Ismaaciil Gaydh

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Xaaji Ismaaciil Yoonis)

allah ha u naxariisto Xaaji Ismaaciil Yoonis (Xaaji Gaydh) (Noolaa 1914-1984/3/12) waxa uu ahaa nin ku dhashay gobolada waqooyiga, gaar ahaan meesha looyqaano somaliland.Waxaa uu ka soo jeeda qabiilka la yiraahdo Isaaqa gaar ahaan sacadmuse oo cabdala abokor Reer galool ah. Xaaji gaydh waxa uu dhashay 1914, waxa uu ku dhashay tuula la yidhaa Geedareeba. Waxa uu ku barbaaray isla meeshaas, waxa uu markii danbe ku noolaa magaalada Hargeysa, halkaas oo wakhtigiisa intii badnayd uu ku qaatay. Xaaji Gaydh Waxa uu kamid ahaa ragii wakhtigaa ugu geesisanaa waxa uu ka mid ahaa raga ugu caansanaa oo ay laga yaqaanay deegaanada somaliland, gaar ahaan waqooyigalbeed. taasoo ay kuu muujinaysay heesaha iyo gabayada loo alifay oo ay ka mid ahayd heestani oo ay dadyawga daga galbeedka somaliland ka dhigteen hees hawleed.(Halkuu xaaji gaydh xamaanta dhigtiyo xajkeenu waa xidhinta) balse sida lasheegay heeatu ay kamid ahayd heeso colaadeedyeedyo ay isu tiriyeen labada beelood ee (ISAAQ)iyo (ABOSKUL) iyadoi heesta isaaqu qaadayna ahayd( Halkuu gamadiid garaaxda dhigtiyo garsaaraay kuu geedibaan nahay) labadan heesood ayaa lagu soo kala halqabsanayay labadaa nin oo awood ku dhexlahaa labadaasi beelood macnahooduna ahaayeen waxaanu qabsanaynaa magaalo heblaayo iyo magaalo heblaayo....Waxa uu kamid ahaa ganacsadayaashii wakhtigaasi ku lahaa hanti fara badan gayiga somalidu dagto ilaa ethiopia isagok markii danbe isagu ganacsigiisa ku faafiyay wadankii la iaku oran jiray somalia gabi ahaantiiba iyo ilaa yemen. djibouti. waxaa uu dhalay tiro badan oo caruur ah oo lagu qiyaaso ilaa 70meeyo oo ubadan dumar.xaaji ismail yoonis waxaa lagu xasuustaa inuu kamid ahaa ragii faro ku tiriska ahaa ee u cadeyn jiray xukunkii macangaga ahaa ee maxamed siyaad bare sida aanay ugu qanacsanayn maamulkiisa (xukuumadiisa)xaajiga waxaa uu saldhigiisii ugu waynaa ee ganacsi ahaa wadanka ethiopia balse waxaa uu ubucda dhigtay somalia isagok ka biyo diiday taliskii isaguna halkaasi ka ariminayay ee (dhargiga)halkaas oo ay ilaa hada hantidiisii ka taagantahay bal wadaankaaai laftiisa ayaa waxaa la sheegay in ay xukuumada dhargigu uyeedhay wakhti wakhtiyada ka mida iyadoo doonaysa inay xidho una nasbayao somalida xoolo dhaqatada ah ee ethiopia dhinaca xuduudka somaliland taasi oo la sheegay inay fududaynayeen hawlaha kootorabaanka alaabta qarsoodiga ku galaysa ethiopia kadib waxaa suaal waydiiyay sida la xuso madaxwaynihii wakhtigaa suaashaas oo ahayd yaa dhalay geel jiraha jawaab gaaban ayuu siiyay xaajigu waxaanuu yiri waxaa dhashay hasha halkii ayaana loogu sharciyeeyey onaan geeljiraha xukun qaban xajigaydh ilaahay naxariistiisa jano haka waraabiyee Waxa uu dhintay 1984/3/12 keedii oo ku dhitay magaalada hargeisa, halkaasna uu ku aasan yahay. Waxyaalaha aad loo xasuusto waxa ka mid ahaa isaga oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ka soo jeeda gobolada waqooyi uu siyad bare la shiri jiray. Madax waynihii somalia Maxamed Siyaad Barre

Waxyaalaha lagu xasuusto waxa ka mid ah markii uu madaxwaynihii somalia Hargesa yimid inuu way diiyey ganacsatadii waqooyiga maxaan idiin qabtaa,xaaji Ismacil waxa uu ku yiri xoolahayga oo dhan xidigg iga sii so.waxa uu uga jeeday xukun milateri ayaad wadanka ku xukuntaa.xaaji ismail waxaa kale oo iyana xusid mudan in ay dadwaynaha galbeedka hargaysa dagaa uyaqaaneen birtii ay arkaanba waa birtii xaajiga islamarkaasina ay ugu suntanayd inuu xaajigu leeyahay.caruurta xaaji ismacil yonis waxa ka mida marwo khadra xaaji ismaciil oo noqotay gabadhii ugu horeysa ee xildhiban la doorto ka noqotay somaliland ka dibana noqotay gabadhii ugu horeysay ee maayer ka noqota soomaliland degmada gabiley, muujisayna wax qabad aan degmada laga qaban 40kiisana ee lasoo dhaafay.

Xaaji ismail yoonis waxaa uu guursaday 11 xaas oo laba ka mida uu wax yar qabay isla markaaaina aan la garanayn meel ay ku dambeeyeen iyo waxay udhaleenba walow aanay soomaali ahayn xaaji ismaail yoni waxaa ay haatan tafiirtiisu ama tarankiisu marayaan 473qof oo isugu jira wuxuu dhalay wuxuu awaw uyahay iyo wuxuu awow labaad u yahayba.