Sayid Maxamed Cabdulle Xassan

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Sayyid Mohammed Abdullah Hassan.jpeg
Sayyid Mohammed Abdullah Hassan.jpeg
sayid cali caafi cabdulle
Taaladii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan


Sayid cali caafi cabdulle (Soomaaliya 1946 - Hobyo, Somalia) Dhalashaddii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadku ka dhashay ka tago ama ka guuro. oo degmo kale dhex dego ha yaqaano ama yuu aqoone, ha ka fogaadeen, ama ha u dhowaadeen, sidaa suna waa culimada alabkeeka, meel kastna ha joogeene maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu yahay oo dadka meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan, isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.

Taariikh Nololeedka reerkii yasidka iyo dhalashaddii sayidka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

'waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka maanta oo ay tahay taariikhdu 2008/01/23 anoo magacaygu yahay liibaan cabdilahi mohamed in aan idiin soo jeediyo taariikh nololeedkii sayid maxamed cabdulle xasan oo kooban aniga oo raacayaa taariikho badan ileen wax layskama qoro ee marka hore waxbaa laysku habaaya lkn haddii ay wax qaldan yihiina ka bedela Taariikh aan la xasuusan, cidna sheegi karin ayaa Sheekh xasan nuur oo sayidka cali awoowgiis ahaa ka tegay Gobolka Qallaafo(OGADENIA). oo ah dhulka wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Wuxuuna u nacay Mudug oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen.

Shiikh Xasan markuu Mudug mudda joogey oo uu dadkii iyo dalkii kala bartay, xoolo fiicanna ka helay waxa gashay hawo guur, dabadeedna. waxaa uu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay khadiijo jaamac(1). Shiikhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur. badan, carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood.Waxaa la weriyey in shiikh cabdille oo sayid maxamed aabihiis ahaa carruurta ugu weynaa. Shiikh cabdille xasan wuxuu ku dhashay, sida la weriyey dooxada "Casuura" oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr iyo sodon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartey gobolka nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxaa la weriyey shiikh maxamed cabdille xasan isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro Seed Magan oo lagu naaneeso Caro Seed magan, caro waxa la dhalatay " Xaliimo seed magan. xalimo waxe oori u aheed ahmed oo lagu naaneeso firxad" wuxuuna dhalay wiil iyo gabar.sayid maxamed carruurtii uu dhalay waxey tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo.

Shiikh Cabdille xasan Daraawiish dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina waa ka tala galay, waxuuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta "Baraawe" 1926, qabrigiisuna waxa. laga dhisay qudbad caan ah

cali caafi cabdulle waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid Hobyaad ma laaso oo ah Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo "Sacmadeeqo" oo magaalada buhoodle toddoba mayl u jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay "Gobaysane",Waxaana la sheegay inuu ahaa gu' barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1863. Daraawiish iyo dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay yidhaahdeen: sayidku maxamed saddex meelood ayuu ka la mid ahaa nabigii"scw" magaca da'da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn mayso guguu dhashay. wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah. Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu badnaa geel iyo fardo, reer miyigana waxaa u taliya roobka dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn. Dabeecada ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoolaraac noqdo

Sidaas daraaddeed, waxaan oran karnaa:Sayid Maxamed carruurnimadiisii wuxuu ahaa xoolraac, lamana sheegin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa. Sidii dhaqanka Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa baa quraanka loogu bilaabay.Macallinkii quraanka u dhigi jirey waxa lagu naanaysi jirey "Kud quraan". maxamed tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax lala yaabo ma aha oo ardada ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo badnaan iyo firfircooni. waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo in calaamooyinkii macallimadu. ka muuqato,isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro. Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cimiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo.Hase yeeshee, gadaalkii xertii buu ku mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda.

Dhulka masaajid iyo madaaris midna ma lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo quraanka lagu barto iyo meela laysugu yimaado xilliyo aan go'nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu akhristo, ama lagu kala warqaato ama waxii dan ah la isku weydaarsado. waxa kaloo jirey waqtiyaal caan ah oo sharciga islaamku jideeyey in laysu yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano la kala qaato. Sayid mohamed cabdule xasan. Waxeey oori wadaag aahaayeen ahmed oo ku magac dheera firxad. Firxad waxaa u bixiyay sayid cabdule xasan.


DIYAARIYE LIIBAAN ABDILAAHI MOHAMED( OSKOR )