Portal:Baayooloji/Hordhac

Ka Wikipedia

Baayooloji waa cilmiga barashada noolaha, baayooloji waxa uu ka yimid kalmada giriiga ah ee macnaheegu yahay "bios" nolol iyo "logos" hadal ama barasho. Cilmiga bayoolojigu waxa uu ka mid yahay cilmiyada ugu balaadhan ee la barto. Bayoolojiga waxa loo qaybin karaa laba dhir iyo xayawaan iyada oo loo eegayo habka cunto samaysiga ee uu leeyahay nooluhu ama waxa loo qaybin karaa hal unugle iyo unugyo badane iyada oo loo eegayo tirada unugyada ee uu leeyahay. unug waa halbeega shaqo iyo dhisme ee ugu yar ee uu leeyahay noole. unugyada ay leeyihiin noolayaashu waxay u qaybsamaan laba kuwa dhamaystiran iyo kuwa dhiman oo aan dhamays tirnayn. sidoo kale cilmiga bayloojigu waxa uu ku shaqo leeyahay barashada meesha uu ku noolyahay noole.