User:Mcugaas

Ka Wikipedia

GOLAHA SAMA WADE Isu keen Ummadda Oo Ha Is Ogaadaan 2 0 1 5 HADAL MIISAAMAN + HAWL MACNA LEH = HORUMAR MUUQDA√ ★★★★★★★★★★★★★★★ Nagala soo xariir. Email:golahasamawade@gmail.com WhataApp:- +254728355693 https://www.facebook.com/pages/Golaha-Sama-Wade/336986933125089 ★★★★★★★★★★★★★★★


  • Golaha Sama Wade

Waa Gole

Ummadda iyo Dalkaba U Horkaci Doona Dhanka Guusha iyo Baraaraha kana  Duulaya mabaadii’da iyo qiyamka umadda, kuna shaqeynaya nidaamka Dhexdhexadka ah isagoo ka

qayb-qaadanaya yagleelida Nidaam Nololeed cusub Oo talo wadaag, barwaaqo iyo caddaalad ah, iskuna filan islamarkaana huwan magacii iyo taariikhdii soo jireenka ahaa ee Dalkeena iyo Dadkeena ku lahaayeen Abuuridda Umad Soomaaliyeed oo Nadiif ah iyo Nabad Deris Kuwada Noolaansho.

Golaha Waxuu leeyahay jiritaan madax banaan, wuxuuna uu ku dhisan yahay iskaa wax Uqabso, Waxuuna iska diiwaan galinaya Xafiisyada Ku shaqada Leh.

Waana Talo Ka dhalatay Ka dib markii aan: •Garawsannay baahida loo qabo isbeddal lagu sammeeyo hab Nololeedka, iyo dhaqanka Hogaaminta ummadda Ee Sariigta Daran ee hadda ka

jira dalka. 

• Aragnay inay tahay in himilooyin badan oo dadkeena sugayaan inaan la xaqiijin, waddadii lagu xaqiijin lahaana aan la marin. • Iyadoo aan goobjoog u nahay, Marqaatina ka Nahay Dib U dhaca iyo Dib U socodnimada Ku jirta Dadka, kana Jirta Deegaanada Golaha U Jeedkiisa Yahy. Waxaan go’aansannay in aan aasaasno Golaha Sama Wade oo ku howlgala Qodobadaan.


  • Mabaadii’da

Golaha Sama Wade.


• In La abuuro Lana Dhaqan Galiyo Mashaariic Horumarineed, iyadoon la sugin gacan Dowladeel, iyo mid Dibideed, iyo Shisheeyaba, oo Dhiig cusub oo wax qabsi Lagu shubo Jiilka Cusub ee Anaga aan ka Mid Nahay. • Caddaaladda iyo sinaanta dhamaan xubnaha bulshada, diidida nooc kasta oo dulmi ah sida faquuqa, quursiga, kala sooca isireed, dabaqadeed iyo firqo waa waajibaadyo sugan oo ay tahay in la dhowro. • Aadanahu waa wakiilka ALLE ee dhulka (khaliifka), in kor loo qaado iimaan, akhlaaq iyo cilmi ahaanba, Lana kobciyo xirfadihiisa iyo garaadkiisa aqooneed, nafsadeed- jisimiyeed Lana haqabtiro baahiyihiisa waa waajib. • Golaha waxuu aaminsan yahay Ixtiraamka karaamada, xoriyadda iyo xuquuqda qofka bani’aadamka ah Inta ay siiso Shareecada islaamka • Umaddu waxay xaq u leedahay. inay ilaashato, kobcisana kheyraadkeda, waxyaabaha Danta Guud ah iyadoo loo qaybsanayo si caddaalad ah, cid ku takri fali karta si kalinimo ah iyadoo aan ogolaansho umaddeed haysana ma jirto kheyraadkaas danta Guud ah. • Umaddu waxay xaq u leedahay inay diido nooc kasta oo gumeysi ah mid siyaasadeed, dhaqaale iyo aqooneedba, iyadoo xaq u leh inay dhowrato qiyamkeeda, karaamadeeda, dhaqankeeda iyo afkeeda, islamarkaana ka faaiideysato horumarka aadanahu gaarey ee xagga cilmiga, iyadoo iskaashi hagaagsan la yeelanaysa shucuubta caalamka waxii u adeegaya nabad- galyada, amaanka iyo caddaaladda dowliga ah. • Dib u dhiska dalka, horumarintiisa iyo abuuris fursado shaqo. Iyo dhiirigalinta wax soo saarka beeraha, iyo dhaqashada xoolaha, • Kobcinta aqoonta, garaadka iyo karaanka dhallinyarada si loo helo bulsho caafimaad qabta, isku duuban iskana kaashada horumarinta dalka. • Dhidibo u aasidda dhaqan nabadeed iyo Kala dambeeyn Oo meel Hoose laga soo bilaabo, korna loo wado, halka hadda kor laga bilaabo.

Ujeedooyinka Golaha Sama Wade.


• In la helo Dad caafimaad dhan kasta ah Qabo, iyo Maamul xalaal ah oo ka hana qaada degaanada Dalka, ka shaqeeya soo celinta midnimadii kala danbeyntii, sharcigii, iskaashigii iyo walaaltinimadii Dadka. • In la siiyo mudnaan ballaaran dib u dhiska nabadda, is jacaylka, isku imaanshaha iyo dib u

heshiisiinta siyaasadda iyo bulshada

guud ahaan . • Xoojinta iyo dhiirigelinta baahinta dhaqanka nabadda, wada tashiga, maamul wanaagga, u hoggaansanaanta sharciga, Madaxbannaanida garsoorka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo kutagrifalka awoodaha iyo Mansabka umadda loo haayo. • u istaagidda Hormarinta waxbarashada, cilmi baarista, hiddaha iyo dhaqanka, daryeelka caafimaadka, iyo ilaalinta degaanka. • u doodida Horumarinta Dhallinyarada, Haweenka, Dhallaanka, lana daryeelo qoyska, agoonta, naafada iyo dhammaan bulshada intaeeda nugul. • Xoojinta iyo horumarinta xiriirka Beelaha Daris wadaaga ah Iyo Nabad ku Wada Noolaansho Abaar Iyo Aaranba, si nabad ah kuwadaagidda Baad Iyo Biyo. • Sameynta Hab Casri Ah oo isku xerka iyo Dhiirrigelinta ka qeybgalka

Banaan joogta arrimaha
horumarinta siyaasadda,

diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha lagana taageeraa ilaalinta dhaqanka sida horumarinta barashada afka ee dhallaanka. • U ololeynta Xoojinta sharciga kaladambeynta iyo la xisaabtanka masuuliinta Umadda, Dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee ummadu leedahay sida:wadooyinka, garoomada Diyaaradaha, Dekadaha iyo

shirkadaha ganacsiga.

• Sameeynta iyo ka tala bixinta Isku xerka iyo Isu keenidda Shaqa doonka iyo shaqaale doonaha si loo abuuro fursado shaqo oo aay helaan Inta Xirfadda iyo Aqoonta leh.


Qaabka lagu gaarayo Mabaadii’da iyo Ujeedooyinka Golaha waa:


• Dhisidda hay’addo iyo Gudiyo u adeega bulshada, kuna howlgala hirgalinta afkaarta iyo aragtiyada Golaha. • Samayn tusaalooyin wanaagsan (Role Model) iyo Baahinta Iyo Gaarsiinta Fariinta Golaha qof waliba oo Jecelna Aan ku soo dhaweyno inuu ka qaato Qaybtiisa, waxaas oo ka tarjumaya ujeedooyinka iyo hab dhaqanka Golaha. • Isticmaalka iyo Sameynta Qaar ka mid ah qeybaha warbaahinta, si loo baahiyo ujeeddooyinka iyo himilada Golaha iyo Baahiyaha bulshada uu u taaganyahy Golaha. • Fududeynta Isku Xerka iyo Isdhexgalka Walaalaha Qaybahooda kala duwan, ee kala jooga Dalka gudahiisa iyo Banaankiisa. • Diyaarinta Daraasado iyo Cilmi baarisyo Ku aadan Hawlaha Uu golaha Qabanaayo, asigoo kala Kaashanaaya Cid walba Oo Ehel u ah Hawsha. • Taageerada Qaybaha Bulshada oo Garab Iyo Gaashaan U noqda Hawlaha Golaha. • isticmaalka Hab kasta oo sharci ah laguna gaari karo ujeeddooyinka Golaha kaas oo aan ka hor imaanayn Sharciga.




Cid Walba Oo Gacan ka gaysan kartana Waan Soo Dhaweyneynaa Si aay Ummadda Ugu Faaideysato Qof walba waxa Ku jira Ee Aqoon ah Ama Hal Abuurkiisa Gaarka ahba.


Wabillaahi Towfiiq.


©Guddoomiyaha Golaha Maxamed Cumar Ugaas Email:- mcugaas@gmail.Com