Mohammed ali Clay,

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Mxamed caki kilay

Maxamed cali waa feedhyahan maraykan. ah waxa uu kudhashay magaca.Cassius Marcellus Clay.waxa uu dhashay.17.January 1942 waxa uu kadhashay caa ilad masiixi ahyd waxa uu ku dhashay magaalada.Louisville, ee gobolka Kentucky waxa uu kuguulaystay tartanka feedhka culus sadex jeer mudo 20sano ah oo uu feedhka culus ku jiray waxa uu guulaysatay 1964 1974 1978 sanadii 1999 waxa lagudoonsiiyay ciyaaryahankii qarniga 20aad


qaabkii feedhkiisa[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

waxa uu caan ku ahaa gaysmada ama gasta farha badan taas oo dhib u keeni jirtay cida isaga la ciyaaraysa

waxa kale oo uu kucaanbaxay intii uu feedhka ku dhexjiray feedhka degdega ha


galitaankiisii islaamka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

1964 ayay ahayd markii ugu horaysay ee uu si layaable uga guulaysatay xidigii feedhka culus ee horeSonny Liston xilagaasna waxa uu kala wareegay suunka feedhka culus ee caalamka dadiisuna waxa ay ahayd 22 sano kaliya kadib markii uu noqaday xidiga feedhka cuus ee caalmaka waxa uu si toosa caalamka ugu sheegay in uu diintiisii u badalay islaam oo uu diinta islaamka qaatay

sanadii 1965 ayuu si rasmiya diinta islaamka ugu biiray magaciisiina waxa uu u badalay magaca maxamed isga oo daystay magaciisa danbae ee(clay) magaciisa danbe oo marka ingirisii ahaan la micneeyo noqonaya dhaabada waxa uu kalhadhay gumaysigii dadaka madaw si uu xasuus ahaan ugu wato

waxa ay xiligaa maxamed calai clay isku dhawaayeen nin isna islaamka ahaa oo kasoo jeeday dadka madaw ee marykanka oo lagu magacaabi jiray Malcolm X waxana uu ahaa saaxiibkiisa aadka ugu dhaw..


waxa uu galay islaamka isaga oo aan wax dana kalahayn in uu waayidoono taageerayaashiisa aadka ubadan iyo in kale laakiin taasi waxa ay sii kordhisay taageerayaashii uu lahaa


dagaalkii Vietnam[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

sanadkii 1966 ayaa maxamed cali kalaay laga qaaday imtixiin loogu sheegay in uu gali karo dagaalka kasocda Vietnam taasoo macneheedu ahaa in uu inta uu katago feedhka iyo wax baerashadiisa uu ka qayb qaato dagaalkaas laakiin wuu qaadacay arinkaas oo wuu diiday

waxa uu si cad u sheegay in uu dagaalka isagu ka soo horjeeedo ee maraykanka ku qaadeen dalka vietnam ee dhul ahaan aadka uga fog inuu yahay khalad cad

markii laga qaaday suunka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

sanadii 1967 oo ahyd markii uu ugu guulaha badnaa ayay dawlada marykanku waxa ay ka qaaday suunkii feedhka ee ahaa caalamiga iyda oo lagusoo eedayay in uu diiday in uu ka qaybgalo dagaalkii fitnaam

mudo sadex sano ah wax feedha kama uu san qayb galin laakiin waxa uu feedhka markale dib ugusoo noqday sandii 1970 maxamed cali waxa uu kamidyahay ama ugu horeeyaa feedhyahanada ay taariikhdu xusi doonto abad