User talk:Aadan diyeeshe

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

aadan daahir cabdi aadan diyeeshe waa suxufiyi soomaaliyeed oo mudo ka badan toban sano ku soo guda jiray howlaha warbaahinta ku hadasha afka soomaaliga,aadan diyeeshe wuxuu ku dhashay magaalada B/weyne ee gobalka hiiraan sannadkii 1981 ,dugsigi hoose iyo dhexe wuxuu ku soo qaatay magaalada marka ee gobalka shabeelada hoose dugsigiisi sarena wuxuu kaga baxay magaalada muqdisho,aadan diyeeshe wuxuu markii ugu horeysay ku soo biiray dhinaca warbaahinta sanadkii 2002,xilligaasoo oo ku bilaabay inuu maqaalo usameeyo idaacadii STN ee ka howl gali jirtay magaalada muqdisho,kadibna waxaa uu fursad fiican oo tababar saxaafadeed ah oo socday mudo afar bilood ah ka helay idaacadii horn afrik sanadkii 2005 wuxuu markii ugu horeysay ka howl galay idaacada horn afrik qaybteeda magaalada marka,wuxuuna ahaa barnaamij soo saare,war aqriye iyo walliba war soo dire. sanadkii xigay ee 2006 wuxuu uwareegay idaacadii banaadir isagoo ahaa wakiil idaacada banaadir ee gobalka shabeela hoose,isla sanadkaasi wuxuu kaloo warar u diray jiray idaacada radio daljir ee ka howl gasha gobalada buntland,sanadii 2008 wariye aadan diyeeshe wuxuu noqday wakiil idaacada qaramada midoobay ee irin ee gobalka shabeelada hoose