Reer Xamar
Reer Xamar ama Reer Banaadiri waa qabiil ka mid ah qabaailka Soomaaliyeed. Reer Xamarku tariikh dheer ayaay leeyihiin, sida taarikhda ay sheegto oona la wada ogsoon yahay waxayne ahaayeen dadkii ugu soo horeeyay ee Xamar/Muqdisho daga. Tariikhda waxay kale ay xustaa in Reer Xamar ay ilaalsan jireen Xamar waxayna u sameysteen 5 Irdood oo laga soo galo ama laga baxo oo ay waardiyeen jireen min 10 ciidan oo ahaa Reer Xamar, heystayna qoryo ay Buntukh ka mid ahaayeen si ay magaalada nabadgelyadeeda u sugaan, magaalada gudaheeda habeenkii kuma hoyan jirin "Xamar Dayahu" haddii aanu damiinan mas’uul odayaasha Reer Xamarka ka tirsan. Reer Xamar waa dadka haddii ay soomaaliya ilbaxnimo leedahayba ugu tug tugta sareeya xagga magaalanimada, ganacsiga, iyo ilbaxnimooyinkii soo jireenka ahayd ee ay soomaalidu sheegato. Waxay dagaan gobolka weyn ee Banaadir sida magaalooyinka Muqdisho, Marka, Baraawe, Kismaayo, Shalaambood, Afgooye iyo magaalooyinka kale ee ku yaalo Koonfur Soomaaliya.
Maahmaahyada Xamariga [Wax ka bedel]
Reer xamariga waxay leeyihiin xadaarad wayn. Qaybtaana waxaan ku soo uruurinaayaa maahmaahyada Reer Xamariga. Fadlan ka qayb qaado howshaan weyn.
Maahmaahyada [Wax ka bedel]
- Ber xumo loo dhashtay iyo bilaayo gaar waaye
- Bakayloow maxaa la qarqaroosaane, roobkan ma ehee kankele oo soo socdo
- Dabbaal haddii la dadaboolo lugahaa laga kasaa
- Naadiyow ma naxo, nimankoo usaa namiimi
- Dacaaroo duubanbe duubka waa ka degay, dawlo maa la dacwey karaa
- Weeso qabe aadhaan maka yaabo
- Ii ooy waa la helaa laakin ii indhabeel mala helo
- Ninkii kaa hadal badan dhaxalkii adoogaa aas kula qeybsahaa
- Qabiil khafiifay malmal malagu deeqo
- Duurkaa kuu qaniin beelay
- Shib sheeko xumaa ka roon
- Dameerkii ugu xun aa ugu haraanti kulul
- Luuq luuq marow, laasim laamigaas maraa
- Malaay banaan ma imaado, maqaalin naa keento
- Mukulaal mininkeeda joogto, mici libaaxey ku leedahay
- Canjeero sii ukala horeeso aa loo cunaa
- Ninkii dagaalkaaga rabo, dooradaada aas ka soo araartaa
- Murug mahino meel laga rabin muradkaaga galee
- Yawaaye yaas ahaay yeeli meyne
- Yamaarug aa yaaq ka weyn aan la yabanahay
- Kahari waysee waa ku haaysataa
- Daraja diidoo duliyaa kuu danbeeyo
- Ibna aadan is waayay arinaa kala geeysay
- Dhuxul duugto aa daango dubtaa
- Cumrigaaga hadiis raago geel dhalaayo aas ku tusinaa
- Usamir ama ka samir
- Wareerka waqtigaa keenay
- Hadii leys ceshan waayo cida waa is dhimee
- Muraadkiis heloow meel dheer aas kaa maraa
- Bada ninkii kuleh aa boodo
- Markii foolatay aa facshirkeeda la ogaaday
- Bini'aadamoow maxaa aragti kuu laaban
- Geel kuul maxaas kuul ka kasaa,( ma aha indho kuul) geedahaas ku rugtaa (waxaana laga wadaa geelka meeshii koorka looga xeri lahaa hadii loogu bedelo kuusha la xerto isku mid beey ka tahay agtiis)
- Daanyeer hadiis dhici waayo geedaas haaystaa
- Lagu xanto lagu xasuusta ka horreyso abaa
- Ganuun ganuun ka horeeyay galadlaawe
- Danyeer dabadiisa makudiimo dabadadoow aas kudiima
- Badda oo dhan waxaa uriyo hal malaay