Xasan Sheekh Maxamuud

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Xasan Sheekh Maxamuud
حسن شيخ محمود
Waa sawirka Madaxweynaha Jamhuuriyedda Federalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Coat of arms of Somalia.svg
8daad Madaxweynaha Jamhuuriyedda Federalka Soomaaliya
Hadda Xilka haya
Xilka qabtay
Sebteembar 10, 2012 (2012-09-10)
Madaxweyne ku xigeen ?
Xil kaga horeeyey Sheekh Shariif Axmed
Xildhibaan
Kasoo biloow dpd
xafiiska joogay
Maajo 22, 1992 (1992-05-22) – Diseembar 3, 2012 (2012-12-03)
Xil kaga horeeyey Jeebbe
Xilka kaga dambeeyey Gadafeey
Arrimaha Bulshada
Ilaa 1993kii
xafiiska joogay
January 8, 1993 – Diseembar 3, 2012
Xil kaga horeeyey Cidna
Xilka kaga dambeeyey Fowsiya xaaji aadan
Faahfaahin ku saabsan shqasiyadda
Dhashay Xasan Sheekh Maxamuud
(1955-11-29) Nofeembar 29, 1955 (Waxa uu jiraa 57)
Jalalaqsi, Hiiraan, Soomaaliya.
Xisbiga PDP
Xaasaska Qamar Cali (1981-Qaba)
Caruur ?
? )
Dagan Villa Somalia (Si Rasmi ah)
Muqdisho, Kaaraan iyo Wadajir (Si gaar ah)
Wax barasho Hoose dhexe,Jalalaqsi
Somali National University (Bhopal,Indiya)
SIMAD
Xirfad Macalin
Maamulka
Maareenta professor
Qoraa
Diinta Islaam

Xasan Sheekh Maxamuud (Carabi: حسن شيخ محمود‎) waa Madaxaweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Taariikh nololeed [Wax ka bedel]

Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku dhashay Magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955. waxa uu ka bilaabay waxbarashada Quraanka iyo mida hoose. Waxbarashada sare wuxuu u soo aaday Magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ku biiray Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978. Wuxuuna ka qalinjabiyey sanadkii1981. Sanadkii 1981 ayuu Xasan Sheekh ka qalinjabiyey Jaamacada Phobal University ee dalka Hindiya, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree. Sanadkii 1993 ayuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuuna shaqo ka helay hay’ada UNICEF isagoo noqday sarkaalka dhanka waxbarashada ee u qaabilsan hay’adda dhanka waxbarashada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay machadka SIMAD oo hadda isu bedelay Jaamacad kuna yaalla magaalada Muqdisho. Sanadkii 2011 ayaa Xasan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi uu u bixiyey Nabada iyo Horumarka [PDP] kaasoo uu isaga gudoomiye ka noqday. Illaa haddana waxaa uu hogaamiyaa xisbigaasi. Xasan Sheekh wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaali iyo English. Sida dadka yaqaana ay sheegayaan Xasan waxaa uu aad ugu dhow yahay ururka Al Islaax, waana nin aad u dhexgala qeybaha kala duwan ee bulshada oo dabcan haddana sabab u noqotay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka.

Muqdisho (RBC) Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee caawa ka dhacday magaalada Muqdisho. Doorashada Xasan waxay soo afjareysaa xukunkii LABADA SHARIIF ee mudada afarta sano ka jiray Muqdisho waxaana ay tan horseedeysaa dawlad cusub oo aan ahayn ku meelgaar oo Soomaaliya ka bilaabaneysa.

Doorashadiisii [Wax ka bedel]

Waxaa la tartamay wareegii koowaad murashaxiinta kala ah, iyo dhibcaha

  • 1. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow - 21
  • 2. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex - 30
  • 3. Cadbullaahi Axmed Caddoow - 24
  • 4. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas - 30
  • 5. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo - 14
  • 6. Axmed Ismaaciil Samatar -8
  • 7. Xasan Shiikh Maxamuud - 60
  • 8. Shariif Shiikh Axmed -64
  • 9. Yusuf Garaad Cumar -8
  • 10. Cumar Salaad Cilmi -2
  • 11. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi - 0
  • 12. Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin -2
  • 13. Cabdulqaadir Cosoble Cali -27
  • 14. Maxamed Axmed Saalax -0
  • 15. Salaad Cali Jeelle -0
  • 16. Ibraahim Cali Xuseen -0
  • 17. Siciid Ciise Maxamuud -1
  • 18. Cismaan Maxamed Gacal -1
  • 19. Maxamed Cabdullaahi Oomaar -1
  • 20. Maxamed Cabdiweli Shiikh Yusuf
  • 21. Maslax Maxamed Siyaad Bare -0
  • 22. Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi - 1

Waxaa ka tannaasulay intii aan la gelin wareegga labaad oo ka baxay tartanka

  • Cabdiwali Maxamed Cali oo heystay 30 Cod
  • Cabdulqaadir Cosoble Cali oo heystay 27 Cod

Markaas ayaa wareegga u dambeeya waxaa u tartamay labada musharrax ee kala ah:

  • Shariif Shiikh Axmed, oo heystay 64 Cod.
64 / 275
  • Xasan Shiikh Maxamuud oo heystay 60 Cod
60 / 275

Waa markii ugu horreysay ee doorasho Madaxweyne oo xalaal ah ay ka dhacdo mudda laga joogo 42 sano.

Waxa uu kaga guuleeystay wareeggii ugu dambeeyay Shariif Shiikh Axmed.

  • Xasan Shiikh Maxamuudwaxa oo helay 190, halka
190 / 275
  • Shariif Shiikh Axmed oo helay 70.
70 / 275

Lixda Tiir ee barnaamijkiisa siyaasadeed [Wax ka bedel]

1- Kan ugu horeeya waa in la helaa amni (Nabad Waarta).

2- Ladagaalanka musuq maasuqa iyo dib u habeenta dhaqaalaha dalka

3- Dib u habeenta cadaalada wadanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha

4-

5-

6-


Hogaanka Dalka
xilka kaga horeeyey
Sheekh Shariif Axmed
Midnimo Qaran
Madaxweyneyaashii Soomaaliya
ilaa 2012
Talada Haya