Mubaarak

Ka Wikipedia

AW JAMAAL sidoo kalena loo yaqaano (BAJAMAAL) waa beel ka mida beelaha oo ku dhaqan gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan deegaanka Bariire ee hoos taga Awdheegle waana beel nabadeed oo Beeraleey iyo Xoolo dhaqataba leh .

Beesha Bajamal asal ahaan waxeey kasoo jeedaa Carab gaar ahaan faraca binuu Umayah Binu Cabdi Shamsi Al-Qurayshii waxayna kasoo galaan aftirsiga Mucaawiya Binu Abii Sufyaan Awoowaheena Maxamed Binu Al Sadiiq oo lagu naanaysi jiray AW JAMAL ayaa waxuu kasoo hijrooday qarnigii 5 aad ee Hijriyada oo hadda laga joogo in ka badan 10 qarni ama wax ka badan 1000 sano dalka Yeman gaar ahaan gobolka Xadarmuut waxuuna kusoo degtay Magaalada Xamar gaar ahaan Xamarjajab. wax badan kuma uusan nagaanin wuxuuna usii safray kadib degmada afgooye oo markaasi ka talinaysi boqortooyadii Geladi qeybna ka noqday mudo badan aan badnayn markuu joogay ayuu wuxuu u safray meel la yiraahdo kuraale oo hada loo yaqaano raaxoole una dhaw degmada bariire meesha ayuu dagay kuna faracmay kadib markii faraciisa uu batay waxeey dageen deegaano kale sida bariire shaam nuun mubaarak afgooye iyo guud ahaan dalka iyo koonfurta soomaaliya.

Beesha bajamaal waa beel wayn oo xadaarad leh oo caan ku ah dhulka Soomaaliyeed cirifyadiisa oo dhan qaasatan Gobolka shabeelaha hoose, Gobolka Baay iyo Bakool, Gobolka Shabeelaha Dhexe, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Gedo.

Beesha BAJAMAAL waa beel qunyar socod dagaal iyo daandaansina lagu aqoon oo inta badan beeraleey ah nabada iyo xasiloonida aad ugu dadaasha. Waa dad Ahlu diin ah Allena ku maneestay dhulalkooda qeyraad fara badan.

BAJAMAAL waxeey dagaan oo deris iyo dhul wadaagba yihiin walaalahooda Awdigil sida Geladi, Gare, Jiido waxeyna ka tirsan tahay 7da Awdigil. Beesha Abaajabal waa beel Soomaaliyeed .

beesha Bajamaal deegaanka bariire ayeey aad u dagtaa waana dad dhaqan wanaagsan oo walaaltinimo xishmad muslinimo soomaalinimo deris wanaag iyo soo dhaweynba ula dhaqma guud ahaan umada muslimiinta ah dhamaantooda.

BAJAMAL: 1.XASAN XAAJI

2.CUSMAAN

3.REERO BARAARE.