User:Gedonow2002

Ka Wikipedia

Magacayga waa Saylac Sheekh Diini - mudo fog ayaan Wikipedia Engilsh iyo Af Somalia labadaba qoraalo aqooneed ku biirinayay. Qoraalkii ugu horeeyay waxaan ka qoray Jaamacadda Ummada sanadkii 2002.

Ummada Soomaaliyeed oo hiraalkii ka lumay ayaa waxaa ku dhacay xasuusdaro ama ambad maan, sidaasna aan ku go'aansaday inaan wax ka qoro taariikhaha sugan ee sooyaalka iyo dhacdooyin dhow iyo kuwo fog ee bulshadeena la xariira si cidii xiisaynaysa sida cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, dhalinyaradeena dal iyo daafaha aduunka, xarumaha waxbarashada iyo hay'adaha dowlada intaba xog kaydsan u helaan. Waxaa kale oo aan diirada saaray adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, goobaha bartilmaameedka sida, buuraha, webiyada, magaalooyinka, gobollada iwm.

Dadka magaca iyo maamuuska ku leh bulshadeena dhexdeeda iyo talaabooyin sababay isbadal laxaad leh oo u horseeday bulshadeena sida hirgelintii far Soomaaliga, ol olaha horumarinta reer miyiga, Dejintii Danwadaagaha, warshadayntii qaran iyo dadaaladii loo dhamaa ee aan gaarnay miyi iyo magaalo, gaar ahaan sanadadii 1950-80yadii.

Suugaanta Soomaaliyeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Suugaanta iyo abwaanadii ama hoboladii caanbaxayna mid walba bog ayaan u sameeyay kolkaas aan ku gudo jiray qoraaladaydana aan ogaaday dhowr dal un ay naga taariikh dheer yihiin dhanak suugaanta iyo heerka sare ee afmaalnimada laga gaaro.

Nolosha Dhaqandhaqaale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa kale oo aan wax ka qoray illaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin beeraha, kaluumaysiga, dalxiiska iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka bulshada.

Qaaraankayga Qoraal[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaan qiyaastii labada af ee aan wax ku qoray diyaariyay maantana la daalacan karaa in ka badan 20 qoraal oo nidaam halbeeg leh u qoray, illo xigasho, tirakaboob iyo farmuuqooda sida baraha Internet-ka. Mowduucyada hada aad akhrisan karto waxaa ka mid ah horudhac yar oo ku saabsan cilmiga xidigiska ama Xiddigis oo hal maqaal ka kooban.

Xarumaha Waxbarashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Jaamacada Ummada, Jaamacada Lafoole, Machadka Siidam, Kulliyada Farsamada Baardheeere, Jaamacada Gedo iyo waliba qoraalo iskood u taagan sida Xarunta Horumarinta Manaahijta iyo Guddigaa Af Soomaaliga, Ole Olaha Horumarinta Reer Miyiga ee 1970yadii ayaa iga qaaraan ah dhanka qoraalada xogtooda sida baahsan loo wada hayo ee aan hortay waxba looga qorin waayahan dambe.