Muqdisho Stadium

Ka Wikipedia

Muqdisho Stadium waxa la dhisay 1978. waxana dhisay kambani jayniis ah,iyadoo ey malgalisay dowladi dhexe ee Soomaaliya oo u madaxaweynaha ka aha jaale maxamed siyaad bare. waqtigii 1980 waxu aha garoonka afrika ugu weyn. kadib masibadi dagaalki sokeeye wali garoonka somalia wali waa sidiisi. 2010 waxu aha garoonka 5 ee afrika oo dhan. Waa Garoonka Kubada Cagta ee Muqdisho, Waxa uuna Qaadaa 60,000 oo qof, Garoonka oo lagu naaneyso Tuulada Ciyaaraha ayaa waxaa uu leeyahay garoomo badan oo ciyaareed sida Kubadda Cagta, Kubadda Koleyga, Dabaasha IWM , Garoonkan Waxaa kaloo loo Adegsadaa Khudbadaha Madaxweynayaasha Iyo Ku tukushada Salaadaha Ciida, Wuxuuna Mataan la yahay Garoonka kale ee Kubada Cagta ee Lagu Magacaabo Banaadir Stadium oo Horey loo dhihi jiray. garoonka weyn ee kooxda qaranka Soomaaliya ee ciyaaraha caalamiga ah.

Ku lug leh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Muqdisho Stadium[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sido Kale Fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Taariikhda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

2011

Xaruntan waxaa la dhisay sanadkii 1977-kii xilligii dowladdii Siyaad Barre, iyadoo ay gacan ka geysteen injineero Shiinees ah. Inkastoo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium uu ahaa mid inta badan lagu qaban jiray Ciyaaraha, ayaa haddana waxaa sidoo kale halkaasi lagu qabtay khudbadaha Madaxweynaha iyo isu soo baxyo siyaasadeed. [1]

Dib u habeyn[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tribune ka hor dayactirka

Bishii Sebtembar 2013, dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhiggeeda Shiinaha ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis rasmi ah oo iskaashi laba geesood ah, kaasoo qeyb ka ah qorshaha dib u soo kabashada qaranka ee shanta sano ee soo socota. Sida uu dhigayo heshiiska, mas’uuliyiinta Shiinaha waxaa loo qorsheeyay inay dib u dhis ku sameeyaan dhowr dhisme oo waaweyn oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya iyo meelo kale, oo uu ku jiro garoonka ciyaaraha ee Muqdisho.

Awoodda iyo tas-hiilaadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa qaada 60,000 oo qof. Waxay leedahay garoon lagu tartamo, iyo sidoo kale garoomo lagu tartamo, kubbadda cagta, kubbadda kolayga, kubbadda laliska iyo teniska .

  1. Daily report: People's Republic of China, Issues 53-61, (National Technical Information Service: 1986)