User:Farhan A Ashkir (Ashkir)

Ka Wikipedia
Qaymaha Xoriyad Leedihiyo- Qaran iskii taagan

Qoonkiyo dadkeenii hadeer- Qaar yarbaa garane Daraadeed qabuuraha ragii- Iilka loo qodayna Cadow uu qasaasoo naftii- Qaaligaa hurayey Inay qaran helaan aawadeed- Qadayey oon quudan Gumaysiga qabkiisii ragii- Qaadan kari waayey Gaarsiiyey quustoo hadana- Qiiro diriraayey Isticmaar jidkuu qaada oo- Qodaxda daadshaaba Qatar badan leh oo aan la marin- Qodayey raadkiisa Qalbi jabin haduu cadow qabtiyo- Haduu qasaasaaba Cidla lagama qaateen xornimo- DHiig haduu qubane Calankii markii qaramadii- Codadka loo qaadey Qanci waa gumaysi markaas- Qaadan kari waaye Inuu qaybiyuu goostey oo- Qaatey taladeede Qowlaysatadi uu dhulkii- Qoloba aag siiyey In lasii qoqobo oo mar qura- Calanka loo quurin Qorshahuu gumaysigi lahaa- Qaramadii geeye Qaadaa dhigoo dooda oo- Yimid qaraarkaase Qabyo taasi weeyana ma oran- Qalad sax may keenin Dhulkii oo qoqobanbaa barkii- Qaatay calankii eh Labo qura ayaa qaran noqdoo- Loo qiree magac eh Sadexdii kalana cadowgibaa -Qayb u helay taase Qarniyaal halgamihii xorimo–Qaranba doonaayey Oo galay qabuuraha alloow–Qabarkan yaaw u sheega. Halgamuhu ma quustaan ilaa- Iilka loo qodo eh INkastuu qashuucoo qalbigu- Oohin uu qubo eh Qaarkii kasoo harey intii- Juun calanka qaateena Labadaas inuu sii qoqobo- Qaybsho cadowgiina Dadkiiba mid qura doorbidoo- Qaatey taladeede Kuma ay qasaarine illaah- Qaaadir barakeeye Quwad iyo awoodbuu durbaba- Yeeshay qarankii eh Hormuud qaaradii noqoy dalkoo- Qaran barwaaqaa eh Gumaysigi qashuuc hadana- Qoomamee cadow eh Qowleeysatiyo xaasidbaa- Qaatey qalabkii eh In la dumiyo qarankii ayey- Wada qorsheysteene Qatar inuu ku yahay bay arkeen- Qoonka dariskaahe Soomaali qarankeedibey- Cadow qiyaaseene Qibraduu gumaysigu lahaa- Qaatilnimadiisa In qabyaalad lagu qaybiyiyo- Qolo un mooyaane Oo qaab qabiil lagu dunshaa- Lagu qasaarshaana Qiil aan midkaas aan ahayn- Qaadan kari waaye Qorshahii gumaysigi u noqoy- Qaabki uu rabey eh Qabqabliyo dagaal oogayaal- Magac qabiil sheegta Qarash iyo hub cadow sii durboo- Qiiro ku abuure Xukun aan saxayn qaladka oo- Qoonsadeen shacabku Mid walbaa kan kale quursanoo- Qolo ku faanaaya Isma qabato oo wada qaldani- Eersey qarankii eh Qarni rubici bohoshuu ku dhacay- Iyo Qulqulad taagan Qarax iyo rasaastiyo qur go’i- Qiil lahayn socoto Quusanoo is qabanoo heshiis- Qaadan kari waayey Cadowgoodu qaabkuu rabiyo- Waa qorshihi taase. Qarniyaal halgamihii xorimo–Qaranba doonaayey Oo Galay qabuuraha allaaw–Qabarkan yaaw u sheega.. Intii qiiro awgeed halgame- Iilka loo qodana Qaranimada calankii dhashee- Qaban ishoodiina Bal inay qashuucaan hadeer- Ehel qabuuraadku Oo qoomameeyaan lafahi- Qolofti ay ooydo Bal ineey ku quustaan kuwaan- Aan is qabanaynin Ooy qiiro saaqdoo iyana- Qalad saxaan maanta Qalbi fiican eebbahay ka dhigo- Badi quluubtooda Kuwii ay ilmadu qoysey oo- Qubayey oo joogey Qarankii dharaartuu dhashoo- Calanka aan qaadney Aduun waa qiyaaliye hadii- Qaar lasoo celiyo La tusaa qasaaraha dhacoo- Sababay qoonkoodi Qabiilkiyo quraankaan hadeer- Lagu qaraabtaana Qarankii ka doorteen midaa- Dawlad qaymo lehe Kuba qanacsanayn calanki – Oon qadarineynin ABwaankii kasoo qaad murtida- Qoonkan wax u sheegay Dugsi maleh qabyaalidi yiroo- Qirey oo noo sheegay Qiyaaleey dad badan moodayeen- Ugu qoslaayeene Qolo qolo ilaa aaqirkii- Qalabka loo qaatey Oo lays qur gooyoo dad badan- Geeri wada qaadey Qarankii dadkiisii noqdeen- Qaarki duminaayey Wadaadkii quraan dhigi jirana- Qalinki uu tuurey Qabqablaha sidiisii hadeer- Qorigi uu qaatey Qarax aan ujeedaba lahayn- Suusaayd oo qalad ah Qaxii iyo colaadii horeey – Qaxar ku biirsheene!!! Qarniyaal halgamihii xorimo–Qaranba doonaayey Oo galay Qabuuraha alloow–Qabarkan yaa u geeya. Qabanqaabo xaflad heer saraa–Qabashadeed maanta Qaymaynta juun luuliyoo– laga dhigaa qaali Qosolkii dadweynaha farxadi–Socoto qiiraysan DHaraarihi qaranimo heloo—Calanka aan qaadney Qamuunyaa wadanigii xasuus—Saaqi oo qabane Qooraansi eeg qoomamadan–Caradan qaan gaartey Quwadiyo awoodaan lahayn–Wiiqay qarankeeni Qabiilkii siduu noo qoqobey–Qalad sax aan oolin Qoloqolo u dirirkiyo bal eeg-Beelo qaybsigiba Qadka nagaba saariyo xumih–Qayrkeen ina dhaafshay Qarankii sidii uu u dumay–Qiiro naba saaqin Luuliyo la qabanqaabiyiyo–Juunba laga quustey Gabay Waddani ah Illeen qoon waxaa nahay xumihu–Badi qafaasheene Soomaalaay hadaanaan is qaban–Qayrkeen noo taliyo Isu qoora buuraano oo—Cayroo wada qaawan Qarni rubici dirir aan wadniyo–Qaran la,aan taagan Qabqabsigi sokeeyaha wadnoo–lagu qaraabtaaba Anaa kaa qabweyn ay jirtiyo–Boowdyo qaawintiba Quursigi haduu sii socdoo–Qiil ka dhiganaaba Dhulkiinaan qabuuraha noqdoo–Qaawan gabigiisba Qoonyahow hadaad weli sidaan–Qori na naafeeyey Sheekadii qabiilkiyo wadaan–Hadal qabyaaleedka Qaabki xumaa sii socdoo– la is qur gooynaayey Qaylo dhaanti ay socoto oo–Dhiigi qubanaayo Ku qaraabo diintoo barkeen–Qaarken doorbidana Qiil maleh waxaa badi dadoow–lagu qanceyn taase Qoloqolo colaad socota waa–Qaran jab weyn taase Qoonyahow hadaanaan is qaban–qalad sax aan keenin In qariiradii nalaka tiro–qaran la,aan joogno Ama dunidan qowleeysatadu–uu nakala qaato Quwadaha shisheeyaha state–laga qoraa gaaro Qarankii cidlada aan dhignoo–Quudan kari weyney Qaxarkii dhibkaas aan badnana–qayrken naga meersho Ineey socoto qabanqaabaded–maba qarsooneyne Qoonyahahow illeen talo gabtee—Qaaradaha biirsha.. Qarniyaal halgamihii Xornimo–Qarankan doonaayey Oo galay Qabuuraha alloow–Qabarkan yoow geeya.