Neil Armstrong

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Nayl armistaroong)
Neil Armstrong

Neil Armstrong waxa uu dhashay 05-08-1930 waxa uu ahaa duuliye Maraykanka ah oo ku shaqo leh baadhitaanada duulimaadada aadka u sareeya. waxa kle oo uu ahaa macalin jaamacadeed waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee lugihiisa dhiga dayaxa dushiisa taariikhdii uu kudagay dayaxa dushiisa waxa ay ahayd. 20-06-1969kii waxa uu armistaroong dayaxa dulsaarnaa mudo gaadhaysa 2 saaco iyo badh isaga iyo saaxiibkii. waxa isaga iyo kooxdii lasocotay uu kongarayska marykanku gudoonsiiyay bilad sharafeed aad u qiimo sarysa. kahor intii aanuu noqon duuliyaha waxa uu kasoo shaqeeyay ciidanka bada waxa uu kaqaybgalay dagaalkii kuuriya kadib markii dagaalkii kuuriya uu dhamaaday waxa uu ka sheqeeyay oo uu noqday duuliye sameeya tijaabada diyaaradaha dagaalka.

Yaraantiisii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxa iskadhaly aabihii oo laodhanjiray istiifan koning iyo hooyadii oo ahayd fula lowees anjel,waxa uu nayl armistaroong ku dhashay magaalda abkuweniita ee gobolka ee gobolka Ohio.waxa uu aabihii u shaqeeyaay dawlada marykanka waxaanay isaga iyo hooyadii iyo aabihiiba ku wareegii dhamaan marykanka waxaanay degeen in kabadan labaatan magaalo oo kal duwan

Sanadii 1947 ayuu armistaroon bilaababy barashada hidisada diyaardaha ee jaamcada (Purdue University) ee kutaala wadanka marykanka halkaas oo uu jaamcadaa heersare ka gaadhay


Adeegyadii uu sameeyay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxa loogu yeedhay ciidamada bada 20-04-1949 halkaas oo uu si fiican ula qabsaday ciidanka bada qaybta diyaaradaha maraakiibta ka dul kicisa isla markiiba waxa u fududaatay in uu diyaardaha ka dulkiciyo maraakiibta soona fadhiisiyo. waxyar kadib waxaa loosheegay in uu noqday duuliye sare oo katirsan ciidamada bada.shaqadiisii ugu horaysayna waxa ay ahyd in uu hawda ku jiro isaga oo lasocda duuliyayaal kale in kabadn 7 saacadood laba bilood kadib waxa loo magacaaby in uu yahay duuliye dagaal oo katirsan guutada diyaaradaha ee 51 diyaarada (f-51) taas oo aadaysa kuuriyada waqooyi kadib dagaalkaa kuuuriya waxa uu duuliyaya in kabada 100 diyaaradood oo kala duwan.