Sadaam Xuseen

Ka Wikipedia
Sadaam Xuseen

Madaxwaynihii shanaad ee Ciraaq
Maqac Sadaam Xuseen
Dhashay 20 Abriil 1937
Dhintay 30 Deseembar 2006
Diinta Islaam, Sunni

Abuu Cuday Sadaam Xuseen Cabd al-Majid al-Tikriti (Af Carabi : ar‎; Ṣaddām Ḥusayn ʿAbd al-Maǧīd al-Tikrītī; dhashay 28 Abril 1937 – dhintey 30 December 2006) waaxuu ahaa madaxweynihii Ciraaq, laga bilaado taariikhdu markey ahayd 16 Luuliyo 1979 ilaa 9 Abriil 2003. Sadaam Xuseen wuxuu noolaa, laga bilaabo 28 Abriil 1937 ilaa 30 Diseembar 2006, wuxuu jiray 69 sano. Abriil 28 1937 ayuu ku dhashay Al-Cawja, Ciraaq oo u dhow magaalada Tikrit oo u jirta 200km waqooyiga Baqdaad. Sanadkii 1956 ayuu ku biiray xisbiga Ba’ath. 1958 lix bilood ayuu xirnaa ka dib markii lagu eedeyay inuu waday dhaqdhaqaaq Dawladda looga soo horjeeday. 1958-waxaa uu ka qeyb qaatay afgambigii leysku dayey in xukunka looga tuuro Abdulkarim Qasim, wuxuuna ka dhaawacmay lugta kadibna waxaa uu ufakaday Syria ka dibna Masarayuu sii galay. Febraayo 25, 1960 ayaa dil lagu xukumay asaga oo dalka dibada kaga maqan. 1962 waxaa uu Masar ku dhameystay dugsiga sare.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 1979 Sadam waxaa uu noqday madaxweynaha dalka Ciraaq.Ka dib markii uu xukunka kala wareegay madaxweyne Bakr taa oo ka dhalatay damacii Bakr ee ahaa in uu Syria la midoobo Sadamna taa waa uu ka soo horjeeday. Wuuxuna ku xukumay xabsi guri. Sebteembar 1980 Sadam waxaa uu ka baxay heshiiskii uu 75-kii la galay Iraan ee ku saabsanaa xuduudaha. Ciraaq ayada o kaalmo ka heleysa Ciidamada bada ee mareykanka ayey dib u qabsatay dhulkii Iraan kaga qabsatay intii dagaalka lagu guda jiray ee u dhaxeysay 1984-86. waxaa dhamaaday dagaalkii Iraan iyo Ciraaq. 1990-Ciraaq waxa ay qabsatay Kuwait. 1991-ayaa in ka badan 30-dawladood Ciraaq ka saareen dhulkii Kuwait.

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]