Sharci dajinta

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Awooda sharci dajinta (Ingiriis: Legislature) waa hay'ado kala amar qaata waxa ayna leeyihiin awood ku dhisan sharci.

Waxaa loo yaqaan hay'adaha sharci dajinta waxaa jira magacyo badan waxaana ka mid ah: Baarlamaan, Labada aqal Golaha qaranka.

waana hay'adda sharci dajinta ee xukuumadaha leh nidaam baarlamaani ah waana awoodda ugu sareeysa taasoo magacaawda awooda fulinta.

Laakiin nidaamka madaxweyneha hay'adda sharci dajinta waxay ka koobantahay xubno ay soo doorteen shacabka waanka ka madax-banaan-yihiin awoodda fulinta howshooduna waxay tahay in ay ka doodaan sharciyada iyo soo saarista iyagoo fududeeya sharciyadaas ka yimid awooda fulinta.

Waxaa kaloo dheeraad ah sharci dajinno kale maxaa yeelay haydaha sharci dajinta waxay leeyihiin awood joogta ah kordhinta canshuuraha ansixinta miisaaniyadda dawoladda iyo waxyaabaha kale ee quseeya maaliyadda, sidoo kale waxay leeyhiin ansixinta haydaha sharci dajinta heshiisyada laba geesoodka ah iyo ku dhawaqista xaalad dagaal.

Waxaana jirta kala duwanaan dastuurada caalamka lagaga dhaqmo.