Wardhiigley

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Wardhiigley/Warta nabad waa degmo ku taalo gobolka Banaadir,waxayna ka mid tahay degmooyinka ugu weyn Gobolka Banaadir 07/04/2012 Sh shariif ayaa ugu magacdaray "WARTA NABADDA".waxa afarta koone ka xiga degmada Xamarweyne, Boondheere, Howlwadaag, Dayniile iyo Yaaqshiid.Degmada waxa ay leedahay Meelo caan ah sida xaafadaha kala ah SHillinta, Bulo Absuge, Geed Jaceyl Barxada, Buurhindi, Xararyaale, buulo Hoose, Xamar Jadiid, Xamar Bile iyo Siinaay. ex Suuqi xoolaha ee hore, waliba degaanki madaxweeynihii ugu horeeyay Aadan Cabdulle Cusmaan oo uu deganaa.Xaruntii Madaxtooyadda Jamhuuriyagga Dimoqraadiga Soomaaliyeed ( VILLA SOMALO), sidoo kale waxee degmada leedahay iskuooladaan caanka a

Iskoolada wardhiigleey[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  • Dugsiga Sare 15 Ka May
  • hoose dhexe wardhiigley
  • hoose dhexe maxamud xarbi
  • hoose dhexe wabi shabelle
  • Dugsiga hoose dhaxe ee Hantiwadag
  • Dugsiga Amiir nuur
  • Dugsiga dhexe sare al_nahda

waa xiliigii dowlada jirtey oo waxa lugu baraan jirey kuwaan waa dowladii iyo buurkii ka hore

  • Madiina Warsame
  • iskoolka Bilaal
  • iskoolka al abaadir
  • Al-Imra labadhagax.
  • Iskuulka Al-madar
  • lamaha wardhiigley waxa la kala yirida

1]lanta kowaad waa jeranaal daa.uud 2] lanta labadaa waa halgaan 3] lanta sadexad waa horseed 4]lanta afrada waa barwaaqo

Meelaha kale degmada caan ku tahay waxaa ka mid ah

golaha xisbiga

  • wakaalada biyaha
  • madaxtooyada jamhuurida somalia

radio muqdisho ex suuqa xoolah xaruunta xisbiga

waxda dhul bixinka Shaleemo Xaawo Taako Baar Jiddo xaruunta isgaarsiinta tefeonka xaruunta dayactirka warshadda jarmalka ama waxda farsamad warshadda sii u taqaano , keydka wwakaalka madacadda qaraanka shaleemo xaawo Taako . shaleemo siinay tiyaater tawfiqa shaleemo xamar jadiid Ameelgada Biyaha Misaajidka Sheekh Mukhtaar Missajidka Xaaji Yusuf Beerta Gaalada Waddada Wadna Qabad Waddada Siinaay Rugta Caafimaadka Wardhiigleey

gudoomiaha ugu hore waxa la yiradaa maxamed cabdilaahi cabdi adaan , 

kiii ugu xukunka dheera waxa la yirada xasaan cali xashaash . hadda waxa gudoomiyaa ka ah deeqo cabdiqadir axmed cawale

  • Hotel florence

dhismihii xaaji saciid

Magaca degmada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Wardhiigleey waxey caan ku tahay neenaasta "Wardhiigleey Wasaarad waaye inta kale wakaalad waaye" Sababtoo ah wardhiigleey waa degmo aad caan u ah, oo leh meelo badan oo taariikhi ah.Shacabka degen wardhiigleey waa dad aad u soo dhaweeyo dalxiiseyaasha,waana dad aad u jecel martida.Wardhiigleey waa meesha ee ka soo jeedaan badanaa dadka ruwaayadaha jilo.Wardhiigleey waxay caan ku tahay shaleemooyinka oo runtii laga daawado badanaa filmada hindida oo ku hadlo afka soomaaliga iyo ruwaayadaha soomaalida iyo isboortiga. wardhiigleey waxee u dhisnaan jirtay sida degmooyinka loo dalxiis tago, waana degmo la ilaabi karin oo habeenkii sida maalinta oo kale iska camirnaan jirtay.Sidoo kale reer wardhiigleey waxey caan ku yihiin maqaayadaha oo halkaas looga yaqaan (baar), oo runtii markaa cuntadooda dhadhamisid aad faraha iska qaniineesid.Xiliyada aa ka hadlaayo waa 1997, hadda ma ogi in ee degmada isbadashay ama ee wali sideeda tahay.

Kubada cagta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Wardhiigleey waxeey ku caan aheyd kubada cagta waa xaafadii ugu badneed ee qade koobka tartaranka ciyaartoyda degmooyinka 37 koob intaa ayaa qaadey. Cayaartoyda xaafadaas ku soo barbaaray waxa ka mid ah: CABDULLAHI CABDI, MUXUDIINN DERBA WEYNE, CABAAS AXMED YACQUUB, BASHIR JEENYO, GAABSHE, KHAALID, CAMOORE, KUUKAAY, MAXAMED AXMED WARSAME, MADAXEEY,CABAAS AXMED DIIRIYE, DHOOTEEYE, IYO KUWA KALE OO AAN HADDA SOO KOOBI KARIN, heerka koowaad marka loo fiirsho xaafadaha kale, warta waa xaafadii ugu horeeysay ee lagu aas aasay SYL. Warta shacabka dagan waa shacab aad isku jecel meel kasta ay joogaan. waxayna ukala qeebsantaa 4 laamood ama afar waaxod 2 lanta halgan ,laanta 1 janerel daaud laanta 3 barwaaqo laanta 4 horseed waxa ey caan kutahay waxa kasoojeda DJga wayn ee CRB, oo caan ku ah heesaha raabka ee somaliha ah.waxaa kaloo lama ilaabaan ah naadiga kubada cagta ee elman waa dagmadii lagu aas aasay wardhiigley.waxaana xusid mudan in cayartoyda qaranka somaliya ugu badan xiliyadii danbe ay ka soo jeedeen wardhiigley.waliba magaca elman waxaa bixiyay ninlagumagacaabo yusuf cibaar oo kumagacdheer sufaa.


Degmooyinka Gobolka Banaadir Flag of Somalia

Boondheere · Xamarjajab · Xamarweyne · Dayniile · Shibis · Shingaani · Dharkeenleey · Cabdicasiis · Kaaraan · Huriwaa · Hodan · Howlwadaag · Waaberi · Madiino · Wardhiigleey · Yaaqshiid