cali Xareed wasiir hore Wasaarada Caafimaad DFS sidoo kale soo noqday Wasiirka Wasaarada dalxiiska iyo duurjoogta DFS.
  • Said Husein Eid - Former minister of livestock and plants Somalia (2013-2016), Somalia, wasiirkii hore ee Wasaarda Xanaanada xoolaha iyo Daaqa Soomaliya 2013-2016.
  • Ali  Faisal , Former vice minister of finance Somalia (2009–2012), Somalia, Wasiir kuxigeenka hore wasaarada maaliyada Dawlada Soomaliya (2009–2012).
  • Daahir Faarax Dheere duqii hore ee degmada Bossaaso 1980 yadii.
  • Maxamed Xaaji Siciid Duqii Mayarkii ugu horeeyey ee dagmmada Qardho.
  • Faysal warsame - former Somali Member of Parliament (MP), xildhibaan hore ee Dawlada fedral ka somlia ahaan guddoomiyaha guddiga Arimah bulshada.
  • Sacdiyo Salaad Xaaji Samatar Somali Xildhibaanad (MP) 2017-2022.
  • Sacid xuseen ciid wasiirka Beeraha ahna xildhiban baarlamaanka soomaliya 2017-2022
  • Faisal Husein Eid - former minister of health Galmudug State of Somalia  ,wasiirka hore ee Wasaarada Cafimaad ka Dawlada Goboleed ka Galmudug.
  • Xasan Xaashi Warsame - former Ministry of Public Works and Transport  Galmudug State of Somalia and vice mister, minister of Posts and Communications,Wasiir hore Hawlaha Guud Iyo Gadiidka Galmudug , ahna hada Wasiir ku xigeenka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Dawlada Goboleed ka Galmudug
  • Qays Cali Dhurwa - former minister of internal affairs Puntland State of Somalia, Wasiir hore Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dawlada hoose Dawlad Goboleed ka Puntland.
  • Mohamud Isse Haji - Poet, Writer , abwaan, qoraa iyo halabuur Soomaaliyeed, Wasiir ku xigeenki hore ee degaanka iyo dalxiiska Dawlad goboleed ka Puntland.
  • Cabdi Maxamed Dhafuuje - Captain and pilot Somali Airlines
  • Gen. Maxamed Axmed Jaamac (Shaalle) Taliyahii Gaaska xoogta dalka ee xakumay Sool ilaa lawyo cado dawladii Soomaliya sidoo kale ahaa amaan duulahii ciidanka xooga dalka ee fadhigoodu ahaa xuduuda Jabuuti la wadaagto Itoobiya 1977, waxa uu bilad ku qaatay dagaalkii 1977. Mundane Shaale waxa kaloo uu ahaa musharax madaxwayne dowlad gobleedka Puntland 2018. Fanaanada Kiin Jaamac yare ayaa qaaday heeskiisii ololaha musharaxnimo.
  • Gen. Maxamed Cali Mirre waxa uu taliye ciidan ka ahaa gobolada Waqooyi ee dalka Soomaliya.
  • Col. Duuliye Cabdulqaadir Maxamed Dhafuuje, duuliye MIIG 21, kaa mida ahaa duuliyasha xooga dalka soomaliya .
  • Yusuf Cigaal gudoomiyahii hore ee gobolka Bari xiligii dawladii Soomaliya .
  • General Axmed Arab - Former Vice minister of defense Somalia  Wasiir kuxigeenki hore ee Wasaarada Gashaan dhiga Dawlada Fedralka Soomaliya Soomaliya.
  • Col. Saciid Cabdi Barre, taliyahii saad ka ee Cidamada Dawlada Soomaliya .
  • Kornayl C/xukum Xoreeye Taliyahii ciidanka isku dhafka Galkacayo.

Iyo Siyasiyiin iyo Madax kale oo badan aan halkan lagu soo koobikarin.

Sarakiil[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Gen. Cabdulaahi Cali Cumar ( ina libaax san ka taabte) taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaliya 10, Feb.1977-1991.
  • Gen. Maxamed Cali Mirre waxa uu ahaa taliyahii gobolada Waqooyi ee dawladda Soomaliya. Waxa uu qayb wayn ka qaatay dagaalki u dhaxeeyay soomali iyo Itoobiya.
  • Gen. Maxamed Axmed Jaamac (Shaalle) Taliyihii xoogta dalka ee xakumay Sool ilaa lawyocado dawladii Soomaliya sidoo kale ahaa amaan duulahii ciidanka xooga dalka ee fadhigoodu ahaa xuduuda Jabuuti la wadaagto Itoobiya 1977, waxa uu bilad ku qaatay dagaalkii 1977. Gen. Shaale wuxuu kaloo noqday musharax madaxwayne una Ordway dawlad goboleedka Puntland sanadkii 2019.
  • Col.Mohamuud Ali Eid Xubin kamid ah Sirdoonkii Soomaaliya
  • Col. Duuliye sare Cabdulqaadir Dhafuuje, duuliye MIIG 21, kana mida ahaa duuliyasha ciidanka cirka xooga dalka soomaliya .
  • General Axmed Arab - Former Vice minister of defense Somalia  Wasiir kuxigeenki hore ee Wasaarada Gashaan dhiga Dawlada Fedralka Soomaliya Soomaliya.
  • Col duuliye sare Cabdi Maxamed Dhafuuje- duuliye Shabeelay Ciidanka Cirka Xoogga Dalka Soomaaliya
  • Col, Engineer Faara Xasan faarax 'Wajixun' - Ciidanka Cirka ee xoogga dalka soomaaliya
  • Col. Cabdulaahi Xuseen Ciid .
  • Col. Cabdikaafi Cumar Nuur
  • Gen. Mawliid Xassan Faarax, taliyihii hore ee cidanka Mariinayska Dawlada Soomaliya.
  • Col, Engineer Siciid Maxamed Dhafuuje - ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka soomaaliya
  • Col. C/xukum Ganbool, Taliyii hore ee cidamada xooga dalka Soomaliya ee gobolka Mudug.
  • Col. Saciid Cabdi Barre, taliyahii hore ee saad-ka Cidamada xooga dalka Soomaliya .
  • Col. Cabdirisaaq Faarax Wayrax- Booliska Soomaaliya
  • Col Maxamed Aadan Aadan Gaas
  • Najib cali Cadceed Lataliyaha Ciidanka xooga dalka Odowaa Yuusuf raage 2019 ilaa hadda
  • Col. Cabdulrashid Gaas Muuse, Ciidanka dawlad goboleedka Puntland ee Soomaliya .

Hal abuuro iyo Abwaniin[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Khaame Warsame Gawl , abwaan, gabyaa yo halabuur Soomaaliyeed.
  • Maxamuud Ciise Xaaji, qoraa, abwaan, gabyaa iyo halabuure Soomaliyeed.
  • Dahir Maxamed abwaan, gabyaa iyo hal abuure
  • Caasha Faarax Weyrax - abwaanad ka tirsanayd gobonimadoonkii Soomaaliya lana guddoonsiiyey billad qalin ah 1978kii
  • Faadumo ismaciil Awfaarax waxay ahayd gabadhii number one ka gashay tartankii hal abujrka Soomaaliyeed.
  • Mohamed Yasin Ahmed cali ciid Qoraa ahna hal abuure sigaara Looga yaqaan Gobolka Nugaal.

Aqoonyahano iyo Ganacsayaasha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Dr. Mohamud (Shaywaal) dhakhtar ugu horayay oo somali ah oo ku takha khusa cudurada sanka iyo cunaha iyo dawayntooda.
  • Dr. Mahdi Cali Yusuf dhakhtar ku takhakhusay kabida lafaha iyo dawayntooda, ahna macalin wax ka dhiga Jaamacadda badan oo Soomaliya ka mida sida Jaamacada Bariga Afrika, Jaamacadda Muqdisho, Machad ka Caafimaad ka soona saaray arday badan oo Soomaliyeed oo qaybi hada tahay dhakhatiir.
  • Dr. Saciid Xaashi Warsame aqoonyahan Shirarki Soomalida dawlad loogu samaynayay qayb libaaxle ka qaatay.
  • Mohamed Yasin Ahmed Cali Ciid Qoraa soomaaliYeed sigaara looga Yaqaan Gobolada Puntaland.
  • Faarax cabdi mataan Ganacsadeh dalka Lagayaqanay buburkii kahor Allaha unaxariisto
  • husein jamac ganacsadeh dalka burburkii kahor
  • yuusuf hasan mohamud ganacsadeh weyn dibada iyo dalka Lagayaqaney Allaha unaxariisto
  • Reer caliboss ganacsatoyaal burburkii kahor ilaa iyo imika
  • Engineer Maxamed Xasan Ciid oo ka mid ahaa Engineer xooga korontada Soomaliya qaybta libaax ka qaatay.
  • Engineer Nuux Xasan Faarax, Shaqsi ku xeel dheer engineer ka korontada Soomaliyana wax badan kaga shaqeeyay sidoo kale waxa uu ahaa ganacsade iyo Wasiir hore Dawlad goboleed ka Puntland.
  • Dr. Maxamed Ganbool dhakhtar ka mida dhakhtaradii cafimaadka iyo qaliinka ee ugu cansanaa wadanka Soomaliya kana soo shaqeeyay wadamo badan.
  • Yusug Cigaal, waa ganacsadahii waynaa ee gayiga Soomaliya laga yaqaanay laga soo bilaabo 1960.

Ciyaaryahano[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Saciid Ducaale, xidig u dheeli jiray naadiga Horseed Karin waxaa uu u dheeli jiray xulka qaranka Soomaliya.
  • Maxamed Warsame, laacib xulka kubada cagta Soomaliya xiligii madaxwayne Siyaad Barre.
  • Samiir Axmed Nuur, lacib ahna kabtankii xulka kubada cagta Puntland 2009-2015.


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

https://islamic-content.com/person/12578

https://m.marefa.org/%D8%A7%D9%84%D9%85%D9%87%D8%B1%D8%A9_(%D8%B4%D8%B9%D8%A8)