Nuuraddin Faarax

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Nuuradiin Faaarx

Nuuraddiin Faarax. Nurudin Farah wuxuu kudhashay magaalada Beydhabo ee koonfurta somalia 1945tii. wuxuu ku koray gobolka Ogaadeeniya (eey gumaysato itoobiya) magaalada qallaafo, wuxuna kuqaatay waxbarashadiisa aasaasiga ah, qur aanka iyo luqadaha sida ingriisiga, carabiga iyo axmaariga. Kadib wuxuu usoowareegay wadaka talyaaniga kuna kororsaday aqoontiisii. Nuuradiin Faarax wuxuu dib oogusoolaabatay itoobiya oo uu assal kubarbaaray. 1963dii kadib 3 sano markay qaadatay soomaaliya xornimada waxaa laguqasbay faarax inuu kahaajiro kobalka Ogaadeeniya oo uu qabto carriga soomaalya maadaama oy jirtay khilaafyo badan oo udhaxeeya gumeystihii itoobiya (Xeyle Salaasa) iyo ummada soomaaliyeed. Kadib faarax wuxuu kasoohayaamay magaalada qallaafo wuxuna soogalay magaalada Muqdisho. Faarax waa qoraa soomaaliyeed oo dunida oo dhani caan ka ah. Faarax wuxuu wax ku qoraa afka Ingariisiga. Wuxuu qoray buugaag badan oo taabanay dhinacyo badan. Wuxuu wax kaqoray dhinaca (Roomaanka) Roomaanku waa sheekooyin kusalaysan jacayl oo dheerdheer. Buugii ooguhoreeyay ee uu kaqoro Roomaanka wuxuu qoray sanakii 1970kii wuxuuna kuqoray wadan Hindiya, luqada uu kuqoray waa ingriisi. wuxuu ku magacaabay (Adams Revben) oo macnaheedu yahay feedhii qaloocsanayd ee Aadam.

Fg- Waxii dheeraad ah waanu kudari doonaa markaan soohelno