Ogaden

Ka Wikipedia

U bood: navigation, raadi
Ogaden

Ogaden waa dad Soomaali ah oo badankood dagan dalka ogadensomaali galbeed kuwaas oo waligoodba ku hoos jiray dowlada Ethiopia, shacbiwaynaha Ogaden waxay daganyihiin dhul aad u wayn oo hadana barwaaqo ah dhulka ogadenya waxaa caygaaga shidaal dabiici ah waxaa ka mid ah meelaha laga helay shidaalka dabiiciga ah ceelasha jeexdin higlaale caanomalax oo dhamaan shilaabo ka wada tirsan iyo cobole iyo godey iyo meelo kale waxaa mara ogaden sedex wabi. ogaden waa dhul cimiladiisu dhex dhexaad tahay waxaana lagu qiyasa cel celisahan heerkulkiisa 25 ilaa 40 digre, ogadenya waxaa ilaahay kumanaystay xoolaha nool ay hodan ku tahay sidoo kale waa dhul ku wanaagsan waxsoosaarka beeraha,xadiga dhulkaa ogaden ayaa waxaa lagu qiyaasaa 370 000 km²...dadka dagana waxaa lagu qiyaasaa 6 ilaa 7 miltion inkastoo itobia ay u diwaangashan tahay 4.5 Ogaden ma ahan dhul kaligii waxaan sidoo kale la yiraadaa qabiil kamid ah qabiilada ugu da'da weyn ee soomaliya,

ogaden waxay soomartay halgamo in badan soo taxnaa oo gobanimo doon ah kuwaas oo uhoreeyay halgame axmed gurey waxaana hada ka socda halgan ay gashaanka uhayso jabha wadaniga xoreenta ogaden oo loo soogaabiyo (jwxo) ama o,n.lf taas oo guulo lataaban karo usoo hoyosay sanadahan dambe shacabka ayaanka daran ee gumaysiga arxanka daran uu rafaadiyay. ogadenya waxaa maalin walba ka dhaca dilal sharci daro ah xadhig kufsi boob iyo bahdil nooc walba leh oo ugaysto gumaysiga axmaarada. laga soo bilaabo sanadkii 2007 ilaa hada oo ah 2009 waxaa saaran ogaden xayiraad xaga cunada safarka ama dhaq dhaqaaqa gaadiidka ah dadka dagan iskuma gudbi karaan waxaana laga xidhay ganacsigii waxa kali ah ee ka shaqeeyana waa diyaarad todobaadkiiba maalin dagta magaalooyinka godey iyo shilaabo. ogadenya waxay ka kooban tahay 9(sagaal)gobol oo kala ah

  1. qoraxay magaalo madax qabridahare
  2. jijiga magaalo madax jijiga
  3. shiniile magaalo madax shiniile
  4. afdheer magaalo madax afdheer
  5. jarar magaalo madax dhagaxbuur
  6. nogob magaalo madax fiiq
  7. doolo magaalo madax wardheer
  8. libaan magaalo madax libaan
  9. shabeelle magaalo madax godey

magaalooyinku ugu qadiimisan uguna waawayn ogadenya waxaa ka mid ah

shilaabo sedex jeer bay gubatay oo sedexduba gumaysigu gubay labo ka mid ah waxaa lagu gubay duqayn xaga cirka ah waxay leedahay goroon diyaaradeed oo caalami ah kaas oo ay dhistay shirkad ruushka laga leeyahay oo ah tii shidaalka heshay.

{qabridahar oo ah magaalo aad uda wayn ahna meel xarun u ahaanjirtay halgamaayaashii daraawishta ilaa hadana laga arki karo raadkii daraa wiishta qore bishaar