Morgan Freeman

Ka Wikipedia
Morgan Freeman
Mudane Freeman sanadkii Disambar 2008
Ku dhashay (1937-06-01) Juun 1, 1937 ( 86jir)
Memphis, Tennessee, Maraykanka
ShaqadaAtoore, jiheeye
Sanadaha Shaqada1964–ilaa hada
Qiimaha netkalacagta uu haysto $90 milyan (2014)[1]
Xaasaska
  • Jeanette Adair Bradshaw (1967–1979)
  • Myrna Colley-Lee (1984–2010)

Morgan Freeman[2] (dhashay Juune 1, 1937)[3] waa atoore, filim jiheeye, codeeye iyo sheekeeye. Freeman wuxuu ku guuleystay Abaal-marinta Academyga, ka dib markii uu si fiican u matelay filimaan dhaqaale badan soo hooyay; kuwaas waxaa ka mid ah: Street Smart, Driving Miss Daisy, The Shawshank Redemption iyo Invictus. Intaasi waxaa dheer, mudadii uu ku dhex jirey filimaanta wuxuu sanadkii 2005ta ku guuleystay "Abaal-marinta Oskar" ee lagu siiyay jilitaankiisa filimka Million Dollar Baby. Sidoo kale wuxuu mutaystay "Abaal-marinta Golden Globe" iyo "Abaal-marinta Screen Actors Guild". Filimaanta ugu heerka sareeya ee mudane Freeman ka qeybqaatey ama uu jiley waxaa ka mid ah Unforgiven, Glory, Robin Hood: Prince of Thieves, Seven (1995 film), Deep Impact, The Sum of All Fears, Bruce Almighty, Along Came a Spider (film), The Dark Knight Trilogy, March of the Penguins, The Lego Movie, iyo Lucy (2014 film); kuwaasi oo dhamaantood soo hooyay lacag badan, magac iyo sumcad xaga filimaanta ah. Dhinaca kale, Morgan Freeman wuxuu caan ku yahay cod cajiib ah oo ka caawisay in filimaan badan lagu daro ama loo isticmaalo codkiisa. Filimki ugu horeeyay ee uu ka qeybqaato Morgan wuxuu ahaa The Electric Company. Morgan Freeman waa nin ka soo jeeda Dadka Madoow ama Afrikan Ameerikanka ah, wuxuuna ka mid yahay atoorayaasha faroku tiriska ah ee sumcada weyn u leh shirkadaha Hollywood, dunida filimaanta iyo caalamka intiisa kale.

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. http://atlantablackstar.com/2014/09/25/54-richest-black-male-celebrities-with-a-collective-net-worth-over-9b/2/. Soo qaatay March 13, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Interview (archived via Google Books), The New Yorker, July 3, 1978. Freeman: "[My grandmother] had been married to Morgan Herbert Freeman, and my father was Morgan Porterfield Freeman, but they forgot to give me a middle name."
  3. Steinbeiser, Andrew (1 June 2015). ComicBook.com. ComicBook.com https://web.archive.org/web/20150601154434/http://comicbook.com/2015/06/01/happy-birthday-morgan-freeman-turns-78-today/. Waxaa laga kaydiyay the original 1 June 2015. Soo qaatay 1 June 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)