Wikipedia:Introduction

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Help:Contents
Hordhac   Baro sida wax loo bedelo   Aqoontaada ku darso Wikipedia   Daadihin

See "edit this page" above? On Wikipedia, you can edit articles right now, even without logging in.

What is Wikipedia?

Click edit this page to change an article

Wikipedia is an encyclopedia collaboratively written by many of its readers. It uses a special type of website, called a wiki, that makes collaboration easy. Lots of people are constantly improving Wikipedia, making thousands of changes an hour, all of which are recorded on article histories and recent changes. Inappropriate changes are usually removed quickly, and repeat offenders can be blocked from editing.

Learn more about the project


How can I help?

Don't be afraid to editanyone can edit almost any page, and we encourage you to be bold! Find something that can be improved, whether content, grammar or formatting, and make it better.

You can't break Wikipedia. Anything can be fixed or improved later. So go ahead, edit an article and help make Wikipedia the best information source on the Internet!

Make your first edit right now:

  1. Click edit this page above
  2. Type a message
  3. Click save page to save your writing (for further experiments use the sandbox)
    ...or "show preview" to test your changes
  4. Please, no profanity, libel, or personal attacks.
  5. Please do not remove the header message (it's the stuff in {{ }} marks)
Next: Learn more about editing

Go�aamadii 191 Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay ku sixiixeen Magaalada Muqdisho oo dhameystiran.

Test edits

Go�aamadii 191 Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay ku sixiixeen Magaalada Muqdisho oo dhameystiran.

Akh�ristayaasha sharafta lahow Taariikh-da ma duugoowdo ee waxaan idiin soo gudbinaynaa Go�aamadii ay gaareen Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed iyo magacyada sixiixayaasha oo laga diyaariyey Buug weyn, inagoo Go�aamadii iyo Talooyinkii shir weynihii Dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed uga socdey Magaalada Muqdisho 15/07/2007 ilaa 30/08/2007, ay ku gaareen Oday dhaqameedyada oo waxyaabihii ka soo baxay ay madax dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay si wada jir ah u sixiixeen, islamarkaana mar kale madaxda sare ee dowlada ay ku soo sixiixeen dalka SAUDI ARABIA, sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn waxa ka dambeeya heshiiskaasi, oo tan iyo markii uu dhamaadey shirkii dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ay soo baxeen isbedelo fara badan, oo aan hore looga filayn dalka, lana furay Xadka Kiiniya iyo Soomaaliya, khilaafna uu soo kala dhex galay madaxda sare ee dowlada, islamarkaana shirka Baarlamaanka dhexdiisa laga sheegey, ayna ka hadleen xubno badan oo xildhibaano ah, sidoo kale ay soo baxday in la xiro Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee DFKMG iyo Garsoore sare oo ka tirsan maxkamada oo dowlada aysan wali xasiloonidii dalka si buuxda u soo celin, iyadoo ka tageysa kii aqoonta lahaa, qaadanaysa kii aqoonta yaraa, kuna jirto dagaal maalin walba, ayna ku burburayaan hanti fara badan, daadinaysana dhiig shacab fara badan oo aan waxba galabsan, Magaalada ASMARA ee dalka ERITREA-na lagu soo dhisay Isbahaysi ka soo horjeeda dowlada, lagana yaabo in dalku lugaha la siigalo marxalad aan loo baahnayn, hadaba Go�aamadan ilaa iyo intee lagu hirgelin karaa?.

Akh�ristow aynu eegno  Go�aamadii iyo Talooyinkii Shir weynaha Dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo isugu jira Xalinta khilaafaadka Beelaha  Soomaaliyeed,  Hub ka dhigida, Hanti isucelinta, Dowlad wanaaga, Dimugoraasiyadda, Xizbiyada Tirada Badan iyo Tiro koobka Dadka, Qaybsiga Khayraadka dalka iyo Hubinta Awood qaybsiga, Xag-jirnimada iyo Saameynta ay ku leedahay dalka, Midnimada Shacabka Jamhuuriyada Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Haweenka, Go�aanadan oo ay ku saxiixaayeen Odyaasha  Duubabka Hawiye, Isimada Daarood, Malaaqyada Digil & Mirifle, Isimada Dir iyo Salaadiinta Beelaha Isbaysiga oo tiradoodu gaareyso 191-xubnood  ayaa waxayna  ayaa waxaan ugu horeyn soo qaadanaynaa:- 

Qodobka:- 1-Xalinta khilaafaadka Beelaha Soomaaliyeed :-

Shir weynuhu wuxuu go�aamiyay

1-Kowda Agoust shir weynuhu wuxuu aqoonsaday maalintii uu dhamaaday dagaalkii sukeeye ee soomaaliya ka socday intii u dhexeysay 1978-2007, dhamaan beelaha soomaaliyeedna waa is cafiyeen.

2-Dadka soomaaliyeed shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa xabad joojin iyo hub iska dhigis.

3-Laga bilaabo 1-da Agoust 2007-da ergooyinka ka soo qeyb galay shirka waxaa loo aqoonsaday ergooyin qaran oo matalaya Ummadda soomaaliyeed oo dhan.

4-Shirweynuhu waxa uu isku raacay in loo bixiyey isbahysiga beelaha shannaad lamana oran oroan karo hada ka dib Others iyo IWM.

2-HUB ISKA DHIGIDA

Shir weynuhu wuxuu go�aamiyay

1-In deg deg loo dhiso ciidamo qaran oo si fiican u tababaran, qalabkooda shaqo u dhamaystiran yahay, akhlaaqdooda iyo caqiiqadooda fiiican yihiin , mushaarkooda iyo daryeelkoodana joogto loo siiyo bil walba dhamaadkeeda.

2-In dhamaan shacabka soomaaliyeed isku waqti hubka laga dhigo iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka..

3-In la joojiyo hubka ka imaanaya debada lana xiro seyladaha lagu iibiyo hubka ee dalka oo dhan.

4-Si loo fudadeeyo barnaamijka hub ka dhigista waxaa haboon in maleeshiyooyinka loo sameeyo dhaqan celin iyo wax barasho xirfadeed mustaqbalka, si ay ula qabsadaan nolosha bulshada, iyadoo kaalmo la weydiisanayo beesha caalamka iyo dalalka saaxiibka la ah soomaaliya.

5-Iyadoo lala kaashanayo hogaamiye dhaqameedyada, culamaa�udiinka Ahlu sunnah wal jameeca, suugaanlayda, haweenka soomaaliyeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, waa in la sameeyo wacyi gelin si joogto ah ugu baxda qalabka warbaahinta ku saabsan barnaamijka hub dhigista iyo nabad galyada qaranka.

6-Go�aanada ka soo baxay shirweynaha ee ku saabsan hub ka dhigista iyo nabad galyada waa in loo aqoonsadaa mid sharci ah ama dastuuri ah, cidii ku xadgudubtana loo aqoonsadaa iany tahay nabad diid iyo qaran jibis.

7-Nabadgalyada dalka iyo dadka waxaa ka mas�uul dowlada, dadweynahana waxaa looga bahan yahay iany gacan buuxda ka gaystaan sugida nabad galyada dalka.

8-Qof kasta, beel kasta ama koox kasta oo shirweynaha ka dib dhibaato u gaysata ummadda soomaaliyeed, dowlada iyo dadweynahaba waxaa loo hortagayaa si wada jir ah shirweynaha sharciga ayaana la horkeenayaa, beel kastana waa inay u hogaansanaataa nabad ku soo dabaalida dalka iyadoo doorkeeda ka qaadanaysa.

3-HANTI ISU CELINTA

Shir weynuhu wuxuu go�aamiyay

1-Waa in si shuruud la�aan ah la isugu celiyo hantida ma guuraanka ah, mid qaran iyo mid gaar ahaaneed, oo ay ka mid yihiin Guri, Gaadiid,  Dhul deegaan , Dhul beereed, Beer, Warshedo, Hooso Qalabka taariikhiga ah, qoraalo qiimo taariikheed iyo mid dhaqaalaba  leh, Ceel Barkad iyo Xoolo nool.

2-Shirweynuhu waxa uu ka codsanayaa beelaha, madax dhaqameedyada beelaha, waxgaradka iyo dowladaba inay door wax ku ool ah ka qaataan dedejinta meel marinta hanti isu celinta.

4-DOWLAD WANAAG, DIMUQRAADIYADDA, XISBIYADA TIRADA BADAN IYO TIRO KOOBKA DADKA

Shir weynuhu wuxuu go�aamiyay

1-Shir weynuhu wuxuu weli ku howlan yahay arinta dib u heshiisiinta sii wadideeda, sidaa darteed wuxu gudoomiyaha iyo gudiga dib u heshiisiinta u ogolaaday in shir dib u heshiisiin isugu yeeri karaan markii loo baahdo.

2-Dowlada waa in si hagar la�aan ah u fuliso una sii wado barnaamijka dib u heshiinsiinta soomaaliyeed iyadoo u qeybinaysa:-

A-Dowlada waa in ay wada hadal la furto kuna dadaasho inay la heshiiso shaqsiyaadka, kooxaha, ururada iyo maamulada siyaasad ahaan ka soo horjeeda iyo cid kasta oo ka harta in wax lagu xaliyo dagaal, argagaxisnimo iyo xagjirnimo nooc kastaba ha ahaatee.

B-Dowlada waa inay gaarsiiso dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka iyadoo loo ogolaanayo degmo kasta iyo gobol kasta inay soo doorato ama soo xushaan hogaankeeda maamul.

C-Dowladu waa inay abaabusho shirar waqtiyaysan oo la isugu keenayo Culumaa�idiinka Sunna wa Jameeca iyadoo ujeeedadu tahay inay qeexaan soona bandhigaan qatarta xagjirnimada caalamiga ah iyo inay soo jeediyaan barashada iyo ku dhaqanka saxa ah ee diinta islaamka.

3-In la dhiso xukuumad tayo leh oo laga xulay Baarlamaanka iyo dadweynahaba iyadoo la tixgelinayo aqoon, karti, waayo aragnimo, hufnaan, dabeecad wanaag iyo wadaninimo.

4-Iyadoo la dhowrayo Axdiga KMG ah xukuumada dhisayaa waa inay noqoto mid loo dhan yahay, kuna dhisan awood qeybsiga siyaasadeed ee run ah.

5-Iyadoo ilaalinaysa waqtiga KMG ah waxaa dowlada laga codsanayaa inay dhowrto meel marinta Axdoga KMG hirgelinaysana howlaha:-

Tiro koobka dadka, Diyaarinta dastuurka Federalka, Afti dadweyne ku ansixinta dastuurka, sameynta sharciga xisbiyada badan, Magacaabista gudiga doorashooyinka iyo ugu dambayntii qabashada doorashooyin xor ah oo madaxbannaan inta aanay dhamaan mudada ku meel gaarka ah ee sanadka 2009.

5-Shir weynaha dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed wuxuu go�aamiyay kana codsanayaa Madaxweynaha dowlada Federalka KMG Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed inuu kordhiyo muddada jirintaanka gudiga dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed, iyadoo gudigaas awood buuxda loo siinayo:-

A-In mar kasta oo loo baahdo, gudiga isugu yeeri karo ama abaabuli karo shir dib u heshiisiineed oo heer kasta iyo nooc kasta noqon kara.

B-In gudigu hubiyo daba galna ku sameeyo meel marinta iyo habsami u fulinta go�aanada shirweyanaha beelaha soomaaliya.

4-QEYBSIGA KHEYRAADKA DALKA IYO HUBINTA AWOOD QEYBSIGA

Shir weynuhu wuxuu go�aamiyay

1-Waa in dowladu daraasaad ku samaysaa sida aan qeyraadka dalkeena kula soo bixi lahayn loona xaqiijin lahaa ka faa�idaysiga.

2-Kheyaadka dalka waa hanti qaran waxaana ka mas�uul ilaalinta iyo qeybintoodaba dowlada Federalka KMG, iyadoo ugu qeybinaysa si cadaalad ah isu dheeli tiran mudnaan gaar ahna siinaysa deegaanka kheyraadka ka soo baxay.

3-Waxaa loo baahan yahay in doono dadkii soomaaliyeed ee aqoonta lahaa, lagana howl galiyo hay�adaha dowlada heer qaran, heer dowlad goboleed, heer gobol iyo heer degmo intaba.

6-XAGJIRNIMADA IYO SAAMEYNTA AY KU LEEDAHAY DALKA

Shir weynuhu wuxuu go�aamiyay

1-Ilaalinta iyo xurmaynta waxaa ka mas�uul ah dowlada.

2-Waa in laga hortago waxa alaale wixii keeni kara kala qeybsanaan xaga diinta ah.

3-Waa in manhajka waxbarashada dalka ee tarbiyada diinta islaamka lagu saleeyo mabaa�diida shareecada islaamka si gaar ahna loola socdo.

4-Waa in dowladu aasaasto Gole Ifto oo marjac u noqda arimaha diinta islaamka.

5-Waa in la nooleeyo farista macruufka iyo reebitaanka munkarka loona jiheeyo culimada hanuuninta dhalinayarada soomaaliyeed shibil iyo ciidanba.

6-Waa in la aqoonsado kaalinta culumaa�idiinka fursadna loo siiyo inay si ficil ah ugu qeybgalaan nabadeynta ummadda iyo dib dhiska dalka.

7-Waa in fariisimada ciidamadanka la durkiyo goobaha lagu cibaadaysto hadii aysan dhib ku ahayn amaanka guud.

8-In dowlada u howl gasho fidinta iyo barashada shareecada islaamka iyadoo la dajinayo hanaan iyo qorshe laga bilaabo dugsiyada xifdinta Qur�aanka kariimka ah machida diiniga iyo jaamacadaha soomaaliyeed.

9-Waa la joojiyo khilaafaadka lana adeeco madaxda qaranka ee muslimiinta ah.

10-Shirku wuxuu soo jeedinayaa dhamaan qeybaha bulshada in Ilaahay loo noqdo oo Alle Baryo iyo inla soomo maalmo sedex ah laga bilaabo maalinta arbacada ah 29-Agoust 2007.

7-MIDNIMADA SHACABKA JAMHUURIYADA SOOMAALIYEED

Shir weynuhu wuxuu go�aamiyay

1-Midnimada soomaaliyeed ay tahay mid muqadas ah oo qof kasta soomaali ah xil ka saaran yahay dhowristeeda.

2-Wixii la kala tabanayo waa in laga wada hadlo, cidii gar yeelatana loo garaabo raali gelina la siiyo, iyadoo madashaas laga duulayo dowladu waa in wada hadal la bilowdo waqtiga ku haboon maamulka Somali land lana gaaro heshiis xaq iyo cadaalad ku dhisan iyadoo la ilaalinayo midnimada qaranka soomaaliyeed.

3-Waa in Kheyraadka iyo maamulka si cadaalad ah loo qeybsada.

4-Dastuurka la qorayo waa inuu noqdaa mid ku salaysan nidaanka federaaliga oo xaq u siinaya qeyb kasta inay maamulato beesheeda, isla markaasna xil ku saaraan ilaalinta midnimda, dowlad wanaaga iyo u hogaansananta dowlada dhexe iyadoo dowlada dhexena si wax tar leh u kormeerayso hab sami u socdka maamul goboleedyada iyo ilaalinta midnimada, wixii khilaaf ah soo baxa waxna u dhimi kara midnimada dalka waa in lala kaashado dastuurka dalka iyo hay�adiisa sare ee cadaalada.

8-XUQUUQDA HAWEENKA

Shir weynuhu wuxuu go�aamiyay

1-In saamiga haweenka ee baarlamaanka la fuliyo.

2-In haweenka la siiyo kaalin wax ku ool ah xukuumada iyo garsoorka.

3-In qoondada haweenka maamulka gobolada la fuliyo.

4-Fulinta barnaamijka dib u heshiisiinta waa in haweenka ay ku yeeshaan kaalintooda heer qaran, dowlad goboleed, gobol iyo degmaba.

5-Haweenku waa in dib u heshiisiinta ku yeeshaan qeybtooda heer go�aan qaadashada iyo fulintaba.

6-in la dhiiri geliyo Ururada rayidka ee haweenka.

7-In baarurujin loo sameeyo waxbarashada Gabdhaha (Promation of Girl Education Progarmes).

8-In haweenka loo sameeyo wax barasho xirfadeed.

9-In haweenka la siiyo fursad maal gelin ganacsi .

10-In haweenku tix gelin lagu siiyo qandaraayada ay dowlada bixiso.

11-In la dhiiro gelyo haweenka ganacsatada ah.

12-In caafimaadka hooyada iyo dhalaanka wax weyn laga qabto.

9- MAGACYADOODA XUBNAHA KU SIXIIXAN GO�AAMADDA IYO BEELAHOODA.:- DUUBABKA BEELAHA HAWIYE 1-Imaam Max�uud Imaam Cumar =Abgaal 2-Ugaas Max�uud Cali Ugaas = Abgaal 3- Wak Ugas Mobleyn= Axmed Islow Max�ed 4-Sulaan Abuukar Islow Cusmaan =Wacdaan 5-Ugaas Cusmaan Cilmi Cumar = Ciise Mudulood 6- Wak.Ugaas Ceyr =Ugaas Cali Max�ed Cali 7-Suldaan Cali Axmed (Cali Horseed) =Suleymaan 8-Sudaan C/naasir Jaamac Seed =Sacad 9-Max�ed Sheekh Axmed =Saruur 10-Axmed Ugaas Faarax =Duduble 11- Wak. Ugas Murusade= Muxyidiin Xasan Axmed 12-Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif =Xawaadle 13-Islow Barre Iidle C/lle =Baadi cadde 14-Wak. Ugas =Jajeele Islow Cabdi Wabar Xasan 15-Ugaas Cali Ugaas Cusmaan=Jajeele 16-Islow Max�ed Bille Gaabane =Jidle 17-Ugaas xasan Ugaas Yuusuf Ugaas Idris=Ugaaska labada Juba & Hiiraan ee Gaaljecel 18-Wak.Ugas Gaaljecel =Max�uud Ugaas C/llahi 19-Suldaan Rashiid Dhure Cumar Suldaanka Jubooyinka 20-Xuseen Cali Cumar=Gaaljecel 22-Islow Bille Islow Cusman =Dagoodi 22-Suldaan Cumar Xasan Kuusow =Shiikhaal 23-Suldaan C/shakuur Sheekh Xuseen Shiikhaal Reer Ow Khudub 24-Suldaan C/llahi Saciid Cusmaan =Hintire Degmada Balcad 25-Ugaas Abuukar Ugaas Xasan =Wadalaan 26-Ugaas Xaaji Max�ed Kurtun =Silcis 27-Ugaas Max�ed Max�uud Max�ed =Max�ed Gorgate 28-Ugaas Axmed Macalin Cabdi =Shiikhaal Gobolka Hiiraan 29-Ugaas C/lahi Sh. Cilmi Cosoble= Xuskul Hawiye 30-Ugas Xuseen Max�ed Cabdi =Hilibi 31-Cumar Max�ed Afrax =Abgaal 32-C/lle Max�ed Max�uud Abgaal 33-Sheekh Max�ed Cabdi Shido =Abgaal 34-Suldaan Cali Suldaan Axmed =Abgaal 35-Axmed Max�uud Xasan =Abgaal 36-Max�ed Abuukar Tuuryare=Abgaal 37-Caaqil Macalin C/llahi Max�uud =Abgaal 38-Malaaq Axmed Max�ed Layte =Abgaal


ISIMADA BEELAHA DAAROOD


1-Boqor C/llahi Boqor Muuse King-kong =Majeerteen 2-Ugaas Cumar Ugaas Xersi =Mariixaan 3-Ugaas Cumar Geele Max�ed Awrtoble 4-Suldaan Max�ed Shire Jaamac= Tanade 5-Garaad Max�uud Yuusuf Leelkase 6-Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin =Dashiishe 7-Garaad C/llahi Cali Ciid =Warsangali 8-Islaan Xuseen Xaaji C/salaan =Warsangeli 9-Garaad C/salaan Xasan Max�ed =Dhulbahante 10-Ugaas C/llahi Ciise Nuur =Dhulbahante 11-Ugaas Ciise Ugaas C/lle =Mariixaan 12-Ugaas Bashiir Cabdi = Kabtaanle. 13-Ugaas Max�uud Ugaas Max�ed=Biciid yahan. 14-Suldaan Bashiir Cabdi Garas= Wabeeneeye. 15-Suldaan Siciid Guuleed Muuse=Kaski qabe. 16-Suldaan Max�ed Yuusuf Cabdi= Cali Xijiijle. 17-Suldaan C/llaahi Xildiid soote= Amaanle. 18-Suldaan Cabdi Bille Wasame= Amarti Waaq. 19-Ugaas Axmed Ugaas Max�ed= Leelkase. 20-Ugaas C/llaahi Cabdi Laba qayd= Ogaadeen. 21-Suldaan Max�ed Cali Max�ed=Jambeel. 22-Ugaas Max�uud Ugaas Siciid= Tiinle. 23-Beel daaje. Salaad Cali Faarax= C/rixiim Suleymaan. 24-Beel daaje. Cabaas bin Jaceyl= Ismaaciil Suleymaan. 25-Beel daaje.Cali Faarax =Cali Jabraa�iil 26-Garaad C/llahi Max�uud Dacar =Geese Guule 27-Beel daaje.Max�ed Ismaaciil Cabdi =Ugaar Suleymaan 28-Beel daaje Faarax C/llahi Max�ed =Cali Suleymaan 29-Ugaas Xuseen Ugaas Max�ed =Cowl-yahan 30-Suldaan Cabdi Cali Sokor =Max�ed Subeyr 31-Suldaan Faarax Suldaan Max�ed =Maqaabul 32-Ugaas Cali Buulle Cismaan =Bah-Geri 33-Suldaan Irshaad Siigaale Guure=Tola moge 34-Ugaas Ibraahim Aadan Geedi =Bar-tire 35-Suldaan C/llahi Axmed Shidde= Abaas Guul 36-Suldaan Cabdi Cismaan Macalin Sagal Geri- Koombe 37-Suldaan Muuse Nuur �Majeerteen 38-Garaad Cali Aar =Warsangeli 39-Ugaas Max�uud Baqow =Dhul-bahante 40-Ugaas C/raxmaan Xasan Cumar =Bah Geri 41-Siid Cali Xaaji Xersi =Leel-kase


MALAAQYADDA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE

1-Malaaq Xasan Shurre Max�ed=Hubeer. 2-Malaaq Max�uud Max�ed Cabdi= Hadame. 3-Malaaq C/raxmaan Ibraahim Cali= Laysaan. 4-Malaaq Xasanow Cumarow Xasan =Xaryin. 5-Malaaq Isaaq Ibraahim Xasan= Luwaay. 6-Malaaq Max�ed Cabdi Garuun=Geelidle 7-Malaaq Yuusuf Cali Sheekh= Disoow. 8-Ugaas Bilow Xasow Xaydar= Macallin weyne. 9-Malaaq Shariif Muxiyadiin Xaaji Aadan= Asharaaf. 11-Malaaq Macallin Cil Barre= Jaroon. 12- Suldaan Ibraahim Ciliyow Ibrow=Jiido. 13-Suldaan Siidey Xaaji Max�ed Nuur=Dabare. 14-Suldaan Cismaan Suldaan Cabdi= Geledi 15-Suldaan Buube Suldaan Cabdulle=Bagadi. 16-Suldaan Cismaan Max�ed Max�uud= Tunni. 17-Malaaq Max�ed Guud Max�ed=Eemid. 18-Malaaq Ibraahim Aadan Macallin =Qoomaal. 19-Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Xasan=Garwaale. 20-Malaaq Jeele Ibraahim Xuseen=Waanjel. 21-Ugaas Cali Damdamle =Garre. 22-Malaaq Macallin Salaad Macallin=Yalalle. 23-Malaaq Aadan Maxamed Teegoow=Reer Dumaal. 24-Malaaq Siidow C/lle Cusmaan=Eylo. 25-Malaaq Sheekh Cali Sh. C/llaahi =Helede. 26-Malaaq C/rashiid Sh.C/salaan= Yintaar. 27-Malaaq Sh.Aadan Cusmaan Cabdi=Gabaab-weyn 28-Malaaq Ismaaciil Malaaq =Jilible. 29-Malaaq Siidow Madoobe Muuse= Shanta Caleemo. 30-Garaad Axmed C/kariim Xuseen=Gasaar gude. 31-Ugaas Jaylaani Cumar Shariif= Abaajabal. 32-Ugaas Jeylaani Max�ed Cukaash= Oroole. 33-Malaaq Ibraahim Mayow Ibraahim=Haraaw. 34-Nabadoon Shariifow Max�ed Max�uud = Shanta Caleemo. 35-Liibaan Macallin Ibraahim = Shanta Caleemo. 36-Xaaji Mustaf Xasanow = Shanta Caleemo. 37-Aadan Malaaq Xuseen = Shanta Caleemo. 38-Suldaan Sh.Aaboow Max�ed Nuur =Duube Digil


ISIMADA BEELAHA DIREED

1-Boqor Raabi Yuusuf =Isaaq 2-Caqil Cumar Cali Xasan=Isaaq 3-Ugaas Sh.Xasan Jaamac Max�ed =Gadabuursi 4-Suldaan Cali Obsiye Bidaar=Gadabuursi 5-SudaanC/llahi Kibaar Faarax=Gadabuursi 6-Suldan Abiib Sheekh Max�ed =Gadabuursi 7-Caaqil Sh. Bulaale Climi Waaberi =Ciise 8-Caaqil Sh. Xaamud Ducaale Abti doon =Ciise 9-Caaqil Axmed Diiriye Cismaan =Ciise 10-Suldaan Max�ed Abuukar Max�ed =Biimaal 11Ugaas Nuur Ugaas Max�ed =Biimaal 12-Ugaas Faarax Cabdi Sheekh =Biimaal 13-Ugaas Max�ed Ugaas Aadan =Fiqi Mux�ed 14-Sudaan Macalin Max�ed Max�uud Cali =Fiqi Mux�ed 15-Nabadoon Xaaji Axmed Xasan Aadan =Fiqi Mux�ed 16-Sudaan Axmed Nuur Sh. Muuse =Beesha Saleebaan C/lle 17-Nabadoon Xasan Nuur Dhegood =Beesha Saleebaan C/lle 18-Ugaas Xuseen Ugaas Cumar = Qubeys 19-Ugaas Gaarane Ugaas Cusmaan= Beesha Bohol Garas 20-Ugaas Cabdi Yare Jaamac =B.Madalug 21-Suldaan Xasan Sh. Dhicis =B.Madalug 22-Ugaas C/xakiim Ugaas Max�ed =Baajamaal 23-Ugaas Max�ed Buule Jiirow =Wardaay 24-Nabadoon Xuseen Max�ed Saalax =Wardaay 25-Suldaan Ismaaciil Diyaad Cali =Aw Saciid 26-Ugaas Ibraahim Kuusow Ciise =Aw Saciid 27-Max�ed Indhamood Cigaal =Dir


SALAADIINTA BEELAHA SHANNAAD'

1-Suldaan Axmed Rashiid Sh. Shuceyb =Lixda Shiidle 2- Suldaan C/laahi X. Qaaneey =Shanbare 3- Suldaan Muxuyadiin Mukhtaar Muudeey = eylo 4- Ugaas Cali Ugaas Xasan =Makane 5- Ugaas Xaaji Xuseen Maxamed =Hintire 6- Caaqil Maxamed Cismaan Orow =Hintire 7- Ugaas Cabdi Xasan Yarow = Mahuraan 8- Ugaas Abuukar Qalaad Hadaafow =bah salaamo 9- Ugaas Muxumad Xasan Daa�uud =Gasar 10- Ugaas Muxumad Sh. Shaafici =Sedex Cumar 11- Ugaas Cabdi Siraad Ibraahim =Dagiine 12- Suldaan Cumar Ciid Qaaris =Reer Geedow 13- Sh. Axmed Sh. Maxamed = Ku simaha Boqorka kaboole 14- Ugaas Sh. Xasan Yare Xasanow =jilib reer masad 15- Caaqil Aweys Huneero =Mushunguli 16- Suldaan Luqmaan Xasan Xuseen =Ceytire 17-Ugaas C/qaadir Ugaas Axmed Deer =Reer Ow Xasan 18-Ugaas Max�ed Bashiir Ugaas Xasan =Midhibaan 19-Suldaan C/xaliim C/maalik =Ajuuraan 20-Ugaas Aadan Cabdow Sheekh =Muusa dheri 21-Suldaan Max�uud Muuse Ayax Dhowre =Yibir 22-Ugaas Cabdi Guure Max�ed =Garjante 23-Ugaas C/raxmaan Axmed Siyaad =Yaxye Saalax 24-Sudaan Sheekh Cali Max�ed =Carab Max�uud Saalax' 25-Ugaas Faarax Gacal Guuleed =Tumaal 26-Ugaas Baani Aadan Baana =Baajuun 27-Malaaq Suufi Muudey Cali =Bandhabow 28-Nabadoon Xaaji Abuukar Aweys Cali =Sedex Geedi 29-Iikar Xaaji C/llahi =Camuudi 30-Malaaq Xaaji Mahdi Nuuroow =Moorshe 31-Nabadoon Xaaji Abuukar Aweys =Iskaashato 32-Malaaq C/qaadir Shiikhey =Ku sime malaaq dhabarweyne 33-Nabadoon Max�ed C/qaadir Max�ed =faqey Culimo 34-Nabadoon Islow Ibraahim Nuur =Yacquub 35-Nabadoon C/llahi Seyid Cali =Asharaaf 36-Nabadoon C/qaadir Sh. Max�ed shiino =Reer Maanyo 37-Max�ed Seyid Jaamac =Shiikaal Gandershe 38-Nabadoon Sheekh Cusmaan Sh. C/llahi =Shiikhaal Jaziira 39-Suldaan Cabddow Sheekh Max�ed =Beesha Marko 40-Suldaan Bashiir Saalax Cali =Meheri 41-Suldaan C/qaadir Cumar Faarax =Meheri 42-Caaqil Seyid Nuur Sheekh C/qaadir =Reer Baraawe 43-Suldaan Cumar Barre =Yaxar 44-Suldaan C/llahi Axmed Xasan =Reer Aw Xasan 45-Suldaan Cusmaan Khaalid =Reer Aw Xasan 46-suldaan Najiib Sheekh Cali Xasan =Reer Aw Xasan 47-Suldaan Seyid Xasan Axmed = Carab Soomaali


Dhamaad

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

Email: fatxumaalik@hotmail.com Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2007'Bold text

Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale