User:Barre xussen faarax wadani

Ka Wikipedia


War Deg Deg Ah Weerar Ismiidaamin ah oo Goordhaw lagu qaaday Hotelkii ay ku shireen Wasiirada IGAD ee SYL






Waxaa goordhaw Weerar Ismiidaamin lagu qaaday hotelka SYL ee kuyaala agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ,Hotelkan ayaana ahaakii uu dhawaan ka dhacay Shirkii ay Muqdisho ku yeesheen Wasiirada Arimaha Dibada Dowladaha IGAD.


Goob jooge ku sugan agagaarka Madaxtooyada ayaa noo sheegay in gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Hotelka SYL , waxaana bur buray albaabka Hotelka laga galo iyo qeybo badan oo kamid ah Hotelkaasi.


Lama oga ilaa hada qasaaraha ka dhashay Qaraxa Ismiidaaminta ah ee goordhaw lagu weeraray Hotelka SYL, Qaraxa ayaana ahaa mid aad u xoogan oo dhawaqiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowlada ayaa gabi ahaan xiray Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana goobta gaaray gaadiidka Ampalaasta kuwaa oo ka qaadaya goobta dhaawacyo qaraxa ka dhashay.


Weerarka Ismiidaaminta ah ee goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Muqdisho oo la filayo in maalinta berito ah uu soo gaaro Madaxweynaha Dalka Turkiga