Xarardheere

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Italic textXarardheere waa degmo ku taala deexda gobolka Mudug.Xarardheere waa degmo xeebeed oo ku taalo gobolka Mudug ee woqooyiga Soomaaliya, waxey ku taalaa dhinaca qorax ka soo bax ee bari.Degmadaan waxaad ka heli kartaa waxyaabo farabadan, waana degmo dalxiiseed oo qaboow, waa degmada maanta ugu wanaagsan xaga nolosha ee degmooyinka Soomaaliya. Siyaasad ahaan waa degmo ka nabadgashay dagaalada galaaftay dalka qaybihiisa badan. Degmadan waxa daga beelaha Wacaysle Iyo saruur laakiin wixii kadambeeyey 1990 waxaa magaalada soo degey qaba,illo dhowr ah sida qeybo ka mid ah Saleebaan iyo Ceyr iyaga oo ka soo hayaamay dagaalo ka dhacay deegaankoodii

Taariikhda .Degmadan inta aynu ka heyno taariikhdeedu aad bey u farabadan tahay tusaale waxaa soo xukumayey saldanadii Mudug .madaxda kudhgalatay waxaa kamid ah Kol: Nageeye gacal kuul .iyo (Jeneral Salad Gabayre Kediye),Wasiirkii Gashaandhiga ee dowladii kacaanka, kana mid ahaa aasasayaashii golaha sare ee kacaanka. Maxamed Siciid (Jentelmaan)]], xildhibaan ka ahaa barlamaankii (1954-69). C/Raxmaan Xaashi Xassan wasiirka ku xigeenka diinta & Awqaafta Dowladii TNG 2000-2004, Hadana ah Ambassador Ka Algeria u Fadhiya Dowlada KMG ee Soomliya iyo cabdulaahi diiriye cali oo ah halyeey magac ku leh deganka oo aad u hormariyey bulshada degaanka