Shabeellaha Hoose
| Gobolka Shabeellaha Hoose ee | Soomaaliya |
| Caasimada | Marka |
| Weyninka | 25 285 km² |
| Shacabka | 1 399 868 (2007 [1]) |
| isku dhawaan | 55,36 inh./km² |
| Bogga internetka | ' |
Gobolka Shabeellaha Hoose (Carabi:شابيل السفلى, Ingiriis: Lower Shabelle, Talyaani: Basso Scebeli) wuxuu ku yaalaa koonfurta dalka Soomaaliya waxaana magaalo madax u ah Magaalada Marka, dhaqaalihiisa wuxuu ku tiirsanyahay beeraha, xoola iyo Kaluumeysiga. Gobolkaan waxa uu xaduud la yeeyahay gobolada kala ah Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Bay, Jubadda Dhexe iyo Badweynta Hindiya. Waxaa mara Wabiga Shabeelle. Shabeellaha Hoose waagii hore wuxuu ka mid ahaa gobolka Banaadir laakiin Madaxweeynihii hore Siyaad Barre ayaa badalay sanadkii 1984tii.
[Wax ka bedel] Dalxiiska
Run ahaantii Gobolkaan waxoo ka midyahay gobolada ugu quruxda badan dalka Soomaaliya sababtoo ah wuxuu leeyahay meelo badan oo qurux badan dalxiis yadana waxeey jecelyihiin badweynta uu ku ag yaalo. Beero badan ayaa laguu yaqaan magaalada Afgooye taasoo isku xirta caasimada iyo Marka. Sidoo kale waxaa lagu yaqaan kaluumeysiga oo aay dadka aad uga helaan. woxoo leeyahy dhul aad u qurux badan iyo xeebo indhahaaga soo jiidanaayo.
[Wax ka bedel] Lahjadaha looga hadlo gobolka
Gobolkaan waxaa looga hadlaa lahjado badan ku waasoo ku xiran qabiil yada eey ka la yihiin dadka meesha dagan. Lahjadaha loogu hadlo waxaa ka mid ah Af Maay ku waasoo dadka Raxanweynka ah eey ku hadlaan, Af Tuni , Af Jido, Af Garre, Af Baraawe oo eey Reer Baraawe aay ku hadlaan iyo Af Marka ama Af-Asharaaf kaa soo looga hadlo dadka Asharaafta ah. Lahjadda kalle oo looga hadlo waxaa ka mid Maxaa Tiri taasoo aan saas dadka u khiimaayn kana sii tageeysa hadda gobolka. Lahjadaan waxaa ku hadlo dadka laga soo waday Waqooyiga Soomaaliya waqtigii abaarta 1974-1975 ku waasoo loo soo raray magaalooyinka Baraawe, Sablaale, Marka iyo kuwa kalee oo ku yaala Koonfurta wadanka.
[Wax ka bedel] Degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose
| Gobolada Soomaaliya | |
|---|---|
| Awdal | Bakool | Banaadir | Bari | Baay | Galguduud | Gedo | Hiiraan | Jubbada Dhexe | Jubbada Hoose | Mudug | Nugaal | Sanaag | Shabeellaha Dhexe | Shabeellaha Hoose | Sool | Togdheer | Woqooyi Galbeed | |