Nabi Nuux C.S.

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Nebi Nuux)
Nabi Nuux C.S.
Nabi Nuux C.S.

Nabi Nuux C.S. wuxuu ahaa Nabi iyo Rasuul ilaahey, qisadiisa waxey Qur'aanka Kariimka ku timid Suuradaha kala ah Aal-Cimraan, Almaa'idah, Ancaam iyo suurad wadata magaciisa ee suuratu Nuux, sida Qur'aanka kariimka ah ku sugan waxaa lo diray qoom caabudi jiray Sanamyada, isagoo ugu yeeray iney Ilaahey kaligiis caabudaan ayna iska dhaafaan caabudida sanamyada,

Digitaankiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Nebi Nuux wuxuu ahaa dhowrsane runlow ah, oo Rabbi Yehowah u soo direy dadkiisa inuu hanuuniyo, ugana digo cadaabka Aakhiro isagoo leh: Tolkeeyow Eebbe caabuda mana lihidiin Eebbe isaga aan ahayn waxaan idinkaga cabsanayaa cadaab maalin weyn. Markaas bey waxay ugu jawaabeen: Runtii Nuuxow waad baadiyeysan tahay. Markaas ayuu Nebi Nuux ugu jawaabay: Tolkeeyow ma baadiyeysni ee hase ahaatee waxaan ahay rasuul Eebbe soo direy waxaan idin soo gaarsiinayaa risaalada Eebbehey waana idinla talin oo waxaan Eebbe ka ogahay waxaydaan ka ogeyn. Markuu nebi Nuux ogaadey iney rumeyn doonin intii horey u rumeysey mooyee. Ayuu wuxuu yiri Kii i barbaariyow dhulka ha uga tegin qof gaal ah. Oo wuxuu sii raaciyey haddaad qof gaal ah dhulka uga tegtid waxay baadiyeynayaan adoomadaada mana dhalayaan ku xun oo gaal ah mooyee. Ka dib baa Eebbe faray inuu markab sameeyo, oo uuna markabkaasi saaro lamaane kasta oo ku nool dhulka ay ka mid yihiin mu’miniintii rumeysey, hase ahaatee aysan ku jirin xaaskiisa iyo wiilkiisa oo iyagu waxay ahaayeen gaalo. Dabadeed baa waxaa yimid duufaan oo dadkii gaalada ahaa biyihii ku wada dhinteen.