Tiyeegloow

Ka Wikipedia

Tiyeeglow waa degmo katirsan Gobolka Bakool taas oo dhacda xuduuda Gobolka Bakool uu la leeyahay gobolka Hiiraan.

Tiyeeglow waxaa dega qabiil Somaliyeed oo la yiraahdo Jilible waa Beel kamid ah beelaha Reewing waana 9 waana mirifle.

Wax soo saarka dhinaciisa hadaan u jaleecno wax soo Saarka Degmada Tiyeeglow waaa Degmada ugu wax soorka badan ee Gobolka Bakool waxyaabaha ay soo saaraan waxaa kamid ah :- 1-malabka Shinida 2-qudaarta sida canuuniga,cinabka,qasabka,iwm 3-xoolaha iwm 4- Subaqa Xoolaha noocyadiisa kala duwan

Degmada Tiyeeglow waaa degmo taariiikh kuleh Soomaaliya waxaana kasoo jeedaan halgamaa iyo siyaasiyiin. caaanku ah soomaliya oo ay kamid yihiin ABDIQADIR SAKHAUDIIN SH: UWEYS oo ah Gudoomiyihii ururkii S:Y:L Iyo ABDALLA DEROW ISAAQ iyo siyaasiyiin kale oo badan.


TUULOOYINKA AY KA KOOBAN TAHAY DEGMADA TIYEEGLOW IYO SIDA LOO KALA DEGO.

1-Biyooley (Qoomaal) 2-Ceelgaras (Baroosile) 3-Dhanaawe (Geeladle) 4-Shiimo (Reer Shiimy ) 5-Buulo-Jadiid (Yeleli, Muding , Qoomaa) 6-Burdho (Geeladle) 7-Eelhawaay (Gaasangleey) 8-Hugeey (Yeleli, Muding , Qoomaal) 9-Hubudhi (Muding) 10- Miisqaaly (Aboow maamudoow Apdally)

iyo Qaar kaloo badan degmadu waxay soo martay xaalado kala duwan oo isugu jira kuwo fiican iyo in kalaba,oo dagaalada sokeeye ee dhex maray qabiilada wada dega sida jiliblaha iyo qoomaasha, iyo gacan ku dhigistii kala duwaneyd ee soo martay oo ay ugu danbeysay Shabaab.


Dhaqaalaha waxay ku tiirsantahay tuulooyiinka ku hareereesan iyo sido kale Baladweyne.


İnta aanan bilaaban abartii ugu danbeysay waxaa jirtay dhacdo saamaysay dadweynaha soomaaliyeed ee ku noolaa degmadan tan ah,taas oo ahayd ın tuulooyinka ka ag dhow degmadan sı weyn ay saameyn yeeshatay howgaladii NGO yadi xilagaas joogay,waxaa tuulooyinkan dad ku dhaqan loo furay siminaaro lagu barayo wax soo saarka iyo sidoo kale mashruucyo caawimaad oo ka mida caalal iwm.tuulada Hugeey waxay ka mid ahayd tuulooyinkan waxaa dega beel ka mid ah beelaha dega Tiyeegloow waa beesha Yalale oo boqolhoraha ka tirsan,in uu mashruucyadan ay saamaysay loogana faaidaeeyay,waxaa laga qoday ceel biyood ay run ahaantii kaga faaideysteen xiligii abaartu sida xun ay u saameesay,ceelkan meel aad uga ag dhow waxaa laga sameeyay goob beero waxaana lagu dhiiri geliyay shacabkan in mir walba oo ay ku tijaabiyaan beertan in ay ka bixi karto iyo in kalaba,sidii ayay sameeyeen waxaana ilaah uga soo saaray waxaan hore halkaa looga beerin,maadaama ay mar walba ay warabinayeen biyaha ceelkan oo lagu xiray matoor,waxaan ugu badneyd khudaar waxayna ugu horeyn ku bixin bilaabeen in ay u geeyaan wixii halkan ka soo baxa dadka qaraabada la ah iyo asxaabtooda oo degmada jooga,laakiin waxay ahaataba markii danbe waxay ku bedeleen iib geyn oo ay aad uga faaideysteen shacbigaan soomaaliyeed,waxaana si weyn u yaraaday khudaarta ka timaadda beledweyne,dadka inta badan waxay bilaabeen inay ku xirmaan dadkan tuuladan Hugeey ku nool,waxaana sii korortay kobcinta wax soo saarka,laakiin nasiib daro waxaa ku dhuftay guud ahaanba abaartii aan wada ogeyn,dhalintiina waxay u kala firxadeen dal iyo dibad.

Degmada Tiyeeglow qabiilka sida khaas ka ah u leh waa qabiilka (Jilible 9 ahna Mirifle )


In kastoo ay Beesha Jilible leedahay Degmada hadana waxaa si weyn loogu so dhoweeya qof kasto oo Qowmiyada Reewing ah oo dhan.