Shingaani

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
agagaarka bankiga silsilaweyne

Shingaani waa degmo ka tirsan degmooyinka Magaaldda Muqdisho ee caasimada Soomaaiya ee Xamar.

Horudhac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Degmada Shingaani waxaa ay ka mid tahay Xafadaha ugu qadimsan caasimada kuwaas oo kala ah (Shingaani, Xamar Weyne iyo Boondheere) oo dhamaan ku yaal magalada Muqdisho waxayna dhisantahay in ka badan 10 qarni.

Shingaani waana mid ka mid ah degmoyinki ugu horeeyay Magalada Muqdisho.

Ereyga Shingaani macnahiisa waa Showgaani ama meesha la jecelyahay ee aan laga maarminamaoo aan la iloobeynin sasuusteda.

Bartilmaameedka Degmada Shingaani[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Xaafada ama Degmada Shingaani waxay ay ledahay 13 Masjid ka oo ah meel Cibaado iyo Cilmi lo soo doonto oo kala ah:

  • Masjidka Faqrudiin sheekh Axmed
  • Jamaacada Shingaani masjidka Cabdi samad
  • Masjidka AAmuqfi
  • Masjidka Sheekh Sacid

* Masjidaka Barsanji

* Masjidaka Sharif cumar Abow

* Masjidka Qaburaha Sharif Calawi

* Masjidka Mataanaha 2 masjid ku yaala Laanta Mooyaale,

* Masjidaka Abakarow iyo

* Masjidka Baartaani.

Qaybaha Degmada Shangaani[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Waxaa loo qeybi 3 waxood marki ay jirtaay Dowlaadi Kacaanka ta oo lagu xusi jiraay 3da gobol Soomaaliya ka maqaan oo aan la madowin oo kala ah:

1. Laanta Jabuti oo xigta dhank badda iyo

2. Laanta hawad Galbedka Degmada shingaani iyo

3. Mooyaale oo Xigta Koonfuurta Degmada Shingaani.

Magaalada Muqdisho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Asalka ereyga sida kalmada Muqdisho oo ay culumada ku macneyaan (maqcada al Shahi) meeshi shahiga loo fadhisan jiray waxaana ay ledahay Magacyo kala duwaan sida Banadir (Banadar) oo ah luqaada Farisiga ama Xamar ama muqdisho.

Waxaa ku yaalo qaar ka mid ah dhismooyinka Xamar ugu qadiimsaan dhanka masjida iyo guryo waxaana soo maraay Xadaarad iyo Horumar kala duwaan waxaana soo maray dhulmareen badaha ahaadan Cajaam iyo Carab (Carab iyo Iraani Hindi iyo Yurubiyaan).

Muqdisho waxaa ka jiray nidaam iyo is maamul kala dambeyn waxaa ay lahaayen Odayaal dhaqamed iyo nidaam islaami ah oo aad u dhowra xaquuqda Bini Aadamka. Waayihii dambe iskuula caan ah iyo machahdyo oo ka mid yihiin dugsigii sare (Bartamaha) iyo machadkii Sidam oo heer tacliin sare ahaa).

Xarumaha Dowlada Soomaaliya[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Degmada Shingaani waa dagmo tariiqi ah waxayna ka koobantahay 4 waxyood oo waa weyn oo kale ah:

* Jabooti

* Midnimo

* Mooyaalle

* Howdaka

Sidoo kale waxaa ku yaalla degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho dhismooyin muhiim ah oo dowliidii ku shaqayn jirtay sida:

* Wakaaladii muuska

* Howlaha guud iyo guriyeynta

* Bankigii dhexe iyo waliba

* Bankigii silsilad weyne (Ganacsiga)

Sidoo kale daartii howlaha maraakiibta, saldhiga bari ee ciidanka booliska, Madbacadii Qaranka Soomaliya iyo xarumo danjirayaal iyo safaarado sida safaaradii Ruushka, Itoobiya.

Xarumaha Ganacsiga Waaweyn Degmada Shanaani[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Shangaani waxaa yaala hoteelka caanka ahaa ee Hotel Jubba, Hotel Curuba, garoonka kubada cagta ee (Abatiyow) ee dagmada. Dhanka bari ee Degmada Shanaagi waxaa ku yaal Badda, Dekedii Hore ee Muqdisho bulshaduna waa kaluumaysato inta badan wax soosaar sare leh.

Degmooyinka la deriska ah[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Degmooyinka Gobolka Banaadir Flag of Somalia

Boondheere · Xamarjajab · Xamarweyne · Dayniile · Shibis · Shingaani · Dharkeenleey · Cabdicasiis · Kaaraan · Huriwaa · Hodan · Howlwadaag · Waaberi · Madiino · Wardhiigleey · Yaaqshiid