Muungaab

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Xasan maxamed Xuseen (muungaab)
Hassan Mohamed Hussein Mungab
حسن محمد حسين مونجاب
Muungaab

Duqa Magaalada Mogadishu
ahna Gudoomiyaha Gobolka
Banaadir
Hadda xilka haya
La wareegay Xilka 
27 Febraayo 2014
Xilka kaga horeeyey Tarsan

Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ee Ciidamada Militariga Soomaaliya
Ka qabtay xilka
12 Agoosto 2010 – 18 maajo 2014
kaga dambeeyey xilka Cabiraxmaan Maxamed Tuuryare

Macluumaad gaar ah

Xisbi siyaasadeed Madaxbannaan


Xasan Maxamed Xuseen Muungaab (Af-Ingiriis: Hassan Mohamed Hussein Mungab, Af-Carabi: حسن محمد حسين مونجاب) waa siyaasi Soomaali ah. Waa duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Taariikh nololeedkiisa[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Muungaab wuxuu ka soo jeedaa deegaan ahaa gobolka Banaadir ee Soomaaliya. Gaar ahaan magaalada Muqdisho.[1]

Shaqada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Muungaab wuxuu noqday mid kaalin mug leh ka qaata ansha Ciidanka Soomaaliya asigoo ka howlgalaya maxkamadda ciidamada.[2]

27 Febraayo 2014, wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay. Waxaana qorshe loogu talo galay in amniga wax looga qabto kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu latashi la sameeyey, Raiisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabadullaahi Goodax Barre. Muungaab wxuu xilka kala wareegay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).[2]

Lagasoo bilaabo markii uu, Muungaab xilka la wareegay wuxuu sameeyey isbedel dhammaan gudoomiye-yaashii degmooyinka. Horraantii bishii Maarso 2014, wuxuu la kulmay dhammaan gudoomiyayaasha gobolka banaadir. Kulanka dabadiis wuxuu u sheegay in wax alla wixii agab ah ee loo baahanyahay ay heli doonaan haba u badnaadeen xagga amniga. Sidoo kale isgoo balan qaaday in warqadaha aqooniga la bixin doono.[3]

Abriil 2014, Muungaab wuxuu ku dhaqaay in uu soo gabagabeeyey dhamaan magacaabistii degmooyinka Gobolka Banaadir. Haydaha NGO iyo hayadaha dawladda wuxuu ugu baaqay in ayasan xirin wadooyinka dhagxaanatana ay ka qaadaan.[4]

Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]