Sheekh Xasan Albanaa

Ka Wikipedia

U bood: navigation, raadi

Sheekh Xasan Albanaa
Dhashay: 14 Oktoobar, 1906
Ku dhashay: Masar
Dhintay: 12 Febraayo, 1949
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: Masaari


Sheekh Xasan Albanaa (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axad ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii Oktoobar 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.

[Wax ka bedel] Taariikhdiisa

Waxaa uu ka soo qaatay aqoontiisa 20 sheekh oo uu ugu horeeyay aabishiis Sheekh Axmed Cabdiraxman, oo ka mid ahaa culumada ugu waa weynayd dalka Masar. Sheekh Xasan Al Banaa waxa uu waxbarashadiisa hoose ku qaatay dugsi lagu magacaabo Arshaad (Hanuunka) ka dibna waxa uu ku biiray dugsiga macalimiinta ee ku yaalay Dannuur. Isagoo wax ka soo bartay oo Daarul culuum oo ku taalay magaalada Qahira ee dalka Masar 1927 xilgaasi oo uu ka qalan jabiyay

Ustaad Xasan Al Banaa ayaa waxaa uu ka Aas aasay Magaalada Ismaciliya Dacwada Islaamiga ah isagoo bilaabay inuu dadka dhalinyarada u badan ahmiyad gaar ah siiyo sidii diinta islaamka ay u fahmi layeen isla markaana ay Raayada Islaamka kur ugu qaadilayeen waxaana uu helay dad badan uu ku raacay fikirkaasi. 1928 Sanad ka dib markii uu dhamaystay wax barashadii Magaalada Qaahira uu ka waday ee Xarunta Macalimiinta Daarul culuum ayaa waxaa uu aas aasay ururkii Ikhwaanu Muslimiin ka dib markii uu arkay islaamku in dhibaato ku bilaabatay markii ay bur burtay Khilaafadii Islaamiga ahayd ee Cuthmaaniyiinta 1921. 4 December 1947 ayaa waxaa uu ka qayb galay Ustaad Xasan Al Banaa Banaan bax balaaran oo lagu teegarayo sidii Falastiin luu bad baadin lahaa ayaa uu ka qayb galay iyadoo ay ka qayb galeen Nus Malyuun ka mid ah Taageeriayaasha Akhwaanumuslimiin.

[Wax ka bedel] Shirquulkii lagu dilay Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Xasan Al Banaa)

Shirquulka dilka ah ee isaga lagu dilay maaheen mid naftiisa oo kaliya ah lagu doonayay in la khaarajiyo balse waxay ahayd tilaabo lagu doonayay in laga takhaluso dawcada Ikhwaanu Muslimiin sidaa waxaa yiri mid ka mid ahaa saaxbidiis. Qaabkii uu u shahiiday Shiikh Xasan Al banaa ayaa waxaa nooga sheekanaya Ustaad Cabdikariim Masnuur oo habeenka la dilayay ahaa ninkii kaliya ee la socday kana bad baaday in uu dhinto balse dhaawac halis ah uu haleelay.

Waxay ahayd abaarihii iyo 8:15 PM galabnimo sabti ah taariikhduna tahay 12kii Febraayo sanadkii 1949kii, waxaan aaday Xarunta dhalinyarada Muslimiinta ay ku shiraaan waxaana loo sheegay Xasan Albanaa in ay dowlada Masar doonayso wada hadal waxaana lagu yiri waxaa ka soo qayb gali doono kulanka masuuliyiin dowlada ah, balse cidna ma aysan imaan shiikhuna meesha ayaa uu u aaday si uusan u noqon nin balan ka baxay, waxaan tukanay salaadii Cishaa'iga cid dowlada ka tirsana ma imaan waxaa uu yiri Xasan Al banaa waa baxanayaa waana baxnay aniga iyo Shiikha, waxaana aadnay banaanka Xarunta, waxaan u yeeranay gaari Taksi ah gaarigii ayaan raacnay, waxaa uu fariistay Shhikh Xasan Al Banaa kursiga danbe ee gaariga aniga waan la fariistay anigoo ka dhan midig ka xigsatay, isla markiiba waxaa jidka bartankiisa taagan labo nin,mid ka mid ah ayaa nagu soo dhaqaaqay oo waxaa uu doonayay in uu dariishada gaariga balse aniga ayaa u diiiday laakiisne waxaa uu sitagay bastoolada balse daaqadii ayaa uu furay isagoo laabta xabad iiga dhuftay sheikh Xasan Al banana meeshaasi ku qaarajiyay.

Personal tools