Kaymaha roobka

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Rainforest)
Keymaha rainforest waxay ka baxaan dhowr qaaradood.
Keymaha Daintree ee Ustaraaliya.

Kaymaha roobka (ingiriis: Rainforest Forest) waa keymo baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyo cows badan leh, kuwaas oo si dabiici ah uga baxa meelo badan oo Koonfur Ameerika, Afrika, Aasiya iyo Ustaraaliya.

Keymahan waxa Kaymaha roobka loogu bixiyey waa xadiga roob eey helaan oo aad u badan. Isku celcelis keymahan waxaa ku da'a roob qadarkiisu u dhexeeyo 250 sentimetre (98 in) ilaa 450 cm. Isku-celceliska heerkulka keeymahan waa 18 °C (64 °F) sanadka oo dhan.

Qaab-dhismeedka dhirta Keymahan oo ah geed caleen balaadhan ayaa waxay suurtogelisay in 28% Ogsajiinta hawadu ka timaado keymaha Rainforest. Sidoo kale, 40% daawooyinka dunida waxaa laga sameeyaa dhir ka timid keymahan.

Intaas waxaa dheer, waxa la aaminsan yahay in 45% ilaa 75% noolaha tirada yar eey ku nool yihiin keymahan. Sidoo kale, in ka badan malaayiin nooc oo dhir ah, xasharaad, cayayaan iyo mikrorganism ah ayay keymaha roobka hooy u tahay, kuwaas oo in badan wali dadku aqoon u lahayn.

Tixraacyada[wax ka badal | wax ka badal xogta]