Talk:Soomaaliya
Ka Wikipedia
[Wax ka bedel] Wax ka bedelidda iyo ku daridda baalka Soomaaliya
- Fadlan marka aad qoraal wax ka bedelaysid ku salee xaqiiqo jirta. Ha iska qorin, una fiirso naxwaha ereyada aad qoraysid iyo sida dhicitaankoodu ku habbooyn yahay.
- Iska ilaali oo ha qorin erayo cay ah, caydu waa calaamad jaahilnimo iyo madax'adayg.
- Tixraac (references) u samee xaqiiqooyinka aad qoraysid.
- Ku qor Af Soomaali dadku wada fahmi karaan.
- Iska ilaali weeraha dhaadheer, waayo waxaa adag in la fahmo weer aad u dheer oo waa lagu wareerin.
- Beentu ma ficna, diin iyo dadnimo ahaanba. Ka ilaali qoraalkaaga buunbuuniska, waayo wuxuu xiisaha iyo macnaha ka qaadayaa qoraalkii.
- Baro Copy-Editing. Copy Editing waa qaab ay adeegsadaan dadka madbacadaha ka shaqeeya oo qoraalka looga saaro waxkasta oo khalad ah, naxwe, qoraal, hingaad iyo tayo ahaanba: "Copy Editing"
- Magacaaga ha ku saxiixin dhamaadka artiikalka. Wax fiican ma ahan.
- Ha tirtirin qoraallada dadka kale haddii aysan ahayn cay, meelka-dhac iyo aflagaadho.
- Ha tirtirin qoraalkaan, laakiin fikirkaaga hoos kaga dar.
Mahadsanid.